Home » 3:25 am
Entries posted on “November, 2016”
Hargaysa 28. November 2016 (SDN/QJ):- Xarunta qaabilaada Qaxootiga ee Magaalada Mayfac ee Gobolka Shabwa ee dalka yaman oo ah xarun ay leedahay hay’ada qaxootiga u qaabilsan qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in ay mudooyinkii u dambeeyey xeebaha gobolada Shabwa iyo Xadramuut ee dalkaasi soo gaadheen qiyaastii 92000 oo qaxooti Afrikaan ah oo ka kala yimid […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Berbera 27. November 2016 (SDN/QJ):- Weftigii uu Hogaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Galabta soo Gaadhay Magaalo Xeebeedka Berbera oo ay Caawa ku Sugnaan doonaan, ka dib markii daadad xoogani ay soo rogmadeen kala xidheena isu socodka Berbera iyo Hargeysa, taas oo bilow u ah raxmaad khayr qaba oo ka curtay […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Burco 27.November 2016 (SDN/QJ):-Weftigii Madaxweynuhu hoggaaminaayey oo maalintii sagaalaad ku guda jira socdalkii la magac baxay Tabantaabo ee xaalada abaarta la xidhidhay oo xalay u hoyday magaalo Madaxda Togdheer ee Burco ayaa saaka kulan balaadhan la qaatay odayaasha, aqoonyahanka, xildhibaanada iyo waxgaradka gobolka qaar ka mid ah oo ay ka wada hadleen xaalada guud iyo […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 27.November 2016 (SDN/QJ):- Wasiiru Dawlaha Wasaarad Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriya ayaa Kulan oo uu saaka iskugu yeedhan madax dhaqameedaka waxgaradka iyo masuuliyiinta beelaha wada dega Dhul daaqsimeedka deegaanada Xeebta Dooxa Biji ee Waqooyiga Hargaysa. Kusoo gunaanaday khilaad dhuleed oo ka taagnaa dhuldaaqsimeedka deeganada waqooyiga hargaysa kaasi oo la doonaayey in la deegaameeyo.
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 27.November 2016 (SDN/QJ):-Xiligan casriga ah ee isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyada horumarsani ay shaqaynayso waxaa qabsoomay in shay muhiimad weyn kuu leh aad si fudud oo degdeg ah ku hesho,adigoo hanan kara macluumaad badan oo aad danaynaysay, Barnaamijkeenan xogta dahsoona waxaynu ku soo bandhigaynaa dariiqooyinka ugu sahlan ee wax loogaga baadho shabakada Google, kuwaas oo badankeenu […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 27.November 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga WADDANI, ahna guddoomiyaha garabka toosinta iyo caddaaladda, ayaa markii ugu horraysay daaha ka fayday shiqoollo qarsoodi ahaa naftiisa halis lagu geliyey, kuwaas oo ka dhacay madashii uu ka dhacay madashii lagu qabtay shirkii golaha dhexe ee sababta u ahaa inuu xisbigaasi laga garab u kala jabo. Axmed […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 27.November 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka hadlay Wada hadal uu Xisbiga Kulmiye la Furay Garabka uu hogaamiyo Jamaal Cali Xuseen.
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 27.November 2016 (SDN/QJ):-Wada hadaladii ay Jamaal Cali Xuseen iyo kooxdiisu la bilaabeen xisbiyada KULMIYE iyo Waddani, ayaa ku dhow gunaanad, ka dib afar maalmood oo ay laba maalmoodba xisbi gaar ah la kulmayeen. Si rasmi ah looma garanayo xisbiga ay isugu biyo shuban doonaan midka uu noqon doono, laakiin dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 27.November 2016 (SDN/QJ):-Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade, ayaa dawladda Turkiga ku tilmaamay mid aan marna dhexdhexaad ka ahayn wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu sheegay in xukuumadu ka fiirsan doonto wada hadaladii uu dhexdhexaadiyaha ka ahaa. Wasiirkii hore ee Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Warancadde oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 26.November 2016 (SDN/QJ):-Kadib muusenawgii Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryayntu Cali Mareexaan kula Kufay Doraad Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilanayo oo ay wafti kuwada socdaan Gobolka Sanaag,Waxa isasoo taraya warar hoose oo shaaca ka qaaday in Wasiir Cali Mareexaan mudooyinkii u dambeeyay ku jiray Xaalad adag oo siyaasadeed oo dhawr jiho ka soo […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »