Home » 11:51 am Entries posted on “April, 2016”

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Maanta Xafiiskiisa Ku qaabilay Wefti ka socda FAO SAWIRO

Hargaysa 16.April 2016 (SDN/QJ):- Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacii (Saylici) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wakiilka Somaliland iyo Soomaaliya Mr Richard Trenchard ee Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada midoobay (FAO). Madaxwyene ku xigeenka waxa kulanka ku weheliyey, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), wasiirku ku xigeenka Xanaanada […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

War murtiyeed Xisbiga Waddani kaga hadlay Xaalada Dhallinyarada Somaliland Akhriso/DAAWO

Hargaysa 16.April 2016 (SDN/QJ):- Garabka dhallinyarada heer-qaran ee xisbiga WADDANI, wuxu walaac xoog leh ka muujinayaa xaaladda ay ku sugan yihiin dhallinyarada Somaliland oo  muddooyinkii danbe si aad ah uga tahriibaayey wadanka, ka dib shaqo la’aan baahsan, qaraabo-kiil  iyo daryeel-la’aan ay kala kulmeen xukuumadda talada dalka haysa ee Kulmiye. Xisbiga WADDANI, mar walba isaga oo […]

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Dhibaatada dumarku ku hayaan Ragooda kunool Qurbaha Waraysi Xiiso badan

Hargaysa 16.April 2016 (SDN/QJ):- Dumar badan ayaa dhibaato ka Sheegta Ragooda oo Qurbaha ku Nool,Qodobkani Waa Mid Saamaytiisa leh marka la eego dunnida Horumartay.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo soo dhawayn balaran logu sameyey Gegida Diyaaradha ee Hethrow Airpot iyo Tageerayaal Mug ku leh Wadankan Uk oo ku soo biiraya

London16April16(SDN/QJ)Madaxda Xisbiga Ucid ee Uk oo soo dhawayn balaran u Sameyey Gudoomiyaha Xisbiga Ucid  Eng Faisal Ali waraabe iyadoo halkaa taageerayaasha xisbig si heer sare ah ugu soo dhaweyeen Garabyada Haweenka Dhalintayarada iyo .Xoghayeha guud ee xisbiga Ucidd  Mudane Yusuf Googooye , XoghayeArimaha Dibada  Mohamed Mohamed-Aar Abdillahi Xoghaye Rashiid ,Xoghayha Siyaadada ee Xisbiga Ucid Abokor […]

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

BOORAMA: Wariye Maalinkii Labaad Xabsiga Ku Jira

Boorama, 16,4,2016 (QJ/SDN) – Maxamed Cilmi Jaray oo ah wariye madax-bannaan oo ka hawl-gala warbaahinta gobolka Awdal ee Somaliland ayaa maalinkii labaad ku xidhan xabsi ku yaalla magaalad Boorama. Wariyahan ayaa xadhigiisa lagu sheegay in ay ka danbeysay kaddib markii uu wareystay dadweynaha reer Boorama isla markaana uu weydiiyay heesta calanka Soomaaliya halkaasi oo dadkii […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Daawo:- Wareysi Dhinacyo Badan Taabanaya Oo Lala Yeeshay Guddoomiye Cali Maxamed Yuusuf [Cali Guray]

Hargeysa, 16,4,2016 (QJ/SDN – Cali Maxamed Yuusuf [Cali Guray] guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID ayaa wareysi gaar ah siiyay Fogaan-araga Horn Cable, isagoona guddoomiyuhu ka jawaabay su’aallo badan oo laga waydiiyay khilaafka xisbiga UCID.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Daawo:- Itoobiya iyo Somaliland Oo Markii Ugu Horreysay Boorama Ku Shiraya

Boorama, 16,4,2016 (QJ/SDN) – Shir lagaga hadlayo amniga Somaliland iyo Itoobiya ayaa shalay ka furmay magaalada Boorama, shirkaasi oo ay ka qayb-galayaan qaar ka mid ah badhasaabada gobollada Somaliland iyo Itoobiya.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

SAWIRRO: Munaasibad Ballaadhan Oo Lagu Taageerayo Murashax Maxamed Xassan Finad Oo Xalay Lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Hargeysa, 16,4,2016 (QJ/SDN – Xaflad ballaadhan oo habeenkii xalay ahaa ka qabsoontay magaalada Hargeysa gaar ahaan Hotel Star ayaa waxa iskugu yimid dhalinyarada Taageerayaasha u ah Murashax Dr.Maxamed Xassan Xaashi [Finad] oo ka mid ah murashaxiinta u taagan doorashada aqalka baarlamaanka ee Somaliland. Munaasibaddan oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay isla markaana ay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxwayne SIILAANYO oo Ka Hadlay Qodobada Shirkii Hoggaamiyayaasha Somalia

Hargeysa, 16,4,2016 (QJ/SDN) – Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa war-murtiyeed ka soo saaray go’aamadii ka soo baxay shirkii Hoggaamiyaasha Madasha Qaran ee Muqdisho ka dhacay, kaas oo ay ka soo baxeen qodobo ka hadlaya Xildhibaanada u dhashey Somaliland sida loo soo xulayo. Madaxwaynaha  Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane,  Axmed Maxamed  Siilaanyo, Waxa uu u caddeeyay  dawladda federaalka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xeer Ilaalliyaha guud Ee Gobolka Hargeysa Oo Sheegay In Uu Joojiyey Baadhista Dacwad Uu Guddoomiyaha Maxakamadda Maroodijeex Ka Aqbalay Ururka SOLJA

Hargeysa April 15,2016(SDN/QJ)-Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto ayaa shaacieyy  in maxkamada gobolka maroodi jeex ka aqbashay dacwad ka dhan ah wasiirka arrimaha gudaha somaliland Cali Maxamed Warancade oo ururku u gudbiyey maxkamada. Gudoomiye Xuuto oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay inay ku guulaysteen in maxkamadu gobolku aqbasho […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »