Home » 3:25 am Entries posted on “April, 2016”

“Faysal Isaga oo gidaar cidlo ah yaala oo lagaga tagey oon inan yar lagaga tagin oo kaligii ooyaaya ayuu ii yimid” Cali Guray DAAWO

Hargaysa 13.April 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye ku xigeena saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID muj.Cali Yuusuf Axmed (Cali Guray ) ayaa waxaa uu sheegay in gudoomiyaha xisbigaasi uu yahay shaqsiga gacantiisa ku baabiinaaya xisbiga UCID waxaana uu yidhi “Ucid waxaa loo bur burinayaa oo uu Faysal Cali Waraabe qandaraas ku soo qaatey in uu musharaxnimada […]

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Hargaysa: Kulan Laba Geesood ah oo dhex maray Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo Maamulka Caasimada Hargaysa DAAWO

Hargaysa 13.April 2016 (SDN/QJ):- Kulan Laba Geesood ah ayaa Magaalada Hargaysa ku dhex maray Bah’da Garsoorka iyo Maamulka Golaha deegaanka ee Caasimada Hargaysa kaas oo lagaga hadlayay Sidii Iskaashi Muglihi u dhex mari lahaa Garsoorka iyo Maamulka Caasimada.

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Magaaladda Laascaanood oo Lagu Daahfuray Mashruuc ku Shaqaynaya Tamarta Cadceeda oo Wax ka bedelay Bilicdii Magaaladaas DAAWO

Laascaanood 13.April 2016 (SDN/QJ):- Wasiirul dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta oo uu Weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi ayaa Kormeer Shaqo ku tegay Magaalada Laascaanood,isla markaana daahfuray Mashruuc dhinaca Tamarta Cadceeda ku shaqaynaya oo laga hirgaliyay Magaaladaasi.

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Deegaanka Sharmaarke oo la Geeyay Raashin Taakulo ah & Dareenka Bulshada DAAWO

Hargaysa 13.April 2016 (SDN/QJ):- Maayar ku Xigeenka Caasimada Hargays iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ka qayb galay Deeq raashin ah oo hay’ada Waddaniga ah ee SamSam Foundation ay Gaadhsiisay dadka ku dhaqan Tuulada Sharmaake oo hoos taga degmada Sallaxley ee Gobolka Maroodijeex.

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Ku Guul Daraystey In Uu Hakiyo Is Bed-Bedelka Sarifka Lacagaha Qalaad

Hargaysa 13.April 2016 (SDN/QJ):- Sida ay cadaysay Rugta Ganacsiga iyo Warshada ee Somaliland oo maalin kasta soo saarta qiimaha sarifka lacagaha qalaad,iibka Xoolaha iyo Badeecadaha ayaa muujisay laba warbixinood oo ay soo saartey laba Maalmood oo kala duwan faraqa Lacageed ee u dhaxeeya is bed-bedelka Sarifka lacagaha Qalaad. Iyada oo warbixinteeda hore ku xustey rugta […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xildhibbaano iyo Madax-dhaqameed Ka Soo Jeeda Gobalka Saaxil oo Boggaadiyey Ballaadhinta Inj.Cali Xoor Xoor uu Ka Wado Barxadda Wajaale ee Dekadda Berbera DAAWO

Berbera 13.April 2016 (SDN/QJ):- Qaar ka mid ah xildhibbaanada golaha deegaanka degmada magaalada Berbera iyo weliba sida oo kale salaadiinta iyo cuqaasha ka soo jeeda gobalka Saaxil, ayaa maareeyaha dekadda magaalada Berbera Inj.Cali Cumar Maxamed(Cali Xoor Xoor) ku boggaadiyey sida oo kalena ku hambalyeeyey ballaadhinta, casriyeynta, dib-u-habeynta iyo horumarka ka socda dekadda magaalada Berbera, waxaana […]

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Afhayeenka Salaadiinta Somaliland oo Markii Kowaad afka u kala furtay Khilaafka Ucid

Hargaysa 13.April 2016 (SDN/QJ):- Afhayeenka  dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Maxamuud  Xiiray ayaa waxaa markii ugu horeysay uu  ka hadley khilaafka  ka dhex taagan xisbiga mucaaridka ah ee UCID Suldaanku waxaa uu soo jeediyey in murankaasi aan loo gudbin maxkamada oo lagu dhameeyo wada hadal iyo isku tanaasul hadii ay salaadiin yihiina ay ka qeyb qaadan […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Daawo:- Aasaaskii Ciidanka Xoogga Dalka ee 12-ka Abriil oo Maanta laga Xusay Muqdisho

Muqdisho, 12, 4, 2016 (QJ/SDN) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu xusayay sannad-guuradii 56-aad ee aasaaska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, taasoo ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen; Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud, hogaamiyeyaasha Maamul-goboleedyada dalka, saraakiil iyo xubno kale. Xuskan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa; Ra’iisul Wasaare […]

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

DHAGEYSO: Arday Reer Somaliland Ah Oo Guulo Ka Gaadhay Tartan Caalami Oo Dalka Qatar Ka Socda

Dooxa, 12, 4, 2016 (QJ/SDN) – Dalka Qatar waxa ka socda tartan aqooneed lagu doodayo luuqadda afka carabiga kaasi oo ay ka qayb-galayaan arday ka socota in ka badan 50 dowladood oo caalamka oo dhan ah, waxaana tartankaasi qayb ka  ah arday reer Somaliland ah oo matalaysa dalka Somaliland kuwaasi oo guulo kasoo hooyay tartankaasi […]

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xukunka Xabsiga Dheer Ah Ee Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid Oo Gil-gilay Masaajidda Magaalada Hargeysa

Hargeysa, 12,4,2016 (QJ/SDN) – Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid oo ka mid ah abwaaniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha magaalada Hargeysa ayay maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa ku xukuntay xabsi muddo dheer ah, kaasi oo lagu sheegay illaa Afar sanno. Inkastoo aan si rasmi ah loo garan karin mudada xabsiga lagu xukumay abwaanka maadaama aan warbaahinta loo soo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »