Home » 8:28 pm Entries posted on “July, 2015”

Taariikhda Islaamka: Qaybtii Afraad.

  Boqorkii lixaad ee boqoradii umawiyiinta: waxa uu ahaa waliid binu cabdimaalik, xukunka waxa uu hayay toban sano sanadkii 86_96 hooyadiis waxa la odhan jiray Walaada bintu cabaasa. waxa tariikhyahanadu isku raaceen Waliid binu cabdimaalik in uu ahaa boqorkii ugu daagalo badnaa. waxa la sheegaa xilligiisii in ay dawladu gaadhtay meeshii ugu sarreysay. waxa mid […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Suldaan Dhawaan Dhaliilay Shaqada Wasiir Waran-cadde Oo Saaka Ciidanka Boolisku Xabsiga u Taxaabeen

Burco:Jullly,04,2015(Hubaal)-Wararka ka imanaya magaalada Burco, ayaa sheegaya in Ciidanka Amaanku Saaka xabsiga u taxaabeen Suldaan Maxamed Muuse Cuneo o kamid ah salaadiinta Gobolka Togdheer, isla-markaana maalintii shalay si weyn udhaliilay shaqada uu hayo wasiirka Arrimaha Gudaha cali Maxamed Waran-cadde. Xadhigga Suldaanka, ayaa waxa noo xaqiijiyey qaar kamid ah ehelladiisa, waxana la sheegayaa inuu ku jiro […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxweynaha Cusub Ee Maamul-goboleedka Galmudug Oo Farriin Adag u Diray Dhiggiisa Puntland Oo Dhawaanahan Cabanayey

Cadaado:Jully,04,2015(SDN/QJ)-Kadib markii saacado ka hor la dhaariyey Madaxweynaha cusub ee  Maamulka Galmudug Md Cabdi Kariin Xuseen Guuleed, ayuu jeediyey Khudbad uu waxyaabo badan kaga Hadlay, isla-markaana maamulka Puntland farriin ugu diray. Mudane CabdiKariin Xuseen Guuleed ayaa ugu horen u mahad celiyay Musharixiintii la tartantay waxa uuna sidoo kale u Mahad Celiyay Xildhibaanadii Baarlamaanka Galmudug ee […]

Posted in Uncategorized | Read More »

WAR DEG DEG AH:- Cabdikariim Xuseen Guuleed Oo Ku Guuleystay Doorashada Gobolada Dhexe Gal-Mudug.

Cadaado;4july,2015(QJ/SDN-)Wasiirkii hore ee amniga dowladda fadaraalka soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa noqday madaxweynaha gobolada dhexe ee Soomaaliya Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa loo doortay Jagada Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug kadib markii doorasho la isku rafaaday la isla gaadhay wareegii 3 aad. 3 Wareeg ayaa loo baahday si loo helo Madaxweynaha Maamulka Galmudug. Wareegii 3 aad […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Akhri Tirada Hordhaca ah Ee Musharrixiinta Cadaado Oo Lasoo Saaray Iyo Laba Musharrax Oo Wali Aan Kala Hadhin

Cadaado:Jully,04,2015(SDN/QJ)-Warar hordhac ah oo laga helayo tirinta Codadka ay dhiibteen Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Gal-mudug, ayaa sheegaya in  wareeggii hore lasoo af meeray, isla-markaana ay musharrixiinta qaarkood wali isku dhaw yihiin. Natiijada tirinta codadka hordhaca ah oo warbaahintu heshay, ayaa muujiyey in codadka ilaa iyo haatan la dhiibtay  ay si isku mid ah u hoggaaminayaan musharrixiinta […]

Posted in Uncategorized | Read More »

DEG DEG: Codeynta Doorashada Madaxtinimo Ee Galmudug oo bilaabmatay.

  Cadaado; 4,july,2015(QJ/SDN) Wararka naga soo gaadhaya magaalada cadaado ayaa sheegaya in hadda halkaasi ay ka socoto doorashada gobolada dhexe ee galmudug, Xildhibaannada baarlamaanka Galmudug ayaa codadkooda dhiibanaya waxaana ay codadkooda ku ridayaan muraayadda loogu talo galay ee doorashooyinka iyadoo musharixiinta madaxweynanimo ay isha ku hayaan sida codadku u dhacayaan. Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa ku […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Sucuudiga Oo Oggolaaday Inay Dalkiisa Ka Hawlgalaan 4000, Oo Shaqaale Reer Djibouti ahi

Riyad:Jully,04,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Waddanka Sucuudiga, ayaa si rasmi ah u oggolaaday inay dalkeeda ka Hawlgalaan Afar Kun oo shaqaale u dhashay waddanka Djibouti, kadib markii  labada dal  heshiis dhawaan wada gaadheen. Diaa Eddin Saeed Bamakhrama oo ah Safiirka Dalka Sucuudiga u fadhiga dalka Jabuuti, ayaa sheegay in shaqaalahaasi ay ka koobnaan doonaan, haween guryaha ka shaqeeya, darawalo […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Fadhiisimo Shabaabku Ku Lahaayeen Gobolka Jubadda Hoose Oo Duqaymo Laga Fuliyey

Kismayo:Jully,04,2015(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Deegaanka Kismayo, waxa duqaymo xagga cirka ah loo geystay Fadhiisimo ay Jubada Hoose ku lahaayeen Xoogagga Al-shabaab. Deegaannadan ay duqeyntu ka dhacday ayaa ah Koband iyo Makomaani oo u dhow deeganada Buulagaduud. saraakiisha ciidanka Jubbaland ayaa si hor dhac ah Warbaahinta ugu sheegay in duqeyntan loo geystay fadhiisimo Shabaabka […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Dagaal Khasaare Geystay Oo Ka Dhex qarxay Beelo Wada Dega Deegaanka Guumays Iyo Ciidan Urursi Xoog Leh Oo Halkaas Ka Socda

Guumays::Jully,04,2015(SDN/QJ)-Xasarad Colaadeed oo Sababtay dhimashadaa ilaa laba qof iyo Dhaawaca tiro kale oo aan wali la cayimin, ayaa ka dhacday habeen hore tuullada Guumeys oo 90-KM Waqooyi kaga xigta Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Goob-jooge ku sugan tuulada Guumeys ayaa u sheegay warbaahinta in waqtigii Afurka ay ka war-heleen rasaas dhacaysa, kaddibna uu arkay […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Warbixin Daaha Ka Faydday Saldhigyo Qarsoodi ah Oo Maraykanku Ku Leeyahay Goobo Ku Yaalla Koonfurta Somalia

New York:Jully,04,2015(SDN/QJ)-Warbixin cusub oo uu Baahiyey Wargeyska loo yaqaanno Foreign Policy ee Dalka Maraykanka, ayaa lagu sheegay inay Dawladda Maraykanku Koonfurta dalka somalia ku leedahay laba xarumood oo laga abaabulo weerarrada qorshaysan ee lagu qaado Kooxda Al-shabaab. Saldhigyadan  oo ay fadhiyaan Ciidamo maraykan ah, ayaa ku kala yaalla Kismaayo iyo garoonkii hore Cirka ee Bali-doogle […]

Posted in Uncategorized | Read More »