Home » 10:35 am
Entries posted on “December, 2022”
Hargeysa. 26 December, 2022. (QJ)- Muddooyinkii ugu danbeeyay waxa gudaha Somaliland kusoo badanaya kiisaska argagixisada iyo dadka loo haysto tuhuno la xidhiidha falal argagixiso. Qurbejoog ayaa ogaatay in tobanaan kiis oo ku saabsan argagixiso la keenay maxkamadaha Somaliland agar ahaan gobolka Maroodijeex arintan oo dad badani aanay ka war hayn, balse fadhiyadoodu ay furan yihiin […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
-Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daauud Aweys Jaamac ayaa dalalka carabta ka dalbaday in ay taageeraan dagaalka dawladiisu kula jirto kooxda Al Shabaab, Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegtay shir dalalka carabtu isugu yimaadeen oo ka dhacay dalka Liibiya. Dalalka carabta oo aan dalabka Soomaaliya ka soo jawaabin, ayuu wasiirka ka digay in aaney shicibkoodu rumeysan wararka ay […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Kismaayo December 25, 2022 (SD) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa manta Magaalada Kismaayo ku qaabilay Wasiirka Difaaca Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale oo booqasho iyo kormeer ugu yimid Ciidamada Kenya ee kamidka ah howlgalgalka ATMIS. Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay diyaar garoowga loogu jiro sidii loo bilaabi lahaa howlgalka Kooxda Al-Shabaab lagaga saarayo deegaanada […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Baydhabo December 25, 2022 (SD) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis (Laftagareen) ayaa wareegto uu soo saaray xalay xilka uga qaaday labo kamid ah golihiisa wasiiradda, isaga oo sidoo kale magacaabay kuwa cusub. Madaxweynaha ayaa isku shaandheynta sameeyay ka dib kolkii wasiiradu ka horyimaadeen sida uu madaxwynuhu u maamulay dhacdadii dadku ku dhintaan ee dhawwnta […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Tehran December 25, 2022 (SD) – Dowladda Iran ayaa xaqiijisay in ay maanta dowladda federaalka Soomaaliya ku wareejisay kalluumeysato oo maxbuus ahaan loogu haystay gudaha Soomaaliya. Kaluumeysatada oo biyaha soomaaliya ay markii hore ka qafaasheen Burcad badeed ayaa markii danbe lagu wereejiyay kooxda Al Shabaab. Iran ayaa sheegtay in dedaal dheer oo ay gelisay siideynyta kaluumeysatada […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Washington December 24, 2022 (SD)- Madaxweyne Joe Biden ayaa manta ansixiyey Miisaaniyadda difaaca dalkaas ee 2023 oo qayb ka ah iskaashiga Maraykanku la yeelan doono Soomaaliya oo Somalilandna ku jirto. Miisaaniyada ayaa lagu lifaaqay wadshaqeyn hadal heyn badani ka dhalatay oo Mareykanka iyo Soomaaliland ka yeelanayaan dhincaya amniga. Wadashaqeynta ay Somaliland iyo Mareykanka oo Muqdisho […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Baydhabo December 24, 2022 (QJ)- Magaalada Baydhabo ayaa maanta dagan, kaddib dagaal dad ku dhintay shalay oo dhex maray ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ee diidan muddo kororsiga madaxweyne Laftagareen. Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo maanta hadlay, ayaa ku baaqay in nabadda laga shaqeeyo, baaritaana lagu sameynayo […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho December 24, 2022 (QJ) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyay saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya in ay kala shaqeeyaan Al-shabaab qaraxyada laga fuliyo Muqdisho. Madaxweynaha oo manta ka hadlayay sanadguue=ardii 79 aad ee aasaaska booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in gawaarida walxaha qarxa ka buuxaan ee Al-shabaab in ay baraha Koontaroolada […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Djibouti December 24, 2022 (QJ) – Taliska ciidamada Mareykanka eeAFRICOM ayaa shaaciyay in duqeyn ay Jimcihii ka fuliyeen agagaarka degmada Cadale oo dhacda qiyaastii masaafo 150 mile u jirta Muqdisho. AFRICOM ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaasi uu ka dhashay codsi uga yimi dowladda federaalka Soomaaliya, isla markaana xaqiijiyay in duqeyntaasi lagu dilay 6 xubnood […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa. 24 December, 2022. (QJ)- Gudaha Xisbiga Kulmiye ee haya talada Somaliland waxa weli ka dhex taagan dood aanay masuuliyiintu isla qaadan oo ku qotonta mustaqbalka Xisbiga Kulmiye iyo cidda ku xigta Muuse Biixi. Dooda ayay saldhigeedu tahay faa’iidada Kulmiye ugu jirta Doorashada Ururada iyo murashaxnimada Muuse Biixi oo illaa hadda ah mid aan cadayn. […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »