Home » 6:07 pm
Entries posted on “July, 2016”
Hargeysa,20,7,2 016(QJ/SDN) – Magaalada Qoton-dabo ee koonfurta gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland waxa maanta lagu Caleemo saaray Suldaan Sakariye Suldaan Maxamed Suldaan Cabdillaahi [Galaal] oo noqonaya Suldaanka ugu da’da yar salaadiinta Jamhuuriyadda Somaliland. Guud ahaan Salaadiinta Soomaaliyeedna waxa uu noqonayaa Suldaanka labaad ee ugu da’da yar – waxaana isaga ka da’yar Suldaan Maxamed Suldaan Suldaan Axmed […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Gabiley, 20,7,2016(QJ/SDN) – Magaalada Gabiley waxa ku nool ninka lagu magacaabo Cilmi Daahir Cabdillaahi oo ah nin dhalinyaro ah isla markaana qacmo la’, isagoona luguhiisa u adeegsada baahidii uu u qabay gacmaha.
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho,20,7,2016 (QJ/SDN) – Wasiirka Gaashaandhigga Somalia, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa wafdi ka socda Qaramada Midoobay, kaasoo ay Hoggaaminaysay u qayb-sanaha Xog-hayaha guud ee QM ee Arrimaha Caruurta ku dhex nool waddamada colaaddu ka jiraan, Ms Leila Zerrougui. Kulankaan, ayaa looga hadlay sidii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mar kale […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa (QJ/SDN) – Wada hadaladii u dhexeeyay ee muddo u socday xisbiga Waddani iyo siyaasiyiinta isbahaysiga KULMIYE, ayaa la filayaa inay dib u bilaabmaan. Wada hadaladan oo muddo soo socday, ayaa la sheegay inay hadda ku dhow yihiin gunaanad, waxaana laga yaabaa inay dhawaan labada dhinac wada jir ugu dhawaaqaan in wada hadaladii dhammaadeen islamarkaana […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Addis-ababa,20,7,2016 (QJ/SDN) – Maalmo ka hor waxa jaamacadda dawladda Itoobiya ee Ethiopian Civil service university ka qalin jebiyay 1500 oo arday oo ka kala socday dalalka gobalka Geeska Afrika oo ay Somaliland ku jirto. Ardayda qalin jebisay oo waxbarashadoodu ahayd deeq waxbarasho oo ay Itoobiya siisay ayaa waxa ay ka kala socdeen wadamada Somaliland, Itoobiya, […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa,20,7,2016 (QJ/SDN) – Guddoomiyaha iyo murashaxa xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa meesha ka saaray in muddo kordhin loo samayn doono Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu sheegay inay madaxweynaha iyo KULMIYE diyaar ka tahay doorashada madaxweynuhu. Muuse Biixi, oo shalay hadal ka jeediyay madal baabuur iskaragooyin ah loogu dirayay jidka Ceerigaabo, ayaa wuxuu sheegay in gudoomiyaha […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Ankara (QJ/SDN) – Turkiga ayaa shaqada ka joojiyay 15,200 oo macalimiin iskuulada iyo jaamacadaha. Wasaarada waxbarashada ee Turkiga, ayaa ku eedeysay inay xidhiidh la lahaayeen Fathullah Gulen oo saldhigiisu yahay Maraykanka, oo ay dowladda Turkiga ku eedeynayso inuu ka danbeeyay afgambigii milatariga ee guuldaraystay. Mr Gulen ayaa beeniyay inuu ku lug lahaa. In ka badan […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Cadaado,20,7,2016 (QJ/SDN) – War-saxaafadeed ka soo baxay maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed uu safar caafimaad uu aaday dalka Hindiya todobaadkii tagey. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Ka hor intuusan Hindiya aadin, Madaxweynuhu wuxuu kulamo kala duwan kula lahaa Nairobi beesha caalamka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee kasoo jeeda Deegaanka […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
War-saxaafadeed Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysaa Xeer-ilaaliyaha Guud inuu ka noqdo eeda uu ku soo oogay suxufi Ibraahim Cismaan Xeer-ilaaliyaha Guud ee Somaliland wuxuu dacwad ciqaab ah ku soo oogay Ibraahim Cismaan Axmed oo ah tafa-tiraha Hangoolnews. Ibraahim waxa lagu eedeeyey inuu “daabacay war been abuur ah iyo af-lagaado.” Maxkamadda Gobolka Hargeysa waxaay dacwadda […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa (QJ/SDN) – Axmed Muumin Seed, guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaal ciidanka Somaliland iyo kuwa Puntland ku dhex maray deegaanka Boodda-cadde oo ka tirsan gobolka Sanaag, isagoo guddoomiyuhu sheegay in Puntland ay daandaansi waddo isla markaana ay ka xisbi ahaan garab taaganyihiin ciidanka qalabka sida […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »