Home » 12:31 pm Entries posted on “February, 2016”

“ Dunidu Wey Ogtahay In ay 10 Bilood U Hadheen Cimrigii Xukuumadda”Guddoomiye Cirro

  Hargaysa 21. February 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Ahna guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI c/raxmaan Maxamed C/laahi ayaa ka haddlay sidda uu arko guddiga uu madaxweyne Siilaanyo u magacaabay ictiraaf raadin Somaliland iyo qaabka loogu darey masuul ka trsan Xisbiga WADDANI,waxaanu tilaamay Md Cirro in aan laga talogelin Xisbiga iyo masuul katirsan […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Wafdi uu horkacayo RW Sharma’arke oo saacado lagu Xannibay Garoonka Diyaaradaha NAIROBI

Nairobi — Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali iyo Wufuud uu Horkacayo ayaa Shalay muddo Saacado ah lagu Xayiray Garoonka Diyaaradha Magaalada Nairobi Jomo Kenyatta. Wafdiga, RW Sharma’arke ayaa kusii jeeday Dalka Turkiga, sida uu sheegay mid ka mid ah xildhibaannadii wafdigan ka tirsanaa oo xilli uu ku sugnaa garoonka diyaaradaha Jomo Kneyatta u sheegay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Faysal Cali Waraabe iyo Boobe Yuusuf Ducaale oo ka Falceliyey Gudidda Aqoonsi raadinta ee uu Madaxweyne Siilaanyo ku daray DAAWO

Hargaysa 21. February 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale ayaa ka dareen Celiyey Gudida Citiraaf raadinta Somaliland oo uu Maalintii Shalay Magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo isla markaana uu labadan Xubnood ku […]

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xildhibaan Kijaandhe Iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan-dheere Oo Ka Baydhay Isbahaysigii, Habeeen Horena Ka Dhex Hilaacay Madaxtooyada

Hargaysa 21. February 2016 (SDN/QJ)- Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-dheere) oo ka mid ahaa siyaasiyiinta ku bahoobay isbahaysiga dimuqraadiyad-doonka KULMIYE, ayaa si rasmi ah  uga baydhay siyaasiyiinta ay isku mabda’a ahaayeen, waxaanay la jaal noqdeen madaxtooyada oo ay muddo badan aad u dhaliili jireen. Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Maxaa ka Jira in Gudoomiye Muuse Biixi iyo Murashaxa Madaxweyne ku Xigeenkiisa Mr Saylici uu Khilaaf ka dhex Curtay ? DAAWO

Hargaysa 21. February 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Jagadda Madaxweyne ee Xisbigaas Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa markii Kowaad ka hadlay dareenkiisa la xidhiidha dhacdadii Goob diiwaangelineed oo Ku taala Degmadda Lughaya ay Koox dablay hubaysani Weerar ku qaadeen. Md. Muuse Biixi waxa uu ku tilmaamay falkaasi mid ka dhan ah qabsoomidda doorashooyinka […]

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Qiimihii Doolarkii  Oo Dib U Laba Kacleeyay Markii Maceeshadii Jabi Wayday Iyo Guddidii Madaxweynuhu U Saaray Oo Dadweynuhu Baafinayaan

Hargaysa 21. February 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha ururka sarifleyaasha  magaaladda Hargaysa C/laahi Cali Barre,  ayaa sheegay in hoos u dhaca sarifka lacagaha ay caqabado ka haystaan maceeshadda daruuriga ah oo aan illaa hadda waxba iska bedalin. Waxaanu ku dooday in hoos u dhaca sarifka doolarku aanu ka maarmaynin in badeecadaha daruuriga ahina la jabaan. Waxaanu tilmaamay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Qaar Ka Mida Oday dhaqmeedka Gobolada Galbeedka Somaliland oo Canbaareyey Weerarkii Lagu Qaaday Hadayto Isla markaana Baaq adag u diray Xukumada Somaliland DAAWO.

Boorama 21. February 2016 (SDN/QJ):- Xubno ka tirsan Madax dhaqameedka Gobolada Galbeedka Somaliland ayaa Meel adag iska taagay falkii lagu weeraray Goob diiwaangelineed oo ka tirsan Degmada Lughaya ee Gobolka Awdal waxayna Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka dalbadeen inay Sida ugu dhakhsiiyaha badan Sharciga u hor keento Kuwii ka danbeeyay falkaas.

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Mujaahid Xasan Guure Jaamac Oo Ka Hadlay Oo Xisbiyada Ku Dhaliilay In Ay Diwaangalintii Codbixinta Ay Garab Wadaan Olole Siyaasadee DAAWO

Hargaysa 21. February 2016 (SDN/QJ):- Mujaahid Xasan Guure Jaamac oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland ee Ka madaxa bannaan Sadexda Xisbi qaran ayaa Axsaabta Somaliland Waxa uu ku naqdiyey habka ay uga qayb galeen diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo hada ka socota Gobolka Awdal isagoo sheegay inay Olole Siyaasadeed barbar wadeen.

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Suxufi Caan ah oo Hargaysa Ku Xannuunsanaya iyo Xukuumadda oo Balanqaaday inay Gargaar u fidinayso DAAWO

Hargaysa 21. February 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Mudane Maxamud Xaashi Cabdi oo ay Weheliyaan Mas’uuliyiin kale ayaa Gurigiisa ku Booqday Weriye Cabdiqaadir Maxamed Ciid Baay oo ka mid ah Suxufiyiinta Somaliland oo xaalad Caafimaad la soo deristay. Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamud Cabdi Jaamac Xuuto oo hadal kooban halkaasi ka jeediyey ayaa […]

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Wejigii 1aad ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo Gobolka Awdal ka soo Dhamaatay DAAWO

Boorama 21. February 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye Ku Xigeenka Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo uu Weheliyo Afhayeenka Komiishanka Doorashooyinka ayaa kaga dhawaaqay Magaaladda Boorama inuu soo Gebo gaboobay Wejigii 1aad ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee Ka Socotay Gobolka Awdal.

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »