Home » 9:55 am Entries posted on “August, 2017”

Madaxweyne Siilaanyo oo Hay’adaha Horumarinta u Qaabilsan Imaaraadka Kala Wada Hadlay Mashaariic Waaweyn oo Laga Fulinayo Somaliland

Abu-Dhabi 24. August 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo booqasho ku jooga waddanka Imaaraadka carabta, ayaa la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Hay’adda Abu Dhabi Fund oo horumarinta u qaabilsan imaarada Abu Dhabi Mr. Saciid Al-dahri iyo saraakiil kale oo ka tirsan Hay’adaas oo ay ka wadahadleen mashaariic kala duwan oo hay’addu […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

‘’Xukuumaddana nidaamkii dawladnimo, sinaantii iyo cadaaladii wey ku fashilantay, dalkuna wuxuu u baahan yahay in la badbaadiyo’’ Suldaan Daahir Xasan Khaliif

Hargaysa 24. August 2017 (SDN/QJ):- Suldaan Daahir Xasan Khaliif, oo ka mid ah Madax-dhaqameedka iyo Salaadiintii Somaliland, isla markaana ah Suldaanka guud ee Beelaha Gabooye, ayaa sheegay in Xukuumaddu faragelin ay ku hayso Golaha Wakiilada, isla markaana ay Baashe Maxamed Faarax ku cadaadiinayso in aan khilaafkan wada hadal lagu xalin, waxaanu sheegay in aanay haboonayn […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Bulshada Iyo Maamulka Gobolka Sool oo Cod dheer Kaga Qayliyey Lacag Suuqyada Ganacsiga Khalkhal ku abuurtay Iyo Qodobo laga soo saaray

Laascaanood 24. August 2017 (SDN/QJ):-Muumulka iyo ganacsatada gobalka Sool ayaa ka arinsaday sidii meesha looga saari lahaa lacag cusub oo gobalka Sool ka soo gashay dhanka dalka Somaliya, isla markaasna dhaqaale burbur ku keentay gobalka Sool. Badhasaabka gobalka Sool Cabdi Khayre Dirir ayaa go’aamo adag ka soo saaray xakamaynta lacagtaas, isaga oo faray ciidamada,  ganacsatada […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Waa Sidee Xidhiidhka Dublamaasiyadeed ee u dhexeeya Dalalka Somalia Iyo Tanzania? & Warbixin uu ka Diyaariyey Weriye C.salaan Hereri DAAWO

Daarasalaam 24. August 2017 (SDN/QJ):-Dalalka Somalia iyo Tanzania ayaa leh Xidhiidh taariikhi ah mudo dheerna soo Jiray Sidoo kale waxaa labada dal ka dhexeeya Xidhiidh Dublamaasiyadeed.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Hargaysa: Hooyo Da’deedu afka la Gashay Lixdan Jir oo Loox Ku Barata Qur’aanka Kariimka ah & Dulucda Fariin ay u dirtay Bulshadda Somaliland DAAWO

Hargaysa 24. August 2017 (SDN/QJ):-Hooyo 59-sano jira oo la yidhaa Hooyo Xaali Cali Xuseen isla markaana degen xaafada State House-ka ee magaalada Hargeysa, ayaa goob aan gurigeeda ka fogeyn waxaa ay ka dhigataa Qur’anka kariimka ah. Xaali Cali waxa quraanka loogu dhigaa loox ballaadhan, waxaanay maraysaa jiskii saddexaad oo ay muddo saddex sannadood ah soo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Maamulka Gobolka Awdal oo Iftiimiyey Waxa Ka Jira Warar Sheegaya in la Iibiyey Dhul Badan oo Dan Guud ah Kuna Yaala Boorama DAAWO

Boorama 24. August 2017 (SDN/QJ):-Xoghayaha Dowladda Hoose ee Boorama ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin in la iibiyay dhul dan guud ah oo la sheegay in la iibiyay.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Maxaa ka soo baxay kulan dhexmaray Raisul Wasaaraha Somalia & Wakiilada beesha caalamka?

Muqdisho 24. August 2017 (SDN/QJ):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada JFS Mudane Xasan Cai Khayre ayaa kulan gaar ah la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka, kulanka oo ujeedadiisu ahaa inuu warbixin ka siiyo xaaladda dalka, isla markaana la sii xoojiyo iskaashiga dhinacyada badan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka iyo Hay’adaha uu la kulmay Safiiradooda. Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Faalo Lagu Baahiyey Degelka Al Carabi21 oo Soo Bandhigtay Sirta Ku Duugan Soo dhawayntii Diiranayd ee Madaxweynaha Masar Mr Siisii Ku Qaabilay Dhigiisa Somalia Mr Farmaajo & Khubaro Lafo Gur ku samaysay

Qaahira 24. August 2017 (SDN/QJ):- Faallo shalay lagu baahiyey degelka Al-Carabi 21 ayaa gorfaysay sirta ku duugan soo dhoweyntii diirranayd ee madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo kala kulmay Qaahira. Faalladan oo uu qoray Maxamed Sandibaad ayaa sheegtay in soo dhoweyntaasi ay dhalisay su’aalo la iska weydiinayo ujeedada u qarsoon Masar ee ku waajahan Soomaaliya, waxa […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xukuumadda Somaliland oo Beenisay in Maraakiib Ganacsi oo Cabasho ka Tirsaday Maamulka Dekedda Berbera ay u Wareegeen Dekedda Muqdisho

Berbera 24. August 2017 (SDN/QJ):-Badhasaabka gobolka Saaxil, Jaamac Yuusuf Axmed, ayaa beeniyay in maraakiib ku soo xidhay dekedda Berbera ay u wareegeen dhinaca Muqdisho kadib markii baddeecadihii ay sideen laga rogi waayay  oo ay maalmo ku xidhnaayeen Dekedda. Badhasaabku  waxa uu sheegay in la dhammeeyay cabashadii  hore uga timid ganacsatadda dekedda wax kala soo dega  […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweynihii Hore ee Yemen Cali Cabdulaah Saalax oo Caasimadda Yemen ku Diyaariyey 30 Kun oo Askari & Dhoola Tus ay Maanta samaynayaan

Sanca 24. August 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynahii hore ee Dalka Yaman Cali cabdallah saalax ayaa Magaalada sanca ku soo diyaariyey 30 kun oo ka mid ah ciidamada isaga taageersan, kuwaas oo ka qayb qaadanaya bandhig lagu xusayo 35 guurada ka soo wareegtay aasaaskii xisbiga Koongareeska shacabka ee uu hogaamiyo oo maanta la xusi doono.   Cali cabdallah […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »