Home » 6:06 pm
Entries posted on “August, 2022”
Hageysa. 17 August, 2022 (QJ)- Xukuumadda Muuse Biixi ayaa ciidamadii ugu badnaa ee abid la geeyo deegaanka Cadaadlay ku daabushay labadii maalmood ee lasoo dhaafay, kadib xogahii dhanka mucaaradka ee ku aadanaa in shir wada tashi ah lagu qabanayo halkaa. Qurbejoog ayaa xogta ku heshay in laba guuto laga soo raray dhanka galbeed ee Somaliland […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Nairobi Aug 16,2022 (QJ) – Waxa maalinimadii shalay ay guddida doorashooyinka dalka Kiinya ku dhawaaqeen natiijada doorashooyinka madaxtooyada dalakaas ka dhacday todobaad ka hor. Gudidida doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay natiijooyin aad isugu dhaw oo ay sheegteen in uu ku guuleystay Wliam Ruto. Hadaba si aan doorashada Iyo xaaladaha ku xeeran wax uga ogaano waxaani la xiriirnay […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa. 16 August, 2022 (QJ)- Magaalada Hargeysa waxa ka dhacay kulan saacado badan saaka qaatay oo u dhexeeyay gudida ay Isbahaysiga Mucaaradku u xil saartay baadhitaanada tacadiyadii iyo dhacdooyinkii dibad baxyada 11-ka August lu lamaanaa iyo gudida joogtada ahe e Goaha Wakiilada oo iyagun abadhitaan kale wada, baadhitaan kaas oo ku aadan dibad baxyadaa iyo […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho. 16 August, 2022 (QJ)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya William Ruto, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay la shaqeynayso Ruto, si loo horumariyo xidhiidhka labo geesoodka ah. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu rajaynayo inay kawada shaqeeyaan William Ruto sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka horey u jiray & […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa AUG 15,2022 (QJ) – Xukuumada Somaliland ayaa la sheegay in ay qorsheyneyso in ay maxkamadaha dalka ee dhankeeda u janjeera u adeegsato u adeegsato madaxda xisbiyada mucaaridka dalka, ka dib dibad baxyadii doorosho doonka ahaa ee ka dhacay dalka. Mudaharaadyadii Khamiistii ina dhaaftay dalka ka dhacay ayaa waxa ku dhintay in kabadan todoba qof halka […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa. 15 August, 2022 (QJ)- Gudaha Somaliland waxa sii kordhaya gudiyada iyo baadhitaanada ku aadan dhacdoyinkii iyo mashaqadii ka dhalatay dibad axii ay 11ka bishan August maalin Khamiis ah ay dhigeen mcuaaradka Somaliland, taas oo ay kasoo qab galeen kumanaan ka mid ah shacabka magaalooyinka Somaliland. Dibad baxyada waa ka dhashay khasaare kala duwan oo […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa. 15 August, 2022 (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa ergo badani ay u tagtay saacadihii lasoo dhaafay iaydoo illaa shalay ay jireen dad shirara gaar gaar ah la qaadanayay, kuwaas oo rabay in uu bedelo mawqifkiisa madaxweynuhu. Muuse Biixi ayaa diiday dhammaan ergooyti nka kala duwan ee u tegay isagoo ku adkaystay mawiqfyadiisii hore kuna dooday […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa. 15 August, 2022 (QJ)- Dooni lagu magacaabo Al-caalam oo sidday hanti gaadhaysa (1600-Tons) oo qiimaha ahaana ka badnayd (4 Million) oo dollar ayaa ku gubatay xeebaha Cuman, xilli ay kusoo jeeday Soomaaliya. Doonidan ayaa u rarnayd ganacsato Reer Puntland ah, waxaana badeecadaha ay waday isugu jireen Shidaal, Raashin’ Gadiid kala duwan, Qalabka dhismaha iyo […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa 14 August, 2022 (QJ)- Ciidamada Booliska Somaliland ayaa marar badan codsiyo u gudbiyay hay’adaha taageera iyo hawl galada shisheeye ee kharashaadka siiya sida Midawga Yurub, iyagoo raba qalab kala duwan iyo hubka rabshadaha lagaga hor tago. Qurbejoog ayaa ogaatay in xukuumaddu ku fashilmay in ay hay’adaha ka hesho sunta dadka ka ilmaysiisa, qalabka ciidanka ee rabshadaha sida […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa 14 August, 2022 (QJ)- Doorashooyinka baarlamaanka iyo guddoomiyeyaasha gobollada ay Soomaalidu ku badan tahay ee Kenya ayaa waxaa kusoo baxay siyaasiyiin cusub iyo kuwo hore oo kuraas kala duwan ku guulaystay doorashadii dhawaan la soo gabagabeeyay 9-kii bishan August. Inta badan dadka la doortay ayaa ka socday Isbaheysiga Azimio La Umoja One ee Kenya […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »