Home » 10:29 pm Entries posted on “April, 2016”

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay Geerida Boqolaal Somali ah oo ay Dooni la Dagtay

Muqdisho, 18,4,2016 (QJ/SDN) – Dowladda Somalia, ayaa maanta ka hadashay Geerida ugu yaraan 200 oo Dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ay dooni kula dagtay badda Mediterranean-ka, kuwaas oo ka Ambabaxay dalka Masar kuna socday dalka Talyaaniga. Tahriibayaashan Soomaliyeed ayaa waxay ka mid ahaayeen illaa 400 oo qof oo ay dooni ka qaaday xeebaha Waddanka Masar kuna […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Murugo Aan Maaro Loo Raadin !

Walbahaarka iyo welwelku waa mid  guri kasta u ah wehel , aabbo iyo hooyo waliba wadnaha iyo farta ayay isku hayaan. Waxa ugu badan ee maankooda ka guuxayaa waa waydiimo aanay u hayn jawaab sugan iyo wakhti go’an,  haddii ay hurdaan iyo haddii ay hawl maalmeedkooda ku jiraan ba beerkoodu wuu babanayaa, kashoodu wey nugushay, […]

Posted in Features | Read More »

Kuma Aanan Tabceen!

Salaaddii casar ayaan ku tukaday masaajid aan wax badan ka fogayn gurigayga.  Judhii salaadda laga baxayba,  intaan kabahayga hore  u iladay ayaan beegsaday   dhinicii  albaabku iga xigay. Kolkaan bannaanka u soo baxay ayaan milicsaday Islaan gidaar masaajidka ka soo horjeeda fadhida. Go’ ayaa dusha kaga dedan. Dhulkana waxaa u goglan go’ kale oo dadka masaajidka […]

Posted in Features | Read More »

DHAGEYSO: Guddida Guud Ee Beesha Abokor Muuse [Talo-Wadaag] Oo Ay Weheliyaan Madax-dhaqmeedka Beeshaasi Oo Ka Hadlay Mawqifkooda Ku Aadan Muranka Ka Taagan Xawaalka Waran-cadde

Hargeysa , 18,4,2016 (QJ/SDN) – Guddida guud ee beelaha Abokor Muuse [Talo-Wadag] ayaa shir jaraa’id oo ay caawa ku qabteen magaalada Hargeysa waxay ku sheegeen in xubno ka tirsan beesha oo warbaahinta la hadlay 16 April, 2016, kuwaasi oo hadlay muranka ka taagan xawaalka Waran-cadde aanay hadalkaasi ku matalin Beesha Abokor Muuse. Guddida oo ay […]

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Qurbejooga Beesha Ciidagale Wayne ee UK oo Casho Sharaf Sagootina u sameyey Gudoomiyaha Xisbiga Ucid EngFaysal Cali Waraabe iyoMaamulaha Cigaal International Airport Maxamed Yuusuf Ismaaciil

London18April16(QJ/SD)Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Beesha Ciidagale ee ku dhaqan Uk oo ka kala yimid gobolada wadankan Uk ayaa  Waxay Casho Sharaf ay ku sagootinayeen Gudoomiyaha Xisbiga UCid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Maamula Madaarka Hargaysa Maxamed Yusuf  ku qabteen Galbeedka London .Munasibaddan oo ka soo qeyb galeen Masuuliyiin kala duwan oo isugu jiray , Siyaasiyiin , […]

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxwayne Siilaanyo oo Soo Jeediyay In La Dadajiyo Tallo Qaran oo Tahriibka Laga Yeesho

Hargeysa 18,4,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu shacbiga ka tacsiyadaynayaa masiibada ka dhacday badda u dhaxaysay Masar iyo Giriiga, masiibadaas oo la sheegay inay ku naf waayeen dad aad u tiro badan oo boqolaala. Madaxweynuhu waxa uu ku tilmaamay masiibadaa mid […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Marwo Amran Maxamed Axmed oo shaacisay inay u sharaxan tahay ka mid noqoshada golaha Barlamaanka Somaliland,Kulan balaadhan oo ka dhacay London+Sawiro

London18April16(SDN/QJ)Waxa  kulan balaadhan oo ay kasoo qaybgaleen badida bulshada qaybaheeda kala duwan,Haween,Aqoonyahan,Dhalinyara,Salaadiin iyo qaar ka mid ah xisbiyada Qaranka Somaliland,Madax ka tirsan Somaliland.  Xafladan oo  ku saabsaneyd shaacinta ka qayb qadashada golaha barlamaanka Somaliland Marwo Aqoonyahanad Amran Maxamed Axmed.kulanka oo lagu furay ayaadaha  Quraana waxa ugu horeyn ka hadlay dadkii soo abaabulay oo aad uga mahadceliyey […]

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

SAWIRRO: Madaxwayne SIILAANYO oo Madaxtooyada ku Qaabilay Masuul Qaramada Midoobay ka Socda

Hargeysa, 16,4,2016 (QJ/SDN) – Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley ku Xigeenka ergeyga gaarka ah qaramada midoobay Mr. Peter De Clercq, ahna Isuduwaha Gargaarka Bani aadanimo iyo Wakiilka Barnaamijka Qaramada Midoobay ee Horumarinta u qaabilsan (UNDP) iyo wefti uu hogaaminayo oo isugu jira hay’adaha qaramada midoobay iyo hay’addaha Samafalka ee […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Daawo:- Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Oo Tacsi U Diray Ehellada Dhalinyaradii Ku Geeriyootay Musiibadii Ka Dhacday Masar iyo Talyaaniga Dhexdooda

Kismaayo, 18,4,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa tacsi u diray ehelladii iyo dadka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen shacabkii dhalinyarada u badnaa ee shalay ku geeriyooday doonidii ku qarqoontay badda u dhaxaysa Talyaaniga iyo Masar.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Taliyihii Ciidamada Cirka Dawladdii Siyaad Barre Ee Hargeysa Duqeeyey Oo Sheegay In Ay Dambigaasi La Qabaan Rag Maanta Xilal Ka Haya Somaliland DAAWO

Garoowe 18.April 2016 (SDN/QJ):- Taliyihii Ciidamada Cirka Dawladdii Maxamed Siyaad Barre ee sannadihii Siddeetamaadkii duqaynta ballaadhan ku burburiyey Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Gaashaanle Sare KhaliifCiise Mudan ayaa qirtay in uu isagu ahaa masuulkii hogaaminayay ciidamadii Cirka dawladdii Siyaad Barre ee Hargeysa duqeeyey sidoo kalena sheegay in aanu isagu masuuliyadda weerarkaasi kalidii lahayn ee ay xataa […]

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »