Home » 2:35 am
Entries posted on “April, 2016”
Laascaanood 18.April 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Khayraadka Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Socdaal Shaqo ku Jooga magaalada Laascaanood ayaa Kulan balaadhan oo lagaga arrinsanyo adkaynta Nabadgalyada iyo u diyaar garowga Hawsha Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Waxa uu la Yeeshay Gudida Midnimada Gobolka Sool.
Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa, 18 April, 2016-(SDN/QJ): – Masuuliyiinta Wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland, ayaa difaacay si adagna u hor istaagay dhul garoon kubadda cagta ah oo ku yaala degmada Axmed dhagax, gaar ahaan dhanka galbeed ee Masalaha, kaas oo uu si sharci darro ah birrihii garoonka uga furtay seesna ku wareejistay xildhibaan Saleebaan Dogox oo ka […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho 18.April 2016 (SDN/QJ):- Qaar kamid ah mudanayaasha baarlamanka dawlada federalka Soomaaliya oo maagaalada muqdisho caasumada Soomaaliya shirjaa’id ku qabtay ayaa eedayn u soo jeediyey maamulka Puntland kadib rabshado ka dhashay qaraxii ka dhacay magaalada Gaalkacyo. Xildhibaanadan oo tiradoodu gaaraysay ilaa 45 ayaa sheegay inay rabshadahaas ka dhaceen magaalooyinka Gaalkacyo,Galdogobo,Buurtinle iyo Garowe dhamaana lagu bartilmaansaday […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Sweden, 18 April, 2016-(SDN/QJ) :– Qoysaska Soomaalida ah ee ku dhaqan Dalalka Qaaradda Yurub, ayaa waxa dhibaato ka haysataa dhaqanka Dalalkaasi oo ay badankoodu ku tageen Qoxooti-nimo, waxaana inta badan Hooyooyinka iyo Aabayaasha soo kala dhex gala khilaafaad salka ku haya Maamulka Qoyska, maaddaama oo Shuruucda Qoysaska ee Dalalkaasi Awoodda ugu badan siiyaan Hooyada. Haddii […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
London-Apr-17-2016-(SDN/QJ) Saaxiibayaal qormadeena ciyaaraha waxaynu maanta ku eegeynaa ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Ingiriiska,waxaana foodda isla galey labada naadi ee aan rajada ka lahayn inay hantiyaan koobkan waa Man City iyo Chelsea. Man City waxay u soo baxdey (semi Final-ka) koobka Yurub waxayna isku naf bixidoonaan Real Madrid haddaba daawo sidey u karbaashtey Chelsea. W/Q Jaahuur […]
Posted in Features,Sports,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Maansadani (Dhabanna Hays) waxay ku saabsantahay TAHRIIBTA, waxaana ay igu dhalatay kaddib markii maanta lasoo sheegay warkii dhiillada ahaa ee Doonidii ay la socdeen dhalinyarada Soomaaliyeed ee gaadhaysay 500 oo ruux kuwaasi oo ku qar-qoomay biyaha u dhexeeya Talyaaniga iyo Masar. Warkan maanta soo dhacay Ma dhabbaa abwaanoow Umad baa dhamaatoo Dhiillaa baxaysoo Dhuuxbaa dareeree Horta mayla […]
Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 17.April 2016 (SDN/QJ):- Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xafiiskiisa kula kulmay wefti ka socda Urur samafala kana socda dawladda Kuwait. Sida lagu Sheegay Warsaxaafadeed uu ku Saxeexan yahay afhayeenka Madaxtooyada C.raxmaan Sheekh Cilmi Faahiye Shamax Waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku weheliyeen xubno ka tirsan guddida heer qaran ee abaaraha, […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa 17, April,2017 (SDN/QJ)-Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta Ansixiyay wax ka badal lagu sameeyay Xeerka Diwaangalinta Codbixiyayaasha. Xeerkan Diwaangalinta Codbixiyayaasha ayaa markii Sheegayay in Diwaangalinta Codbixiyayaasha lagu dhameeyo lix bilood doorashada ka hor, waxaana imika laga dhigay in diwaangalinta codbixiyayaasha la diyaariyo lix bilood gudaheed intaan doorashada la gaadhin. Ansixinta xeerka Wax ka badalka […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Kalamata, 17,4,2016 (QJ/SDN) – Wararka laga helayo doontii maanta la sheegay in ay ku degtay badda u dhaxaysa Talyaaniga iyo Masar ayaa weli isasoo taraaya, waxaana wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan in ay doontaas ka bad-baadeen 23 Ruux oo kaliya, kuwaasi oo ah Soomaali. Doontan ayaa la sheegay in ay siday dad lagu qiyaasay 500 […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Addis-ababa (QJ/SDN) – Shirkii shanaad ee Ammaanka Afrika oo shalay ka furmay Itoobiya, ayay Hoggaamiyeyaasha Afrika oo uu ka mid yahay Madaxweyne, Xasan Sheekh, waxay diiradda ku saareen sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha ka jira Qaaradda Afrika. Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Hailemariam Desalegn oo kulankaan ka hadlay ayaa sheegay inay Afrika ka jiraan dhibaatooyin […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »