Home » 4:33 am Entries posted on “April, 2016”

Mid Ka Mid Ah Culimada Soomaalida Ee Caanka Ah Oo La Soo Taagey Maxkamad Ku Taalla Dalka Maraykanka & Farriin Uu U Diray Bulshada DAAWO

Colombus, 29 April, 2016-(SDN/QJ):– Maxkamad ku taalla Magaalada Colombus ee Gobolka Ohio ee Dalka Maraykanka, ayaa doraad la soo taagay Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Maraykanka. Lama oga Sababta Sheekha Maxkamadda loo soo taagay iyo waxa lagu heysto, laakiin Sheekh Maxamed Idiris, ayaa Muuqaal Fiidiyoow ah oo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Guddomiyaha mashruuca wadada cad Md Cali Sanyare oo soo gunaanaday safar shaqo oo uu USA ku joogay iyo xiliga uu Hargeysa ku beegan yahay

Maanta oo ah khamiis taariikhduna ay ku beegan tahay 04/28/16 waxaa Airpor ka Caalamiga ah ee Dalas Airport Ee ku yaala Caasimada Washinton DC ee Carigan maraykanka ka dhoofay Gudoomiyihii mashruuca Wadada Cad Mudane Cali Ibraahim muhumed ( Cali Sanyare ) , Waxaanu Caawa ka dagi doonaa magaalada Addisababa oo uu ku sii hakan doono […]

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Maxaa ka Soo Baxay Shir lagaga arrinsanayay Horumarinta Magaalada Laascaanood? DAAWO

Laascaanood,29 April,2016(SDN/QJ):- Shir lagaga Hadlayay Qorshaha Horumarineed ee Degmada Laascaanood oo ay si wada jir ah isaga Kaashanayaan Xukuumadda Somaliland iyo Hay’ada Usiad ayaa lagu soo Gabo gabeeyay Magaalada Laascaanood.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Korodhka Shilalka Gaadiidka ee Somaliland iyo Tirada Dadka Shilalka Ku Dhintay 2013/2014

Hargaysa 29.April 2016 (SDN/QJ):- Maalintii Arbacadii Waxaa Duleedka Magaalada Hargaysa ka Dhacay Shil Gaadhi oo Sababay dhimashada 5 Ruux iyo Dhaawaca Hal Qof. Saddexdii Bilood ee u horeeyay Sannadkii 2014-ka waxa Somaliland ka dhacay 648 Shil, waxaana ku dhintay 20 Qof, halka ay ku dhaawacmeen 443 Ruux.   Sannadkii 2013-kiina waxa Dalka ka dhacay 2374 […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Dhibaatada Xooggan ee haysata Dadka Soomaaliyeed ee Fiisaha Itoobiya u doonta Garoowe DAAWO

Garoowe 29.April 2016 (SDN/QJ):- Dadweynaha Soomaaliyeed ee u Doonta Fiisaha dal-ku-galka Ethiopia, ayaa dhibaato xooggan kala kulma Xafiiska ay dowladda Itoobiya ku leedahay magaalada Garoowe ee xarunta Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Dad badan oo qaarkood muddo dhawr bilood ah ay sugayeen Fiisaha Itoobiya oo Goroowe ku sugan, isla markaana ka kala tegay magaalooyin kala duwan, […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Maxkamadda Gobolka Maroodijeex oo Nin 500 oo Geed Qoyan ah Jaray Xadhig dheer iyo Ganaax Lacageed ku Riday SAWIRO/DHAGAYSO

Hargaysa 29.April 2016 (SDN/QJ):- Maxkamadda Gobolka Maroodijeex Qaybteeda Wareegta ayaa Xukun isugu Jira Xadhig iyo Ganaax Waxay ku riday C.laahi Haaruun Aadan “Sool” Kadib markii lagu helay inuu Xididada u Saaray 500 oo Geed oo Qoyan isagoo falkaas ka gaystay Deegaanka Qorijablay ee Degmada Sabo Wanaag. Dacwadan Maxkamada Gobolku waxa ay kusoo gabo-gabeysay Dhageysigeedu iyo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Dawlada Faransiiska Oo Ka Soo Jawaabay Ballan-qaad Ay Wax Kaga Qabanayso Goobaha Dalxiiska Ee Degmada Laas-geel

Laasgeel, 29.April 2016 (SDN/QJ):- Safaaradda dalka Faransiiska ee Kenya, ayaa ka soo jawaabtay ballan-qaad ay ku horumarinayso Goobaha dalxiiska ee degmada Laas-geel, oo bishii Febraury Wefti ka socday safaaraddaasi ay booqasho ku tageen goobaha qadiimiga ah ee Laas-geel, taas oo ujeeddada booqashadoodu ahayd ka soo war-helidda iyo sidoo kale wixii awoodooda ah ee ay wax-qabad […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Kulankii Gudoomiye C.raxmaan Cirro iyo Wasaaradda Arimaha Dibada Maraykanka muxuu daaranaa?

Washington,29 April,2016(SDN/QJ):-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee ku sugnaa dalka Maraykanka ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Debedda ee dalka Maraykanka. Kulan socday in ka badan hal saac ayaa labada dhinac ay kaga wada hadleen qodobo kala duwan oo ay ka mid yihiin Ictiraafka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Kulan Lagu Daahfurayay Mashruuca Biyo Balaadhinta Magaalada Berbera oo loo Goleeyay DAAWO

Berbera,29 April,2016(SDN/QJ):-Wasiirul dawlaha Wasaaradda Khayraadka Biyaha oo ay Weheliyaan Mas’uuliyiinta Gobolka Saaxil,Kuwa Degmada Berbera,Madax ka Socotay Sanduuqa Horumarka Somaliland, iyo Saraakiil ka Tirsan hay’adaha Caalamiga ah ayaa Magaalada Berbera kaga qayb galay Munaasibad lagu daahfurayay daraasad ku saabsan Mashruuca Biyo Balaadhinta ee Magaaladaasi.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Muxaadiro ka hadlaya Guurka Dhallinyaradda Iyo Su’aalo ay Sheekhii soo Jeedinayay Weydiiyeen DAAWO

Hargaysa,29 April,2016(SDN/QJ):-Muxaadaradan uu Sheekh Almis Sh. Yaxye X. Ibraahim kaga hadlay ‘Guurka iyo Dhallinyarada’ ayaa lagu qabtay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa. Waxa xusid mudan oo ay kaga duwan tahay kuwii hore, waxa su’aalo waydiiyay xubno badan oo ka mid ah dadka aan dhegaha waxba ka maqal ee Hargeysa ku dhaqan.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »