Home » 9:55 am
Entries posted on “April, 2017”
Muqdisho 18. April 2017 (SDN/QJ):- War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Federaalka Somalia ayaa loogu hambalyeeyay dowladda iyo shacabka Turkiga guushii wax ku oolka ajeyd ee ay ka soo hooyeen aftidii dhinaca dastuurka ee maalinimadii shalay ka dhacday dalkaasi. “Waxaan u hambalyeynayna Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan guushii uu ka gaaray Aftidaasi , taasoo u horseedeysa […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Ceerigaabo 18. April 2017 (SDN/QJ):- Sarkaal Soomaali ah, ayaa sheegay in ciidamada caalamiga ah ee ilaalada Baddu toogasho ku dileen Labo budhcad badeed ah Soomaali ah, halka mid kalana ay dhaawaceen. Axmed Cabdillaahi oo ka mid ah xoogagga la dagaalanka budhcad-badeedda ee Puntland ayaa sheegay in labada ruux ee la toogtay ka mid ahaayeen sagaal […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Roma 18. April 2017 (SDN/QJ):- Haweenay la aaminsanaa inay ugu da’ weynayd Adduunka ayaa ku Geeriyootay dalka Taliyaaniga, iyadoo 117 sano jir ah, sida ay ku warrantay warbaahinta dalkaasi Waxay ku geeriyootay gurigeeda oo ku yaalla magaalada Verbania ee waqooyiga dalka Taliyaaniga. Emma Morano waxay dhalatay 29 November 1899, waxay ahayd qofkii ugu dambeeyay ee […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho 18. April 2017 (SDN/QJ):- Wararka ka imanaya caasimadda dalkaasi aynu jaarka nahay ee Soomaaliya ayaa sheegaya in maamulka Magaalada Muqdisho uu go’aan adag ka qaatay kooxda dhawaan dhulka Soomaalida ka ayidday koox diimeedka Alsaadicuun Bil-Xaq. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyey Idaacadda Radio Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Amar lagu bixiyey […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 18. April 2017 (SDN/QJ):- Masuul ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo lagu Magacaabo Cali Cantar, ayaa Komiishanka Doorashooyinka ugu baaqay inay Ummadda u caddeeyaan Ujeeddada Shir aanay Xisbiyada Qaranku ogeyn, kaasi oo La Taliyihii Is-casilay ee Arrimaha Doorashooyinka u qaabilsanaa Madaxweynuhu Warbaahinta ka sheegay in la diiday inuu ka qayb-galo oo […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Maydh 18. April 2017 (SDN/QJ):- Doon aan haybteeda la aqoonsan ayaa shalay ku soo tuurtay Xeebta Gobolka Sanaag ee Bariga Somaliland Meydka laba nin oo la sheegay inay Soomaali yihiin,Waxaana Meydkaasi gacanta ku haya oo baadi goobaya Eheladooda Dadka degan Deegaanka Xeebta ee ay Doontaasi ku soo tuurtay Meydadka. Wararka Xalay naga Soo gaadhay Gobolka […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Sana 18. April 2017 (SDN/QJ):- Kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa si loo aaso maydadka dadkii Soomaalida ahaa ee u badnaa reer Somaliland ee badda Cas diyaaradda Hilokobtarta ahi ku xasuuqday si loo aaso waxa ay shuruud u direen maamulka Muqdisho ee Soomaaliya iyada oo aanay xukuumadda Somaliland arrinkaasi horena wax war ah oo cad uga […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Ankara 18. April 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Ka Hadlay Aftidii Axadii loo Qaaday Wax ka bedel lagu Sameeyo Distoorka dalkiisa oo Awoodo dheeraad ah Siiyay . Madaxweynuhu Wuxuu Shir Gudoomiyey Kulan ay Yeesheen Golaha xukuumadda dalkiisu ka dib markii uu Ku Guuleystay aftidii loo qaaday wax ka bedelka dastuurka ee Axaddii shalay ka […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Ohio 18. April 2017 (SDN/QJ):- Wiil 18 jir ah oo lagu magacaabo Lukas Dietrich ayaa xabsiga loo taxaabay, kadib markii lagu eedeeyey in uu xayawaan kula kacay fal arxan darro ah dalka Maraykanka. Wiilkan ayaa loo diiwaangeliyey baadhitaanka dacwad ah in uu wejiga ka dhirbaaxay dameer ku nool beer ku taalla gobalka Illinois ee dalkaas. […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Washington 18. April 2017 (SDN/QJ):- Dadaalladii ugu dambeeyey ee Facebook uu ku doonayo in uu xakameeyo wararka been abuurka ah ee lagu faafiyey barkulankooda bulshada ayaa ahaa talooyin toban ah oo ay shirkaddan Maraykan dhowaan u jeedisay macaamiisheeda si ay uga caawiyaan garashada wararka been abuurka ah. Dhinaca kalana Facebook waa uu suurtogeliyey in macaamiishiisa […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »