Home » 2:53 am
Entries posted on “April, 2016”
Hargaysa 04.April 2016 (SDN/QJ):- Ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dadka Abaaruhu saameeyeen ugu deeqay 26 Milyan oo Shillinka Somaliland ah. Kulan ka dhacay miiska saraakiisha, ayaa ciidammadu lacagtan ku wareejiyeen Guddida Taakulaynta Abaaraha Heer Qaran sida uu Sheegay Xogyaha Guddidu Mr. Sharmaarke Geelle “Kulan ka qabsoomay Xarunta Miiska Saraakiisha ayey Ma-daalayaashii awalba u darbanaa […]
Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 04.April 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Kooxda Fanka ee Xidigaha Geeska Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax ayaa Madal Il-yartu is qabatay Waxa uu ka Sheegay in la tabay wasiir xirsi Cali Xaaji Xasan Wasiirkii Hore ee Madaxtooyada k dib markii uu tareenka xukuumada ka degay. Goobta uu hadalkaa ka yidhi laabsaalax waxaa ku sugaa siyaasiyiin waa weyn […]
Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 04.April 2016 (SDN/QJ):- Odayaasha iyo waxgaradka kazoo jeeda deegaanka sallaxley oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada hargeysa ayaa eedaymo kulul usoo jeediyay gudoomiye Faysal Cali Waraabe, sidoo kalena waxa ay taageero u muujiyeen musharaxnimada aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen. Hadalka Duqayda iyo Waxgaradka Degmada Sallaxley ayaa daba socda Khilaafka uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ka […]
Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Alleybaday, 04.April 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Beeraha Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim, ayaa kormeer ku tagay deegaanka Allaybaday, isaga oo soo kormeeray Ceelka Deegaanka oo ay dhawaan maalgalisay Hay’adda Imaaraati ah. Wasiirka ayaa waxa uu ka waramay faa’iidooyinka Ceelkani u leeyahay bulshada Allaybaday oo ay dadka deegaanka ka cabbaan Dad iyo duunyaba. Wasiirka Wasaaradda […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Riyadh, 04.April 2016 (SDN/QJ):- Boqortooyada sucuudiga ayaa niyadda ku haysa inay ka soo tallowda badda cas si ay isbaahaysi uga samaysato mandaqadda Geeska afrika, xeebtaas oo aan ka madhnayn budhcad badeeda, mukhaadaraadka iyo tahriibinta hubka sharcidarada ah. Rabitaankan sucuudiga ayaa ah mid muuqda ka hor intii aanay farogelinta millateri ku samaynin Wadanka Yaman, iyagoo sanadihii […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Addis Ababa, 04.April 2016 (SDN/QJ):- ‘ Illaa aynu ka dhamayno dunida cudurka Aids-ka hadii ay daaweyn lagu sameeyey tahay ama ay ka hortagiisa oo la badiyey tahayba ma qabo in hawshaydu dhamaatay’ sidaa waxaa tidhi Professor Quarraisha Abdool Kari moo todobaadkii hore la guddoonsiiyey abaalmarinta sayniska ee haweenka adduunka, iyadoo abaalmarintan ku muttaysatay halgankii dheeraa […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa (QJ/SDN – Halkan hoose Ka Daawo Barnaamij Madasha SIyaasiga Bulsho Tv oo lagu wasraday Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa
Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa (QJ/SDN) – Ciidammada Ammaanka, ayaa Suuqa Magaalada Hargeysa ka ururiyey Sameecado badan oo ku Xidhnaa meherado Gaar ah, kuwaasi oo si joogta ah Dadweynuhu uga dhageysan jireen Muxaadarooyin Diini ah oo ay jeedinayaan Culimada Waaweyn ee Soomaalida, sida Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun, Sheekh Maxamed Cumar Dirir, Sheekh Maxamed Cabdillaahi Umal, Sheekh Maxamed Cali […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho(QJ/SDN) – Ku xigeenka Raysal-wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte [Qaalib] ayaa taageeray go’aankii madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu ku hakiyay diiwaan-gelintii codbixiyeyaasha ee dalka ka socotay. Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in uu madaxweyne Siilaanyo ku hambalyeenayo go’aanka uu ku hakiyay diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, maadaama bu yidhi ay dalka ka jiraan abaaro. […]
Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa (QJ/SDN) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa goordhaweyd isku beddel, magacaabis iyo xil ka qaadis ku sameeyay golaha xukuumaddiisa, sida lagu sheegay war qoraal ah oo goordhaweyd kasoo baxay aqalka madaxtooyada Somaliland oo u dhignaa sidan:- WAR-SAXAAFADEED-Taariikh: 03/04/2016 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu […]
Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »