Home » 3:00 am Entries posted on “July, 2015”

Bulshada rayidka ah oo warbixin ku faahfaahiyey xaaladaha xuquuqal-insaanka,Xorriyatul-qawlka, caddaaladda iyo hannaanka garsoorka ee Somaliland

Hargeysa 07.July 2015 (SDN/QJ):- Ururrada bulshada rayidka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii u horreysay u gudbiyey Qarammada Midoobay warbixin dhinacyo badan taabanaysa oo la xidhiidha xaaladaha xuquuqal-insaanka ee Somaliland. Warbixinta bulshada rayidka oo ka kooban 15 bog, waxa si gaar ah loogu gudbiyey Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qarammada Midoobay taariikhdu markay ahayd 1 July […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Cabasho Biyo la’aaneed oo la soo deristay Shacabka Ku Dhaqan Xeebta Waqooyiga Hargeysa iyo Baaq Ay U Direen Xukumadda

Hargeysa 07.July 2015 (SDN/QJ):- Tulooyinka ku dhereran Xeebta Waqooyiga Hargeysa gaar ahaana Tulooyinka Cabdi geedi, Hulka, Hadeegta, Ceel lahelay, Lug-haya ayaa waxa ka soo yeedhaya shacabka ku dhaqan deegankaasi Qaylo dhaan ku saabsan Biyo La’aan iyo Adeegi caafimaadka oo ay ka Aradan yihiin. Guddoomiyaha Tuulada Cabdi-geedi Cabdi Jamac Aadan ayaa faahfaahin ka Bixiyey Xaalada ay […]

Posted in Uncategorized | Read More »

SOLJA Oo Walaac Ka Muujiyay Caqabado Ku Xeeran Kaalintii Warbaahinta Ee Wacigelinta Diwaangelinta Doorashada

Hargeysa 07.July 2015 (SDN/QJ):- Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu walaac balaadhan ka muujinayaa in hawlihii ay warbaahintu qaranka u haysay ee ahayd wacyigalinta ay la wareegaan hay’addo Caalami ah iyo kuwo Wadani ah, taasoo sababtay in ay bulshada gaadhi waayaan aqoontii ay u yeelan lahaayeen qorshayaasha siyaasadeed, Bulsho iyo shuruuc ee ay u baahnaayeen in […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Xukuumaddu way Jiraysaa Waxaanay ku Shaqaynaysaa Muddo Kordhintii Guurtidu Samaysay,Siciidoow Madaxtooyadu maaha meel la isku dilo” Xildhibaan Nac Nac

Hargeysa 07.July 2015 (SDN/QJ):- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac),ayaa jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Xildhibaan  Siciid Cilmi Roobe oo ay ka wada tirsan yihin Golaha Wakiiladda. Waxaa kale oo uu xildhibaan Nacnac  intaa ku daray Madaxtooyadu in ay tahay halkii qaranka looga talinayay  ee dalka ugu  sarraysay isla markaana aan dadka lagu dilin sida uu xildhibaan Siciid […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Fadliga Tobanka Danbe ee Ramadaan ” Raadiya Habeynka Laylatul Qadriga” Sheekh Maxamed Cabdi Umal DAAWO

Hargeysa 07.July 2015 (SDN/QJ):- Waxaa inoo Bilaabmay Tobankii Cisho ee u danbeeyay ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan Taas oo Fadaa’il iyo Xasanaad badan wadata isla markaana la rabo in Muslimiintu ay ka faa’iidaystaan Nimcooyinkaas iyagoo badinaya Cibaaddada iyo Digriga eebbe. Sida ay Culimadu Sheegto Waxaa Tobanka danbe ee Ramadaan uu Rabi Cadaabihiisa daran ka xoreeyaa […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Mas’uuliyiin Wehelisa oo Dhagax dhigay Mashaariic laga Hirgalinayo Magaalada Laascaanood DAAWO

Laascaanood, 07.July 2015 (SDN/QJ):- Wasiirka wasaaradda hawlaha guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo uu weheliyo agaasimaha guud ee wasaaradda duulista hawada Cumar Sayid ayaa dhagax-dhigay dhismaha run-wayga madaarka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaasoo lagu samaynayo dibu-dhis. Agaasimaha guud ee wasaaradda duulista oo ka hadlay dhagax-dhiggaas iyo qorsheyaal kale oo ay wasaarad ahaan ka wadaan […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Ma aqoonsanin lamana hadli doonno maamulka Gal-mudug” Wasiirka Warfaafinta Puntland.

Garowe 07.July 2015 (SDN/QJ):-Puntland ayaa sheegtay inaysan aqoonsaneyn islamarkaana wax wadahadal ah la geli doonin maamulka Galmudug, maalmo kaddib markii madaxweynaha cusub ee maalmulkaasi sheegay inay diyaar u yihiin wada-xaajood dhex mara iyaga iyo Puntland, si khilaafka jira xal looga gaaro. Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soo-Cadde oo waraysi gaar ah siiyey laanta afka-Soomaaliga ee […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Haweenay Ku Umul Aroortay Sallaxley iyo Xal laga gaadhay Gaadhigii Ambalace-ka oo Cilad u fadhiyay

Sallaxley 07.July 2015 (SDN/QJ):- Maalin ka dib markii ay adeeg caafimaad la’aan ay Qof Dumar ahi ku umul-aroortay deegaanka ka tirsan Sallaxley,ayaa waxa Hotel Ambasaddor ee Magaaladda Hargaysa isku yimid Wasiirada,Xildhibaanada,Aqoonyahanka,Salaadiinta,Wax-garadka Deegaanka iyo Masuulitiinta Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo uu horkacayay Wasiirka Wasaaraddaasi Md. Saleebaan Ciise Axmed ‘Xaglatoosiye. Waxaana si furan oo layska waraysatay Sababta ay […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Caasimadda Ciraaq iyo Duqaymo ay Diyaaradaha dalkaasi ku fuliyeen iyo Tirada Dhimashada

Baqdad 07.July 2015 (SDN/QJ):- Diyaarad millatariga dawladda Ciraaq leeyahay, ayaa gantaal ku dhufatay magaalada caasimadda ah ee Baqdaad, halkaasoo waxyeelo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka gaadheen dad rayid ah oo dhan 12 qof. Wasaaradda Gaashaandhigga Ciraaq oo falkan ka hadashay, ayaa tilmaantay in diyaaraddu si khaldan u duqaysay magaalada Baqdaad, isla markaana gantaalku si […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Horumarka Beeralayda Gobolka Daad-madheedh iyo Dalagyada xilligan ka soo go’aya DAAWO

Oodweyne 07.July 2015 (SDN/QJ):- Masuuliyiinta gobolka Daad-madheedh iyo degmada Oodweyne, ayaa kormeer ku sameeyey wax-soo-saarka dhinaca Beeraha sannadkan ka soo go’aya Beeraha ku yaalla deegaannada kala duwan ee gobolkaas oo meelaha qaarkood dalag fiicani u soo go’ayo xilligan. Warbixinta Warkan waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Posted in Uncategorized | Read More »