Home » 2:41 am
Entries posted on “February, 2016”
Hargeysa,28,February,2016 (SDN/QJ):- Wasiirkii horre ee wasaaradaha Kalluumaysiga iyo Warfaafinta Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), ayaa sheegay in gudidii ictiraaf raadinta ee Madaxweyne Siilaanyo magacaabay ay qaranka ku soo kordhinayaan kharash. Isla markaana wuxuu sheegay in gudida uu madaxweynuhu isaga ku daro uu madaxweynuhu kalsooni badan ku qabo isaga. Geeljire wuxuu sidaa ku sheegay waraysi gaar […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Boorama,28,February,2016 (SDN/QJ):- Bulshadda Gobolka Awdal ayaa Saluug ka muujiyey Mudadii Komiishanka Doorashooyinka Qaranku ay ugu Talo galeen in Diiwaangelinta Codbixiyeyaashu ay ka socoto Gobolada Awdal Iyo Salal oo isku darkoodu ka dhigan yahay hal degmo doorasho.
Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Berbera,28,February,2016 (SDN/QJ):- Xukuumada Somaliland iyo wefti balaadhan oo ka socda dalka Ethiopia ayaa marsada Berbera wada jir uga dhagax dhigay barxad ay yeelan doonto dekedda Berbera oo gaar u ah qalabka iyo badeecadda kala duwan ee dawladda itoobiya kala soo degi doonto dekedda Berbera. Dhigax dhiga dhulkaasi iyo dayr lagu wareejin doono ayaa qayb ka […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa,28,February,2016 (SDN/QJ):- Iyadoo ay Deegaamo badan oo ka tirsan Somaliland ay ka taagan tahay Xaalad abaareed taas oo saamayn ku yeelatay Nolosha dadka iyo duunyada ayaa Hay’ad Waddani ah oo lagu magacaabo Samsam Foundation waxay Kaalmo bani aadnimimo gaadhsiiyeen dadka ku tabaaloobay abaarta ee Ku nool Jiido ka Tirsan Degmada Sallaxley ee Gobolka Maroodijeex.
Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Burco,28,February,2016 (SDN/QJ):- Gaadiidka loo Yaqaan Tikaha ee dhex shaqeeya Magaaladda Burco ayaa Sheegay inay si buuxda u Taageersan Yihiin Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.
Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Boorama,28,February,2016 (SDN/QJ):- Deegaanka Sh.Yuusuf Ee Degmada Borama ayaa Biyo Dhamis Balaadhan Laga Samayey Iyo Dadka Deegaankaasi ay ka hadleen Xaalada abaareed ee haysata isla markaana u Mahadceliyay cid kasta oo ka qayb qaadatay in Biyo la soo Gaadhsiiyo.
Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa,28,February,2016 (SDN/QJ):- Daraasad lagu qiimaynayey heerarka adeegyada caafimaadka gaarka loo leeyahay ee Somaliland ayaa lagu sheegay in tiro gaadhaysa 230 dhakhtar ay adkaatay xaqiijinta shahaadooyinka ay sitaan. Daraasadaa oo hay’adda kaalmooyinka Caalamka ee Ingiriisku DFID maal-gelisay, isla markaana ay fulisay urur lagu magacaabo HEALTH oo natiijadii daraasadoodu soo baxday bishii hore ayaa lagu amaanay, isla […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa,27,February,2016 (SDN/QJ):- Shirkii bilaha ahaa ee Xafiiska N/Galyada iyo Gudiyada nabad galyada Dagmooyinka Caasimada Hargeisa oo maanta ka qabsoomey hoolka shirarka ee Xarunta Dowlada hoose ee hargeisa ayaa waxa ka soo qeyb galey dhamaan gudoomiyayaasha amniga ee dagmooyinka Caasimada hargeisa iyo xoghayaha fulinta maamulka caasimada hargeisa. Shirkaasi oo warbixin lagaga dhageystey Gudiyada nabad galyada […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 27.Feb 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna Murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha hoggaanka sare xisbigu waxay kulan ballaadhan la yeesheen wefti ka socda Mac-hadka Arrimaha Doorashooyinka ee Joogtaynta Dimuqraadiyadda Afrika ee magaciisa loo soo gaabiyo EISA (Electoral Institute for Sustainable Democracy in Africa) oo fadhigiisu yahay Koonfur […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 27.Feb 2016 (SDN/QJ):-Xubno ka Tirsan Golaha Wasiiradda iyo Golayaasha kale ee qaranka ayaa maanta ka qayb galay aas balaadhan oo loo sameeyay dadkii maalintii Shalay Shilka Baabuur ku galay Jidka u dhexeeya Magaalooyinka Dilla iyo Gebilay. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cismaan C.laahi Saxardiid Caddaani oo ka hadlay aaskaasi qaran ayaa […]
Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »