Home » 5:25 am Entries posted on “July, 2017”

Masar: Saddex Wiilal Oo Walaalo Ah Oo Haweenay Ku Dilay Baakidh Sigaar Ah !

Riyadh 27. July 2017 (SDN/QJ):- Falalka aadka u foosha xun ee ka dhex taagan bulshada ku dhaqan Dalka Masar ayaa ah kuwa aan loo adkaysan Karin, iyadoo Dalkaasi ay ka dhacaan falal aad u fool xun oo ka baxsan aadminnimada waxaana suurto gal ah in qof uu noloshiisa ku waayo waxaan macno lahayn. Saddex Nin […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweynaha Iran oo Balanqaaday inay Jawaabta Ku Haboon Ka Bixin doonaan Cunaqabataynta Cusub ee Kongarayska Maraykanku ansixiyey in Iran lagu soo rogo & Mawqifka Ruushka iyo Midowga Yurub

Tehran 27. July 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Dalka iran Xasan rooxaani ayaa sheegay inay jawaabta ku habboon ka bixin doonaan cunoqabataynta cusub ee ay Golaha Kongareeska Maraykanku ansixiyeen in lagu soo rogo jamhuuriyada Iran. Madaxweyne Rooxaani oo ka dib fadhi ay yeelatay xukuumadiisu la hadlay wakaalada wararka ee DPA ayaa waxa uu sheegay in ay sii […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Maxkamadda Midowga Yurub oo Maanta la filayo inay Go’aan ka soo Saarto Ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta & Raysal Wasaaraha Yuhuuda oo Dareen Cadho leh kaga Jawaabay

Washington 27. July 2017 (SDN/QJ):- Maxkamadda Yurub ayaa lagu wadaa inay maanta soo saarto Go’aan ururka Xamaas ee Falasdiiniyiinta lagaga saarayo Liiska Ururada Argagixisada. Go’aankan Maxkamada Yurub ay doonayso in Ururka Xamaas ee falasdiiniyiinta liiska argagixisada lagaga saarayo ayaa waxa suura gal ah in aanay Dalka Maraykanka iyo Israa’iil jeclaysan Go’aankaasi oo ay ka cadhoodaan. […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Deegaano ka tirsan Faransiiska oo ay ka Taagan tahay Masiibo Culus oo ka dhalatay Dab qabsaday Kaymo & Baaxada Khasaaraha

Paris 27. July 2017 (SDN/QJ):- Gobol ku yaalla dalka Faransiiska ayaa waxaa ka taagan masiibo culus ka dib markii dab xoog badan uu qabsaday keymo halkaasi ku yaalla. Boqolaal shaqaalaha dab-damiska ah ayaa lagu daadgureeyay meesha loo yaqaan Bormes-les-Mimosas ee dalkaasi Faransiiska.   Dowladda Faransiiska ayaa gacan weydiisatay waddamada Midowga Yurub ee dariska la ah […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Boqortooyadda Sucuudiga Oo Cabbista Sigaarka Ka Mamnuucaya Magaalooyinka Barakaysan ee Madiina iyo Makka !

Riyadh 27. July 2017 (SDN/QJ):- Dawladda Sucuudiga ayaa  muddooyinka ku hawlan dedaalka ay ugu jirto sidii ay u yarayn lahayd Cabbista Sigaarka, waxaanay dhawaan soo saartay go’aano cusub oo ay arrintaasi kaga hor tagayso waxaana go’aamadaasi ka mid ah in aan sigaarka lagu cabi Karin goobaha ka ag dhaw masaajidada iyo sidoo kale goobaha lagu […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Wasiirka Maaliyadda oo Komishanka ku wareejisay Laba Milyan oo Doollar oo Xukuumadda kaga hadhsanaa Lacagta doorashada

Hargaysa 26. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan, ayaa Guddiga doorashooyinka Qaranka ku wareejisay Lacag dhan laba Milyan oo Doollarka Maraykanka ah oo ka dhinnaa Kharashaadka Xukuumadda laga rabay ee doorashada Madaxtooyada. Lacagtaas oo lagu wareejiyey Munaasibad lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee magaalada Hargeysa, waxaa hadal ka soo jeediyey Wasiirka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Ciidamadda Qaranka Ayaa Tagay Ceel-Afwayn Dadkuna Si Wanaagsan Ayay Yeeleen” Wasiiru-Dowlaha Amniga Ee Arrimaha Gudaha Somaliland DAAWO

Hargaysa 26. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiiru-dowlaha Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Muuse Diiriye ayaa ka hadlay dhowr arrimood waxaanu u mahad-naqay cuqaasha iyo waxgaradka beelaha walaalaha ah ee ku  diriray deegaanka Ceel-wayn ee Gobolka Sanaag Gaar ahaan Deegaanka Dararweyne inay ka Shaqeeyaan Sidii Nabad Buuxda Deegaankaasi Loogu soo dabaali lahaa.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Murrashaxa KULMIYE oo Sharraxay Sida Dhallinyaradu Hormood uga Noqon Horumar Somaliland Gaadho SAWIRO

Hargaysa 26. July 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si qoto dheer dhallinyarada reer Somaliland u hogo-tusaaleeyey siyaabaha ay naftooda, mustaqbalkooda iyo dalkoodaba u horumarin karaan, isagoo uga digay inay ku milmaan dhaqannada horumarkooda liddiga ku ah ee ku hareeraysan. Guddoomiye Muuse Biixi oo ka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Guddoomiyaha Guurtida oo Shaaciyey in la hakiyey Guddi Goluhu u Saaray Shaqaaqada Ceel-afweyn, Shuruudna ku Xidhay DAAWO

Hargaysa 26. July 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa shaaca ka qaaday inay Guurti ahaan hakiyeen Ergo nabadeed oo ay u diri lahaayeen Ceel-afweyn, si ay uga qayb-qaataan deminta Colaadda Beelo wada dega deegaankaas u dhaxaysa, isla markaana dagaalkii u dambeeyey khamiistii inna dhaaftay ku dhex-maray deegaanka Dararweyne oo ka tirsan degmada […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Dowlada Somalia Oo War Ka Soo Saartay Iska Horimaadyadii Maanta Ka Dhacay Muqdisho oo Sababay Khasaare Dhimasho Kaas oo u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan Dawladda

Muqdisho 26. July 2017 (SDN/QJ):- Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay iska horimaadyo u dhaxeeyay ciidammo ka wada tirsan dowladda oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho kuwaasoo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa isku dhacyadaasi ku tilmaamay iney ahaayeen shilal ku dhacay si lama […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »