Home » 1:13 pm
Entries posted on “July, 2016”
Hargeysa,23,7,2016 (QJ/SDN) – Dawladda Ingiriiska ayaa soo bandhigtay heerka uu marayo dagaalka ay dawladda Somaliland kula jirto saxaafadda madaxbanaan. Warbixinta lix biloodlaha ah ee ay dawladda Ingiriisku ka soo saarto xaalada xuquuqal insaanka adduunka, ayaa waxa sannadkan dhinaca Somaliland hadheeyay xiisadda ka dhex oogan saxaafadda iyo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Waxay dawladda Ingiriisku gunaanadka warbixinteeda ku […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa,23,7,2016 (QJ/SDN) – 29 April 2016 ayay ahayd markii uu Madaxweyne Siilaanyo goor habeenimo si kedis ah xilkii uga qaaday taliyihii ciidanka badda Sareeye guuto Maxamed Xuseen Xiirane iyo wasiirkii boosaha iyo isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal. Saddex bilood ayaa laga joogaa markii uu Madaxweynuhu labadan masuul xilka ka qaaday. Hase yeeshee waxa madaxweyne Siilaanyo ku […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay,wareysiyo | Read More »
Hargeysa,23,7,2016 (QJ/SDN) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Xaaladda Dunida Muslimiinta ee Xilligan iyo Afgembigii Dhicisoobay ee Toddobaadkii hore ka dhacay Dalka Turkiga. Sheekh Aadan-Siiro oo Jimce walba khudbadaha uu jeediyo ku soo dara Xaaladaha ku soo kordha Dalka iyo Waddamada Dibadda, ayaa sheegay in Turkigu […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa,23,7,2016 (QJ/SDN) – Qunsulka Turkiga u fadhiya Somaliland Muzaffer Yuksel ayaa sheegay in ay aqbaleen Baasaboorka Somaliland, isagoona xusay in Fiisihii ugu horreeyay ay siiyeen madaxda dalka oo uu ugu horreeyo madaxweyne Siilaanyo. Sidoo kale, Qunsulku waxa uu ka hadlay wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya u socday oo uu sheegay inay dib u bilaabmi doonaan […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Addis-ababa,23,7,2016 (QJ/SDN) – Dawlada Itoobiya ayaa sheegtay in dhawaan la bilaabi doono mashruuc ku saabsan gaaska dabiiciga ah kaasoo ay ka wada shaqeynayaan hirgalintiisa ayada iyo Jabuuti iyo weliba Shiinaha. Mashruucaa ayaa waxaa uu ku kacayaa aduun lacageed oo dhan $4 bilyan. Arinkaa ayaa shaaca laga qaaday Khamiistii shalay. Waxaa arinkaa shalay shaaciyay waziirka arimaha […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Nairobi,23,7,2016 (QJ/SDN) – Guddoomiyaha Gobolka Meru Peter Munya oo ah Gobolka uu ka soo baxo Jaadka/Qaadka ay Soomaalidu u Taqaanno Miiroowga ayaa Mas’uuliyiinta ugu sarreeysay Xukuumadda Kenya wuxuu ka codsaday in ay laba jibbaarto in Somaliland lagu qanciyo inay fududeyso in Qaadka Kenya ka baxa loo iib-geeyo Somaliland. Peter Munya ayaa xusay ujeeddada uu u […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa,22,7,2016 (QJ/SDN) – Sheekh Maxamed Cumar Dirir oo ka mid ah culimada magaalada Hargeysa ayaa sheegay in qaadka ama jaadku uu yahay xaaraan – kaddib buu yidhi markii ay ka fatwoodeen culimada islaamku oo ay ku sheegeen in uu yahay Mukhaadaraad. Sheekh Cumar Dirir ayaa waxa uu sheegay in shir culimada diinta islaamku ay iskugu […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa,22,7,2016 (QJ/SDN) – Cabdikariim Axmed Mooge, wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland ayaa ceeb ku tilmaamay in Somaliland ay aqoonsi aan dhameystirnayn oo dowladda Kenya siiso ay dhaafsato in qaadka nooca loo yaqaanno Miiraha loo soo dhoofiyo dalka. Cabdirkariim Axmed Mooge, oo qoraal kooban bartiisa xidhiidhka bulshada ee Facebook ku baahiyay ayaa […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Washington,22,7,2016 (QJ/SDN) – Iyadoo shalay loo doortay Donald Trumph inuu noqdo murashaxa doorashada ee u tartamaya madaxweynenimada Mareykanka ayaa uu guddoomay arinkaa. Haatan ayaa uu ballan qaad sameeyay kusaabsan waxyaabaha uu qaban doono hadii la doorto oo madaxweyne uu ka noqdo Mareykanka. Wuxuu sheegay asagoo ka hadlaayay Cleveland carriga Mareykanka inuu la dagaalami doono isla […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho,22,7,2016 (QJ/SDN) – Ciidamo cusub oo kasocda dalka Burundi ayaa kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ciidamadan ayaana loogu tala galay in ay badal u noqdaan ciidamo kale oo dalkooda dib ugu laabanaya. Saraakiil katirsan Ciidamada AMISOM ,ayaa ciidankan cusub kusoo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde, waxaana ciidamadan buuxin doonaan kaalinta ciidamo kale […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »