Home » 4:11 am
Entries posted on “April, 2016”
Hargaysa, 22 April, 2016-(SDN/QJ): – Madaxda Dawlada,Siyaasiyiinta Mucaaridka, Aqoo-yahanada, iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa afkaaro kala duwan ku Cabiray Korodhka Tahriibka dhallinyaradda. Doodan ayaa Xiligan waxaa soo Kiciyey dhacdadii Masiibada ahayd ee ay ku naf waayeen dhallinta Boqolaalka Kor u dhaafaya kadib markii doontii ay saarnaayeen kula qarqoontay bada u dhaxaysa Masar iyo […]
Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa, 22 April, 2016-(SDN/QJ):– Xukuumadda Somaliland, ayaa wada Qorshe ay Xididdada ugu siibeyso Shabakadaha Ka shaqeeya Tahriibinta Dhalinyarada, kuwaasi oo la aaminsan yahay inay ku sugan yihiin gudaha Dalka isla-markaana isku xidhaan Qofka Tahriibaya illaa Mukhalasiinta Doonta Saara. Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho, 22 April, 2016-(SDN/QJ): – R/wasaare Ku Xigeenka dawlada federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa xalay shir Saxaafadeed ku qabtay Xafiiska R.wasaaraha ayaa ka tacasiyeeyay Musiibada Maalmo ka hor ay ku Halaagsameen Dhallinyaro Soomaaliyeed oo doonayay in ay Tahriib ku galaan Dalalka Yurub. Mudane Cumar Carte ayaa ku Amray Hay’adaha Ammaanka in ay bur-burriyaan […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Gar-adag, 22 April, 2016-(SDN/QJ): – Weftigii uu Hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud,Gaadiidka Iyo Guryaynta Mudane Cali Xasan Maxamed “Cali Mareexaan” oo Socdaal Shaqo ku maraya Gobolada bari ee dalka ayaa Gaadhay Deegaamada uu ka socdo Mashruuca weyn ee dhismaha Waddada isku xidhaysa Magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco.
Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa, 22 April, 2016-(SDN/QJ): – Xukuumadda Somaliland, ayaa beenisay warar warbaahinta gudaha qoraysay maalmahan, kuwaasi oo sheegayay in si hoose u bilowday wada-hadalladii ay Turkiga kula lahayd dawladda federal-ka Somalia. Shir jaaraa’id oo wasiir-ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda, ahna ku-simaha wasiirka Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed-keyse) ku qabtay magalada Hargaysa, ayuu ku caddeeyey inaysan arrintaasi jirin. […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa, 22 April, 2016-(SDN/QJ):– Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ahna Af-Hayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani,ayaa si ba’an u dhaliilay qaab dhismeedka iyo hawlqabadka guddida ictiraaf raadinta Somaliland iyo waliba socdaalka ay Wasiiradda Arrimaha Dibada iyo Madaxtooyadu ugu maqan yihiin dalka Turkiga. Xildhibaan Buubaa oo warbaahinta ugu waramayey […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
New York, 22 April, 2016-(SDN/QJ): – Madaxwaynaha Dawlada federalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay inuu dabayaaqada sanadkan uu ka qayb galayo doorashada ladoonayo inay ka dhacdo wadanka gudihiisa. Madaxwayne Xassan Shiikh Maxamuud ayaa soo hadal qaaday inuu keenayo ajandayaal cusub kuwaas uga qayb galayo doorashada Soomaaliya ee soo socota. Madaxwaynaha ayaa mar […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho, 22 April, 2016-(SDN/QJ): – Qaar kamid ah masuuliyiinta maamulka koonfur galbeed Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay masiibadii ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee lagu gubay 6 caruurta iyo ayeeyeydood. Waxgaradkan oo ka kala socday bulshada rayidka ah iyo maamulka koonfur galbeed si kulul u canbaareeyey falkaasi foosha xun ee […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Addis Ababa, 22 April, 2016-(SDN/QJ): – Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Safar shaqo u jooga magaalada Addis Ababa ee caasimadda Waddanka Ethiopia ayaa booqday ciidamadii Puntland ee ku dhaawacmay dagaalkii Puntland lagaga sifaynayey kooxihii Al-shabaab ee duullaanka kusoo qaaday Puntland, kuwaas lagu dabiibayo cusbitallo ku yaalla magaalada Addis Abab ee xarunta dalka […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Khartoum, 22 April, 2016-(SDN/QJ): – Dawlada Sudan ayaa ku dhawaaqay inay dalkeeda joogaan shabakado loo adeegsado tahriibinta dadka. Wasiirka arimaha gudaha ee wadanka Sudan General Cismat Cabdiraxmaan oo u waramay wargayska Al-sudani ee dalkaasi ka soo baxa ayaa sheegay inay Magaalada caasimada ah ee Khartuum ka jiraan xarumo lagu tahriibiyo basharka aadamaha, kuwaasoo ay ku […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »