Home » 5:32 am Entries posted on “August, 2015”

Madaxweyne Siilaanyo Oo Aqbalay Talooyin Lagu Beddelayo Taliyaha Booliska Oo Salaadiin, Wagarad iyo La-taliyayaashiisa Ammaanku Usoo Jeediyeen

Hargeysa:Aug,29,2015(SDN/QJ)-Rabshadihii dhinaca ammaanka ahaa eek a taagnaa meelo ka mid ah caasimadda Hargeysa, ayaa keenay cabashooyin badan oo laga keeno hoggaanka sare ee Ciidamada Booliska Somaliland, iyadoo indhaha saraakiisha madaxweynaha ku dhawi si weyn ula socdeen hannaankii loo maareeyey dhibaatooyinkii dhacay, waxana madaxweynaha soo gaadhay soo jeedimo tiro  badan oo salka ku haya sidii taliska Booliska […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Xaaska Midka mid ah Hoggaamiyayaasha Daacish Oo Dalka Britain Dhuumasho Ku Gashay Iyo Raacdo Loogu jiro

London:Aug,29,1015(SDN/QJ)-Haweenay laga shakisan yahay oo la sheegay inay u dhaxday Mid kamid ah hoggaamiyayaasha kooxda Daacish, laguna magacaabo Mrs Jihaadiste, ayaa la sheegayaa inay waddanka Britain si qarsoodi ah kusoo gashay. Haweeneydani oo u dhalatay Dalka Britain ayaa dalkaasi dib ugu laabatay kadib markii aalada Internedka ay ku tashkiilisay tiro dhalinyaro ah, waxa ayna ka […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Aniga guraygii niman Ethiopian ah oo Cabdilaahi Yuusuf Soo diray ayaa usoo daatay, Laba Baabuur oo la igu waardiyeynayey iyo Hubkii oo dhan bay qaateen, xabbad uunbaanay nagu dhufan”Cabdiqaasim Salaad Xasan

Qaahira:Aug,29,2015(SDN/QJ)-Madaxweynihii hore ee Somalia Dr Cabdiqaasim Salaad Xasan, ayaa ka Hadlay dhibaatooyinka ragaadiyey Koonfurta Somalia, waxana uu tilmaamay waxyeelladii hore loogu geystay Shacabka Reer Somaliland wax laga saari karo dhibka koonfur haatan ka taagan. Cabdiqaasim Salaad Xasan oo isagoo jooga Magaalada Qaahira ee Dalka masar u warramay Wariye Cabdisalaan Hereri oo Telefishanka Univeral katirsan, ayaa […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Shaqaale Reer Iran Ahaa Oo Xoog Kaga Baxsaday Budhcad-badeed Soomaali Ahayd Oo Ay Muddo u Afduubnaayeen

Ceelbuur:Aug,29,2015:(SDN/QJ)-Meel ku dhaw Xeebta Ceel Huur oo ka tirsan gobolka Mudug ee Dalka Somalia, waxaa ka dhacay arrin curad ah, kaddib markii shaqaale ajaanib ah oo u afduubnaa budhcad badeed Soomaaliyeed ay baxsadeen iyadoo aan wax dagaal ah ka dhicin halkaasi. Shaqaale u dhashay dalka Iiraan tiradooduna gaadheyso 16-qof oo watay doon muddo saddex bil […]

Posted in Uncategorized | Read More »

CIIDAMADA CUSUB EE LOO TABABARAY XUKUUMADDA SOMALIA MA BEDELI KARAAN AMISOM

Muqdisho,29Aug,2015(QJ/SDN)-Boqolaal ka mid ah Ciidanka Xooga Dalka Somaliya, ayaa waxaa tababar loogu soo xiray Xerada Ciidanka Militariga Jazeera, oo ku taala Degmada Wadajir Ee Gobolka Banaadir. Abaan Duulaha Ciidanka Xooga Dalka, General C/risaaq Khaliif Cilmi, ayaa tababarkan Khamiistii u soo xiray Ciidanka Militariga Somaliya, kuwaa oo lagu wado in Ciidamada Amisom kala wareegan dalka, sanadka […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Oo Ku Dhawaaqay Liiska Golihiisa Wasiirad – Akhri

 Cadaado,28Aug,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Goor-dhow kaga Dhawaaqay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud Golihiisa Wasiirrada oo ka kooban 24-wasiir, 24-wasiir ku xigeen iyo afar wasiir-u-dowle, iyadoo Golaha Wasiirradan ay ku jiraan Xubno ka socda Ururka Ahlusunna Waljameeca.   Golaha  Wasiirrada Galmudug ayaa looga dhawaaqay Munaasabad ka dhacday Degmada Cadaado, taasoo ay oo ay goob-joog […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Shirwaynihii Beel Waynta Abokor Muuse (Ciidagale) Ee Labadii Cisho Ugu Danbeeyay Ka Socday Magaalada Salaxley-Gaaroodi Oo Soo Gabo Gabagaboobey Qodobana Laga Soo Saaray (DAAWO SAWIRRADA)

Sallaxley,28Aug,2015(QJ/SDN)-Shirwaynihii Beel Waynta Abokor Muuse (Ciidagale) ee labadii cisho ee ugu danbeeyay ka socday Magaalada Salaxley ayaa maanta la soo gabogabeeyay . Shirwaynahan oo socday muddo laba maalmood ah ayaa lagaga hadlayay xaaladda Guud ee Beeshaasi sida Xaaladda Waxbarasho , Deegaan ,Caafimaad . Waxaana shirwaynahaasi laga soo saaray War Murtiyeed WAR-MURTIYEEDKA SHIRWEYNAHA TALO-WADAAG EE BEELWAYNTA […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Telefishanka Kenya, Oo Markii U Horaysay Lagaga Dooday Qadiyadda Somaliland, Iyo Wasiirka Khaarajiga Kenya, Iyo Madaxda Somaliya Oo Wax Laga Weydiiyay (DAAWO)

Nairobi,28Aug,2015(QJ/SDN)-Telefishanka Kenya, Oo Markii U Horaysay Lagaga Dooday Qadiyadda Somaliland, Iyo Wasiirka Khaarajiga Kenya, Iyo Madaxda Somaliya Oo Wax Laga Weydiiyay HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAAL:

Posted in Uncategorized | Read More »

“Cidkasta oo midab-dhaanta ama wax ku darta ama wax ka saarta astaanta calanka Somaliland waxay ku kacaysaa fal-dembiyeed ku xusan xeerka ciqaabta guud”Xildh. Rayte

Hargeysa:Aug,28,2015(SDN/QJ)-Xildhibaan Ibraahim Axmed Rayte oo kamid ah Mudanayaasha Xisbiga Waddani ugu jira Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa si adag uga hadlay  calan la dhalan rogay oo maalmihii ugu dambeeyey lagu arkayey qaarka mid ah xafiisyada Dawladda, waxana uu tilmaamay inay tahay distoor jebin. Xildhibaan Rayte oo maalintii shalay la hadlay HCTV, ayaa sheegay in ciddii astaanta […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Waxan maqlaa wadaaddadu ma codeeyaan doorashooyinka, xisbi-na ma galaan, Markaa haddaad ka qaybqaadan weydaan hoggaaminta dalka aayadihiina aad akhriyeysaan Hadhaw haddii shaydaan idiin taliyo maxaad u calcaacalaysaan?”Muj. Muuse Biixi.

Hargeysa:Aug,28,2015(SDN/QJ)-Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye, ayaa si weyn culimada Dalka ugu canaantay tafaraaruq iyo kala qaybsanaanta dhexdooda ka jirta, waxana uu usoo jeediyey inay midnimo muujiyaan maadaama oo ay dadka diinta u hayaan. Guddoomiye Muuse Biixi oo ka hadlay munaasibad uu qabsaday Machadka Ibnu Baas ee Magaalada Hargeysa, ayaa ku […]

Posted in Uncategorized | Read More »