Home » 5:05 am Entries posted on “August, 2015”

Waddo-tareenta Xidhiidhisa Dalalka Djibouti Iyo Ethiopia Oo Dhawaan Xadhigga Laga Jari Doono

Djibouti:Aug,27,2015(SDN/QJ)-Waddada Tareenka ee Xidhiidhisa Dalalka Ethiopia iyo Djibouti ayaa xadhigga laga jari doonaa Bilowga sanadka soo socda ee 2016-ka sida uu sheegay Madaxa wadooyinka tareenada ee Itoobiya, iyadoo ay waddadaasna dhisayso Shirkad shiinays ahi. Xadiidka tareenka oo dhararkiisu dhan yahay 450 mayl ayaa la sheegay in qiimhiisu ku kacayo ilaa 4 bilyan oo doolar. Mashruuca […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Akhri Magacyada Shirkadaha lagu wareejiyey Haamaha Shidaalka Berbera Iyo Cidda Hoggaaminaysa

Berbera:Aug,27,2015(SDN/QJ)-Waxa Gudaha Aqalka Madaxtoyada lagu saxeexay Heshiis Haamaha shidaalka Berbera loogu wareejinayo Shirkado gaar loo leeyahay, kuwaas ugu yaraan Soddonka sano ee Soo Socda Gacanta ku hayn Doona, sida ilo xogogaal ahi u xaqiijiyeen Qurbejoog.com. Shirkadahan oo iskugu jira qaar cusub iyo kuwo dalka hore shidaal u keeni jirey, ayaa waxa kamdi ah Shirkadaha Red […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Khilaaf Soo Kala Dhexgalay Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Afhayeenkiisa Ou Qarka U Saaran Inuu Iscasilaad Gaadho

Muqdisho:Aug,27,2015(SDN/QJ)-Waxa meel sare maraya khilaaf muddo soo taxnaa oo u dhexeeya madaxweyne Xasan Sheekh iyo Afhayeenkiisa Daa’uud Aweys Jaamac, waxana soo baxaya warar sheegaya inuu afhayeenku doonayo inuu iscasilo. Daa’uud Aweys, ayaa xilkaasi loo magacaabay bishii December ee sanadkii 2014-ka, markaa oo uu ka tagey Laanta afka Somaliga ee VOA, oo Xarunteedu tahay Magaalada Washington. […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Nin Ka Cadhooday Isir-nacayb Lagula Kacay Oo Rasaas Ku Laayey Wariyayaal Barnaamijyo Toos ah Ku Gudo Jirey

Roanoke:Aug,27,2015(SDN/QJ)-Laba wariye oo ka Hawlgelayey TV ku yaalla dalka Maraykanka, ayuu Nin hubeysani qudha ka jaray xilli ay ku gudo jireen Tebinta Barnaamij toos oo ah oo ay Bulshada u gudbinayeen. Xabbadaha ayaa billowday iyadoo weriyaha iyo qof sawir qaade ah ay wareysanayeen haweeney ku sugneyd meel laga dukaameysto oo ku taalla magaalada Roanoke ee […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“ Shaqaalaha Madaarka Hargaysa 110 (Boqol Iyo Toban) Qof Waa Reerka Habar-Jeclo La Yidhaahdo.Shan Meeloodbaa Madaarka Looga Taliyaa,Afar Bay Ka Madax-Yihiin”. Xil.Dheeg

Hargeysa,26Aug,2015(QJ/SDN)-Xil. Maxamed Maxamuud Dheeg oo ka tirsan Xildhibaanadda Gollaha Guurtida JSL,ayaa markii ugu horaysay si furan uga hadlay sababihii uu uga baxay Xisbiga KULMIYE oo uu hore ugu abtirsan jiray.Waxa uu Xildhibaanku sheegay in Masuuliyiinta ka arimiya Qasriga Dalka laga Maamulaa ay dheggaha ka furaysteen talooyin iyo wax-u-sheegyo badan oo u jeediyay.Waxa uu sheegay inuu […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Md Maxamed Cumar Carteh oo maanta qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub

Muqdisho,26Aug,2015(QJ/SDN)-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS mudane Maxamed Cumar Carteh iyo wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga, Waxbarashada, Qorshaynta, Diinta iyo Awqaafta, Warfaafinta iyo Deegaanka ayaa maanta kulan balaaran kula qaatay xafiiskiisa wafti ka socday Midowga Yurub oo uu hogaaminayo Madaxa Siyaasada Xiriirka Tom Vens. Waftigan ayaa ujeedkiisu yahay sidii Soomaaliya ay uga caawin lahaayeen […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Qayb-galay Munaasibadda Qalin jabinta Ardayda Jaamacadda Camuud (Daawo Sawirrada)

Hargeysa,26Aug,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa saaka subaxnimadii hore waxa uu safar ugu baxay Gobolka Awdal gaar ahaan magaalo madaxdiisa Boorama oo uu kaga qaybgalay Qalinjebinta Dufcadii 14aad ee ka baxda Jaamacada Camuud University oo noqonaysana dufcadii 5aad ee uu madaxweynuhu si xidhiidha uga qaybgalo farxada Ardaydaasi itii uu xilka hayey. Madaxweynuhu […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Aniga Iyo Cigaal Waanu Tanaasulnay ee Maanta Yaa Tanaasulaya ,Wax Saaxil Dib Loogu Noqdaana Meesha Mayaalaan” … Axmed Yuusuf Yaasiin.

Hargeysa,26Aug,2015(QJ/SDN)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay Xeerka saami qaybsiga ee hadda la hakiyay ee muranka ka dhex abuuray Golaha Wakiilada, kaas oo keenay in Xildhibaanada ka tirsan Wakiilada ee ka soo jeeda Gobolada Awdal iyo Salal ay ka baxaan Golaha, waxaanu sheegay in caqabada saami qaybsigu muddo dheer soo […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“ Waxa Dhacday In Nin Askariya Oo Beeshan Habarjeclo Ka Tirsan Ay 20 Nin Oo Beeshaas Habar-Awal Ahi Wada Dileen.Habarjeclo Way Yaaban Tahay, Wayna Tashan Doontaa”. Boqor Buur-Madaw

Hargeysa,26Aug,2015(QJ/SDN)-Boqor Cismaan Maxamuud Buur-madaw,ayaa si adag uga hadlay aayaha Xulafadda Siyaasadeed ee ka dhexaysay Beelaha Habar-jeclo iyo Habar-awal.waxa uu sheegay in Beeshaa Habar-jeclo ay tashan doonto Is-bahaysigaas kala dhexeeyay Beesha Galbeedka Hargaysa,waxaana uu intaas raaciyay Beeshiisu ay dhib iyo kadeed ku qabto Xulafaysiga ay la wadaagtay Beesha Habar-awal,isla markaas waxa uu ku Edeeyay in Beesha […]

Posted in Uncategorized | Read More »

USA: Maxkamada Racfaanka oo diiday codsiga haween Soomali ah oo horey loo xukumay

St. Louis,26Aug,2015(QJ/SDN)-Maxkamada Racfaanka Maraykanka ee loo yaqaan [The 8th U.S. Circuit Court of Appeals] oo ku taal magaalada St. Louis ayaa qaadacday codsi ka yimid labo haween Soomaali ah oo horey loogu xukumay 20 iyo 10 sano oo xabsi ah. Amina Farax Cali (39 sano jir) iyo Xaawo Mohamed Xassan (68 sano jir) ayaa waxaa […]

Posted in Uncategorized | Read More »