Home » 4:57 pm Entries posted on “August, 2015”

Wasaarada Ganacsiga Oo Sheegtay In La Wareejin Doono Haamaha Shidaalka Ee Berbara

Hargeysa,25Aug,2015(J/SDN)-Gudida ilaalinta  hantida iyo dabagalka Qaranka Ee Golaha Wakiilada Somaliland oo maanta kulan la qaatay Wasiirka Wasaarada Gancasiga Somaliland ayaa sheegay in wasiiarka wasaarada Ganacsigu u cadeeyay in la wareejinaayo haamaha shidaalka Ee Barbara, Sidaasina Waxa Sheegay Xildhibaan Naasir Cali Shire Oo Ka Mida Gudidaasi Waxana Yidhi “Maanta waxa aanu la kulanay Gudida ilaalinta  hantida […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Xukuumadda Kulmiye Waxay Ku Tallo Jirtaa Inay Ku Wareeejiso Haamaha Shidaalka 3 Shirkaddood Oo Ay Leeyihiin Dadka Madaxtooyadda Ka Taliyaa”. Jamaal Cali Xuseen

Hargeysa,25Aug,2015(QJ/SDN)-Musharaxa Kagadda Madax-tinimo ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, MD. Jamaal Cali Xuseen,ayaa ka hadlay Wararka sheegaya inay Xukuumaddu Iibinayso Haamaha Shidaalka ee Magaaladda Berbera.Waxa uu sheegay in qorshuhu yahay in laga iibiyo Lix Shirkadood oo qaar ka mid ah ay Wataan Saraakiisha Madaxtooyaddu. MD. Jamaal oo qoraal kooban ku baahiyay Bartiisa Xidhiidhka Bulshadda ee […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxweynaha Oo La Kulamay Bahda Cadaalda Iyo Garsoorka Dalka

Hargeysa,25Aug,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta kulan dardaaran ah la qaatay   garsoorka maxkamadda sare  iyo gudidda cadaalada  Somaliland oo ay hogaaminayeen Gudoomiyaha Maxkamada Sare Aadan Xaaji Cali Axmed, Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Xuseen Axmed Caydiid, iyo Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Xasan Axmed Aadan  kulankan oo ujeeddadiisu ay ahayd sidii loo […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxweynihii hore ee dalka Kenya, Daniel Arab Moi oo kashifay Arin Culus Oo Ku Saabsan Siyaasadda Wadamada Geeska Africa Ee Ku Aadan Soomaaliya

Washington ,25Aug,2015(QJ/SDN)-Daniel Arab Moi oo ka hadlayey Jaamacadda Difaaca ee Maraykanka (The American Defence University) oo ku taalla magaalladda Washington DC ayaa sheegay in mid ka mid ah caqabadaha hortaagan Dadaalka Nabadda Somalia inay tahay iyado ay Dowladaha Gobalka rumeysan yihiin haddii ay Somalia cagaheeda isku taagto ay dib u soo xusuusan doonaan waxa uu ugu […]

Posted in Uncategorized | Read More »

XOG: Xassan Sheekh Iyo Jawaari Oo Khilaaf Soo Kala Dhex-galay + Baarlamaanka Oo la Kala Dirayo (Warbixin)

Muqdisho,25Aug,2015(QJ/SDN)-Khilaaf xoogan ayaa ka dhex taagan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari, khilaafkaasi oo ku aadan mooshinka xildhibaanada ay gudbiyeen oo uu qabtay gudoomiye Jawaari. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa xiligan ka fakaraya waddada kale ee uu ku joojin karo mooshinka laga gudbiyay, maadaama sabtidii xildhibaanada ay […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Heshiiska Aan La Galnay Baarlamaanka Kenya Waa Mid Faa’ido Ugu Jiri Doonta Shacabka Soomaaliyeed..”Xildhibaan Dalxa

Muqdisho,25Aug,2015(QJ/SDN)-Guddoomiye ku xigeenka guddiga Arrimaha dibadda baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay heshiis 21-kii bishaan magaalada Muqdisho ay ku kala saxiixdeen guddiyada difaaca iyo Arimaha dibadda ee baarlamaanada Soomaaliya iyo Kenya. Xildhibaanka oo u waramayay Barnaamijka Maxaa Lagu Heshiiyay ee Goobjoog News ayaa sheegay in heshiiskaasi ay faa’ido […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Nicholas Kay oo Kasoo Horjeestay Mooshinka Ka Dhanka Ah Madaxweyne Xassan Sheekh.

Muqdisho,25Aug,2015(QJ/SDN)-Wareysi uu siiyey VOA-da, ayaa Nicholas Kay waxa uu ku sheegay in Soomaaliya aysan awoodin in waqti kale ay ku lumiso xiisado siyaasadeed oo hor leh.  Ergeyga Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa cambaareeyey dadaallada ay qaar ka mid ah xildhibaannada Soomaaliya ku doonayaan inay xilka uga xayuubiyaan madaxweyne Xasan Sheekh. […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo Maamulka Jubbaland Ku Eedeysay inay Wax Ka Ogeyd Qaraxii Xerada Ciidanka

Muqdisho,25Aug,2015(QJ/SDN)-Wasiir ka tirsan Xukuumadda Somalia, ayaa Maamulka Jubbaland ku eedeeyay inay wax ka ogaayeen qaraxii ka dhacay Magaalada Kismaayo, gaar ahaan Xerada ciidanka lagu tababaro. Maxamed Geedi, Wasiir ku xigeenka Howlaha guud iyo Guriyeynta, ayaa sheegay inuu jiro shaki xoogan oo la xidhiidha qaraxaasi inay wax ka ogaayeen xubno ka tirsan Maamulka Jubbaland, isaga oo […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxweynaha Soomaaliya Walaalkii Oo ku Geeriyooday Magaalada Nairobi laguna Aasay (Daawo Sawirrada).

Nairobi,25Aug,2015(QJ/SDN)-Allaha u naxariistee waxaa maanta (Shalay) qubuuraha Langata ee magaalada Nairobi lagu aasay marxuun Cismaan Cilmi Cadaawe, oo isku hooyo ahaayeen Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Marxuunka ayaa Magaalada Nairobi ugu geeriyooday xanuuno mudooyinkan hayay, waxaana aas maanta loo sameeyay kasoo qeyb galay Soomaali aad u badan ay ku jireen masuuliyiin katirsan Safaarada Soomaaliya […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Qaxootiga Dhaqaale Raadiska ah Dib Looga Soo Celin Doono Waddamada Reer Yurub

Brugsels:Aug,25,2015(SDN/QJ)-Midowga Reer Yurub, ayaa markale soo saaray war ka nixiyey dadka Jacaylka u haya Nolosha Dalalka Galbeedka, waxana  madaxa  arrimaha socdaalka  u qaabilsani ballanqaaday inay dib u celin doonaan Dadka dhaqaalaha usoo raadsada dalalkooda. Waxa uu intaas ku daray  in tobanaanka kun ee qof ee ka soo cararaya meelaha ay colaadduhu ka jiraan ay xaq […]

Posted in Uncategorized | Read More »