Home » 4:40 am
Entries posted on “February, 2024”
Muqdisho February 16, (QJ) -Wasiirka Wasaaradda Batroolka & Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay in Soomaaliya markii ugu horeysay sanadka 2024-ka ay soo saari doonto qeybteedii ugu horeysay ee kalluunka kasoo go’a dalka. Wasiir C/risaaq Cumar oo la hadlay Idaacadda BBC-da ayaa sheegay in dadaallada lagu soo saarayo Kheyraadka Shidaalka Soomaaliya […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho February 16, 2024 (QJ) -Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in dhamaadka sanadkan lagu bedelo ATMIS-ka Midowga Afrika ciidamo shisheeye. La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Cali oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay inay socdaan qorshayaal socda, mana cadda illaa hadda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya inay noqon doonaan. Ciidamadan cusub ayaa la farayaa […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeisa February 14-Somaliland ayaa beenisay inay khalkhal galisay hawada Soomaaliya, iyadoo ku tilmaantay war ka soo baxay dowladda Soomaaliya mid been abuur ah. War-saxaafadeed ka soo baxay maamulka hawada Somaliland ayaa taa beddelkeeda lagu eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay ka dambeyso arrintan oo ay qaaday tallaabooyin mas’uuliyad darro ah. Hadalkan ayaa jawaab u ah wararka […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho February 15, 2024 (QJ) Waxaa soo baxaya faah faahin ku saabsan weerar xalay fiidkii kooxo hubeysan ay ku qaadeen xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho. Madaafiicda lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa waxay ku dhaceen xaafado ku dhow dhow Wasaaradda, iyadoo ay waxyeelo soo gaartay dad rayid ah. Dhowr qof oo […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho February 15, 2024 (QJ) -Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad ka jeediyey munaasabad lagu saxiixayey heshiiska tababarka ciidamada Soomaaliya oo ay si wadajir ah u wada qaateen dowladdaha Soomaaliya iyo Mareykanka. Madaxweynaha ayaa ku nuux nuuxsaday in heshiiskan uu xoojinayo taageerada iyo horumarinta ciidamada Soomaaliya gaar ahaan kuwa Danab oo […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho February 14, -Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta soo saaray wareegto uu ku mamnuucayo xirashada koofiyadaha iyo indho-shareerka ee magaalada Muqdisho. Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka reer Muqdisho aan loo ogolaan doonin in ay xirtaan koofiyadaha iyo xijaabka meelaha ay bulshadu isugu timaado. Maamulka gobolka Banaadir ayaa sidoo […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Addis Ababa February 14, 2024 (QJ) -Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Cumar Cali “Balcad” iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan Addis Ababa ayaa ka qeyb galay kulan looga hadlayay howlgalka ATMIS, kaasi oo ay soo qaban qaabiyeen Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika. Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Kismaayo February 14, 2024 (QJ) -Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), Madaxweyne ku xigeeno, xubno ka tirsan golayaasha […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa February 13, 2024 (QJ) -Qaar ka mid ah Xildhibaanada kasoo jeeda Gobolada Galbeedka Somaliland ayaa sharci daro ku tilmaamay heshiiska dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya. Xildhibaanadan oo ka kooban labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilada Somaliland, ayaa diiday heshiiskaas, iyagoo shaki ka muujiyay sharci ahaanshihiisa. “Heshiiskaas iyo heshiisyada la midka ah waan ka soo horjeednaa, […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho February 13, 2024 (QJ) -Hay’adda Duulista Hawadda ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadalka Somaliland ee ay ku eedaysay Soomaaliya in ay si khaldan uga faa’iidaysato maamulka hawada dalka. Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Hawada Somaliland Cumar Sayid C/laahi, ayaa ku eedeeyay dawladda Somaliya inay diiday fulinta heshiisyo ay labada dhinac […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »