Home » 9:48 am Entries posted on “August, 2022”

Xildhibaan Indho-indho oo ay baafinayso maxkamadi

Hargeysa. 3 August, 2022. (QJ)- Maxkamadda Gobolka Sool ee Somaliland ayaa soo saartay warqad ay warbaahinta ku socodsiisay oo lagu baafinayo xildhibaanka caanka ah ee Cabdiqaadir Indhoindho oo ka tirsan Golaha Guurtida ee Somaliland, kaas oo muddo bil ah maxkamaddu u qabatay in uu ku hor yimaado Maxkamadda Gobolka Sool. Maxkamadda Gobolkka Sool ayaa sheegtay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

AlShabaab oo weerar culus ku qaaday ATMIS gudaha Soomaaliya

Muqdisho. 3 August, 2022. (QJ) Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Golweyn oo hoostaga degmada Buulo-mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo u dhaxeeyay Ciidamada Uganda ee kamid ah howlgalka ATMIS iyo Al-Shabaab. Weerarkan ayaa yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar gaadmo ahaa ku qaadeen saldhigga ay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

RW Ku Xigeenka Soomaaliya iyo Golaha Wasiirada oo la shaaciyay

Muqdisho. 2 August, 2022. (QJ)- Golaha Wasiirada ee dalka Soomaaliya oo uu ka mid yahay wasiirka labaad ee xukuumadda ahna Raysal Wasaare ku xigeenka ayaa la shaaciyay goor dhawayd. Golaha Wasiirada ayaa sidan ahaa: Saalax Axmed Jaamac Ra’iisul wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya Xasan Macalin Wasiirka Cadaaladda […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Taliye Dabagale oo waraaqaha ku hor jeex-jeexay masuuliyiinta UK iyo sababta

Hargeysa. 2 August, 2022. (QJ)-  Taliyaha Ciidamada Booliska ee Somaliland ayaa si anshax darro ah uga falceliyay walaac ay gaadhsiisay dawladda Ingiriisku isagoo hadalo af lagaado ah ku duray masuuliyiin ka socday xafiiska Ingiriiska ee magaalada Hargeysa. Dabagale ayaa waraaqaha ay ku qornayd cabashadu wuxuu ku hor jeexjeexay  masuuliyiinta siday oo ka socday xafiiska Ingiriiska […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Mucaaradka Somaliland oo ciidamo badan keensanaya dibad-baxyada

Hargeysa. 2 August, 2022. (QJ)- Deegaanada Somaliland waxa ka socda abaabulka dibad baxyo waawayn oo ay dhigayaan Isbahaysiga Mucaaradka Somaliland, kuwaas oo lagaga soo hor jeedo muddo kordhin loo sameeyo madaxweyne Bixi iyo doorashada madaxtooyada oo wakhtigeeda dhaafta. Qurbejoog waxay ogaatay in mudaharaadada soo socda ay noqonayaan kuwo ka duwan mudaharaadkii dhacay bishii June horaantiisi […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xukuumadda Muuse Biixi oo Beesha Caalamka eedayn culus u jeedisay

Hargeysa. 2 August, 2022. (QJ)- Xukuumadda Muuse Biixi ayaa eedaymo culus waxay u jeedisay Beesha Caalmka oo wada dedaalo ay ku dhex dhexaadinayso xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland, iyagoo weftiyo kala duwan usoo diray Somaliland. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Sulub ayaa ku eedeeyay wadamada Beesha Caalamka in ay mucaaradka ku dhiiri galiyeen qas ay ka bilaabaan […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xukuumada Soomaaliya oo saacadaha soo socda lagu dhawaaqayo

Mogadishu Aug 01, 2022 (SD)- Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in saacadaha soo scoda lagu dhawaaqo. Halkan hoose ka akhriso xubnaha gollaha wasiirada iyo beelaha ay ka soo jeedaan: Beesha Daarod Xil. Fardowso Cusman Cigaal – Leelkase Abshir Cumar Huruuse – Majerten (Arrimaha Dibadda) Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) – Mareexan (Amniga) Jaamac Khalif – […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Maraykanka oo digniin kasoo saaray alShabaab

Muqdisho. 1 August, 2022. (QJ)- Maraykanka ayaa ka digay in kooxda Alshabaab ay u badan tahay inay qorsheynayaan weeraro kale oo ay ka geystaan Itoobiya, bilaha soo socda. Ku dhawaad 500 oo dagaalyahano ah oo ka tirsan Al-Shabaab, ayaa todobaadkii hore markii ugu horeysay u gudbay bariga dalka Itoobiya, iyaga oo xuduudka kula dagaalamay ciidamada […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »