Home » 2:52 am
Entries posted on “July, 2015”
Hargeysa 05.July 2015 (SDN/QJ)- Guddida joogtada ah ee aqalka wakiillada Somaliland, ayaa kulan xog waraysi ah la yeeshay Maareeyaha wakaaladda biyaha Hargeysa, waxaana lagu lafo guray halka ay marayaan mashaariicda biyo balaadhinta Hargeysa. Guddoomiye ku xigeenka guddida xildhibaan Axmed Ducaale Bullaale, ayaa markii kulanku dhammaaday saxaafadda u sheegay inay warbixin waafi ah oo ku saabsan […]
Posted in Uncategorized | Read More »
London 05.July 2015 (SDN/QJ)- Muslimiinta ku dhaqan dalka Ingiriiska, ayaa si weyn uga cadhooday carwo la doonayo in lagu soo bandhigo sawir-gacmeedyo lagu aflagaadaynayno Nebi Muxamed (SCW), taasoo lagu qaban doono magaalada London bisha September ee sannadkan 2015. Kooxo cunsuriyiin ah oo ka soo horjeeda shareecada islaamka, ayaa ballanqaaday inay soo bandhigi doonaan carwo lagu […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Oodweyne 05.July 2015 (SDN/QJ)- Maayirka magaalada Oodweyne ee Gobolka Daad-madheedh Md. Cabdixakiin Nuur Muuse, ayaa ugu baaqay maayirrada magaalooyinka Somaliland in aanay ku mashquulin sidii ay u ilaashan lahaayeen kuraasidooda, balse xoogga saaraan waxqabadka iyo horumarka degaannada loo doortay. Md. Cabdixakiin Nuur Muuse oo saxaafadda la hadlay , waxa uu sheegay in aanay qurux badnayn […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Ceerigaabo 05.July 2015 (SDN/QJ)- Taliyaha Saldhigga Boliiska Degmada Fiqifuliye Ee Koonfur-Sanaag ayaa shalay gelinkii danbe gudaha magaalada Ceerigaabo waxa dhaawac fudud gaadhsiiyey askari katirsan isla ciidanka boliiska. Arrintan ayaa ka dhalatay kaddib markii Askarigan iyo Taliyaha dhaawacmay oo wada joogey xilligaas ay is afdhaafeen kaddibna askarigu wuxu addinka kubkiisa xabbad kaga dhuftay taliyahaas haseyeeshee aanay […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Hargaysa 05.July 2015 (SDN/QJ)- Wasiir Ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Marwo Shugri Xariir Ismaaciil, ayaa sheegtay in Somaliland ay ku tallaabsatay waxqabad iyo horumar balaadhan ka dib markii ay dib ugala soo noqotay madax-banaanideedii wixii la isku odhan jiray Soomaali weyn oo ay 55 sannadood muddo laga joogo la gashay midow lagu hungoobay. […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Garowe 05.July 2015 (SDN/QJ)-Xilli maalintii Shalay degamda Cadaado lagu doortay madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka maamulka gobollda dhexe, ayaa waxaa isla Shalay Magaalada Garowe ka dhacay shir looga arrinsanayey saameynta dhanka ammaanka ee maamulkaasi ku yeelan karo Puntland. Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaradda Amniga Puntland ee Garowe, waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin ay kamid yahay […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Burco 05.July 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee jsl, Prof Faarax Maxamuud Cilmi (Geedoole) ayaa tababar u furay macalimiinta Dugsiyada Hoose Dhexe ee gobolka maroodi jeex qaar ka mid ah. Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Pro. Geedoole oo ka hadlay furitaankii tabobarkaas ayaa u mahad-naqay dhamaanba kazoo qaybgalayaasha tabobarka, isagoo tilmaamay […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Nairobi 05.July 2015 (SDN/QJ)- Haweenay ayeey awoow u ah Madaxweynaha Maraykanka Mr. Barack Obama, ayaa ballanqaaday inay u samayn doonto cunto-dhaqameed kala duwan marka uu booqashada ku tagay dalka Kenya bishan July ee 2015. Islaantan ayeyda u ah madaxweynaha Maraykanka oo la yidhaah Mama Sarah, ayaa saxaafadda u sheegay inay aad ugu faraxsan tahay in […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Muqdisho, 05, July, 2015….Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa booqashooyin ku soo kala bixiyey Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Qorshaynta, Caafimaadka, Batrooolka iyo Wasaaradda Maaliyadda, si loogu kuur galo habsami u socodka shaqada iyo si uu ugu dhiiri galiyo howl wadeenada Wasaaradahaas iney laba laabaan shaqooyinka muhiimka ah ee horyaala. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Garowe 05.July 2015 (SDN/QJ)- Farrriin ka timid Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo laga baahiyey Telefishinka ku hadla afka Dowladda Puntland (PLTV), ayaa lagu baafiyey magacyada ku dhowaad labaatan mas’uul oo kamid ah madaxda warbaahinta madaxa bannaan ee ka hawlgasha Puntland. Mas’uuliyiinta la baafiyey oo u badan agaasimeyaasha idaacadaha, telefishinnada iyo mareegaha internetka, waxaa lagu amray inay ka […]
Posted in Uncategorized | Read More »