Home » 3:22 am Entries posted on “April, 2016”

Guddida Sahan-Barwaaqo Oo Soo Saartay Go’aamo Ay Ku Taageerayso Riig La Sheegay In Biyo Loogu Soo Saarayo Banka Qool-caday

Hargeysa , 23,4,2016(QJ/SDN) – War qoraal ah oo goordhaweyd kasoo baxay Guddida Sahan Barwaaqo [Guddida Guud Ee Beelwaynta Ciidagale] ayaa lagu sheegay in guddidaasi ay taageersantahay in biyo laga soo saaro deegaanka banka Qoolcaday oo muran badan ka taaganyahay murshruuc ay biyahaasi horudhac u yihiin. Sahan-Barwaaqo ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in ay wakhti kooban isku […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

SAWIRRO: Mas’uuliyiin Ka Socda Somaliland oo Ka Qayb-galay Munaasabad Loo Sameeyay Dhalashada Boqorada Ingiriiska

Addis-ababa, 23,4,2016 (QJ/SDN) – Wefti sare oo ka socda dawladda Somaliland, ayaa ka qaybgalay dabaaldega caalamiga ee loo sameeyey sagaashan guurada ka soo wareegtay dhalashada boqorada dalka ingiriiska,Queen Elizabeth II. Boqorada oo baarka ka jartay sagaashan sannadood, dalkaana boqorad ka ahayd muddo 64 sano ah, ayaa waxa xuska dhalashadeedu ka dhacay meelo badan oo ka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Daawo:- Madaxweynaha Soomaaliya Oo Shaaca ka qaaday In Uu Markale Yahay Murashax – Wareysi Dheer

Washington, 23,4,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar ku jooga magaaladan Washington DC ayaa waraysi khaas ah siiyey idaacadda codka Mareykanka ee VOA. Waraysiga waxaa la yeeshay madaxa Idaacadda VOA qaybteeda afka Soomaaliga Cabdiraxmaan Yabarow. Madaxweynaha ayaa waraysiga ku sheegay inuu mar kale yahay musharrax u taagan doorashada madaxweynenimo ee sannadkan ka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Daawo:- ‘’Dadka hor taagan Riigga Banka Qool-caday waxaan leeyahay meesha haku dhimanina’’ Suldaan Maxamed

Hargeysa (QJ/SDN) – Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa ka hadlay riig dhawaan la sheegay in la gayn doono deegaanka banka qoolcaday, wallow aan weli la gayn, isagoona suldaanku sheegay in riiga halkaasi la gayn doono dhawaan, dadka hor taaganna u sheegay in aanay meesha ku dhimanin.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Daawo:- Aqoonyahan Maxamed Haaruun Oo kashifay musharaxnimada Faysal Cali Waraabe

London (QJ/SDN) – Aqoonyahan Maxamed Haaruun oo ka tirsan xisbiga UCID ayaa daaha ka fayday in Faysal Cali Waraabe uu damacsanyahay in uu markale isku soo taago xilka madaxnimo eexisbiga UCID.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Daawo:- Odayaasha Beelaha Gabooye Oo Madaxweyne Siilaanyo Ka Codsaday In Uu Soo Dhex-galo Arrinta Banka Qoolcadey

Hargeysa (QJ/SDN) – Odayaasha beelaha Gabooye ee deegaanka banka Qoolcaday ayaa madaxweynaha Somaliland ka codsaday in uu soo dhex galo xiisadda ka taagan banka Qool-caday, iyagoona madaxweynaha u sheegay in aanay maanta haysan meel kale oo ay uga guuraan banka.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweyne Barack Obama oo Britain ku tagay booqashadisii ugu dambeysay inta uu xilka hayo

London (QJ/SDN) – Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama ayaa Britain booqashadiisii ugu dambeeyay intuu Madaxweynaha ka ahaa dalka Mareykanka iyadoo ay booqashadiisan uu habeenkii Khamiista ku tagay UK ay qaadan doonto saddex maalin. Booqashada Obama ayaa kusoo beegmaysa iyadoo bisha Juun ee sannadkan 2016-ka lagu wado inay UK ka dhacdo afti loo qaadayo in Britain ay kasii […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Taxanihii Qisaska Nolosha iyo Tusmadii Xusuus Qor Dhakhtar Ilkood Kala Soco Qurbejoog.com {DHAGAYSO}

Hargaysa 22.April 2016 (SDN/QJ):- Waa Qormadii Taxanaha ahayd ee Xusuus Dhakhtar Ilkood oo ay inoo Soo diyaariso Drs Hibaaq C.raxmaan Buubaal oo ah Dhakhtarad Aqoon durugsan u leh Xanuunada Ilkaha kana Shaqaysa Magaalada Hargaysa. Waxay Taxanahan inoogu soo bandhigaysaa Khibrad ay ka heshay Mudadii ay ka shaqaynaysay Mihnada dhakhtarnimo,Waxaana si Joogto ah Taxanahan idiinku soo […]

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Qorshaha Cusub ee Xukuumadda Somaliland kula Dagaalamayso Tahriibka Iyo Xusuusta Balanqaadyo aan Hirgalin Oo Madaxweyne Siilaanyo Wakhtigii Ololaha Doorashada U Jeediyay Dhallinyarada

Hargeysa, 22 April, 2016-(SDN/QJ):– Waxa Illaa Hadda Dadweynaha Somaliland Wer-wer iyo Walaac ka muujinayaan Khatarka ka iman karta Haddii Tahriibka Dhallinyaradu halkiisa ka sii socda, ka dib markii Toddobaadkii hore Dhallinyarada Afar Boqol oo Dhallinyaro Reer Somaliland u badan u Halligmeen Badda u dhexeysa Masar iyo Talyaaniga. Dadweynaha oo Siyaabo kala duwan uga hadlayey Dhibaatooyinka […]

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Magacyada Hooyo Lahayd Uur 7 Bilood Ah Iyo Seygeeda Oo Ku Dhintay Doontii Qaraqantey + Dareenka Xanuunka Leh Ee Ehelladooda DAAWO

Burco, 22 April, 2016-(SDN/QJ): – Waalidka iyo Ehelka Axmed Shuuriye Ibraahim iyo Kawsar Jaamac Xasan oo ahaa Lamaane is qaba oo ku jiray Dadkii Reer Somaliland ee Toddobaadkii hore Doontu kula degtay Badda u dhexeysa Dalalka Masar iyo Talyaaniga, ayaa ka warramay dareenkooda, waxayna iyaga oo dhammaantood ilmeynaya sheegeen inay ka xun yihiin dhibaatada soo […]

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »