Home » 5:34 pm Entries posted on “August, 2022”

Xukuumadda Somaliland oo aqbalaysa dibad-baxyada iyo shuruudo ay wadato

Hargeysa. 6 August, 2022 (QJ)- Xukuumadda Somaliland ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay ka hadasho mudaharaadada mucaaradka u qorshaysan, iyadoo la filayo in ay aqbasho. Xogo ay Qurbejoog ka heshay xukuumadda ayaa sheegaya in kulan ay saraakiisha ugu muhiimsan xukuumaddu iskugu yimaadeen Guriga Madaxweynaha ay ku go’aansadeen in ay aqbalaan dibad baxa, balse […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo berri la ansixinayo

Muqdisho. 6 August, 2022 (QJ)-  Guddoonka Golaha Shacabka ayaa shaaciyay maalinta berri oo Axad ah inuu jiro Kulanka Golaha Shacabka ee ah cod u qaadista kalsooni siinta Golaha Wasiirada magacaaban iyo Barnaamijka Xukuumadda Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa hortagi doona Golaha Shacabka si uu u weydiisto codka kalsoonida iyo barnaamijka Xukuumaddiisa ayuu ka hor […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Golaha Wakiilada oo wada qorshe xilka lagaga qaadayo Muuse Biixi

Hargeysa. 6 August, 2022. (QJ)- Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada ee Somaliland wada qorshe ballaadhan oo maamuus-ka-xayuubin loogu samaynayo madaxweynaha Somaliland, kadib khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira. Xildhibaanada wada waxay badi kasoo jeedaan xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Waddani, iyadoo ay qorsheeyeen in dhammaan xildhibaanadii ka soo baxay xisbiyada mucaaradku ay taageeraan qorshahan. Mucaaradka ayaa […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Kulan dhex maray Muuse Biixi iyo xukuumadiisa iyo waxa lagaga hadlay

Hargeysa. 5 August, 2022. (QJ)- Magaalada Hargeysa waxa todoabadkan dhamaanaya ka dhacay kulan goor habeenimo ah dhex maray madaxweynaha Somaliland iyo xubnaha ugu muhiimsan xukuumadiisa gaar ahaan Wasiirka Arimaha Gudaha iyo xubno kasoo beesha Garxajis. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray waxa laga yeelayo dibad baxyada ballaadhan ee mucaaradku ay qorshaynayaan iyadoo fikrado kala duwan ay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Goorta ay Somaliland ka dhacayaan dibad-baxyadu iyo faahfaahin kale

Hargeysa. 5 August, 2022. (QJ)- Mucaaradka Somaliland ayaa qorshaynaya dibad baxyo ballaadhan oo ka dhaca dhammaan gobolada Somaliland oo dhan kuwaas oo lagu dalbanayo in doorashada madaxtooyada wakhtigeeda lagu qabto, bbalse xukuumadda ayaa diidan. Qurbejoog ayaa ogaatay in dibad baxyadu ay dhacayaan todobaadkan bilanaya iyadoo loo badinayo maalamaha kasoo horeeya Khamiista, gaar ahaan Axadda ama […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Maraykanka oo gaadiidka ciidamada siiyay ATMIS kadib weerarkii lala beegsaday

Muqdisho. 5 August, 2022. (QJ)-  Dawladda Maraykanka ayaa 24 ka mid ah gawaadhida gaashaaman ugu deeqday howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, saddex bilood ka dib weerarkii ugu dhimashada badnaa ee muddo sanado ah lagu qaado howlgalka nabad ilaalinta ee uu Mareykanka taageero. Wareejintan oo ay goob joog ka ahaayeen safiirka Mareykanka ee Soomaaliya […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Finland oo ka digtay deganaansho-la’aan Somaliland ka dhacda

Hargeysa. 4 August, 2022. (QJ)- Dawladda Finland waxay war kasoo saartay xaaladda cakiran ee siyaasadda Somaliland, iyadoo walaac wayn ka muujisay meesha ay wax marayaan hadda. Waa baaq qayb ka noqonaya walaacyo ka imanaya Beesha Caalamka oo ku aadan heshiis laga gaadho khilaafka siyaasadeed ee Somaliland ka taagan. Ergeyga gaarka ah ee dawladda Finland u […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Muuse Biixi oo diiday in uu la kulmo weftigii Itoobiya ee ciidamada

Hargeysa. 4 August, 2022. (QJ)-  Madaxweynaha Somaliland ayaa diiday in uu la kulmo wefti heer sare ah oo dawlada Itoobiya ay usoo dirtay Somaliland gaar ahaan magaalada Hargeysa, iyagoo waday fariin ka socotay raysalwasaare Abiy Axmed. Waftigan oo ahaa mid ciidan ee Itoobiya ka socda waxaa hoogaminaayay Hoogaanka Wardoonka Ciidamada Heer Faderaal ee dalka Itoobiya […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ciidamada Maraykanka Afrika AFRICOM oo taliye cusub yeeshay

Muqdisho. 4 August, 2022 (QJ)- Taliska milatariga Maraykanka ee Afrika ee loo soo gaabiyo magacooda AFRICOM ayaa yeelanaya taliye cusub laga bilaabo Salaadada soo socota. Taliyaha cusub oo lagu magacaabo Jeneraal Michael Langley ayaa noqday sarkaalkii ugu horreeyey ee ka tirsan ciidmaada badda Maraykanka ee madow ah ee gaara darajada Jeneraalka afarta xiddigood leh. Aqalka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Hay’adaha Caalamiga ah oo qarka u saaran in ay Somaliland ka guuraan

Hargeysa. 4 August, 2022. (QJ)- Somaliland waxa sii kordhaysa walaacyada ammaan ee ay qabaan hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee dalka ka haw-gala, iyadoo 30 sanno kadib taariikhda markii ugu horaysay ay hay’adaha caalamiga ah ee Somaliland degen ay qaarkood qorshaynayaan in ay meel kale u guuraan, kadib cabsi ammaan oo lasoo daristay. […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »