Home » 3:45 am Entries posted on “July, 2015”

Xubin Katirsanayd Golaha Wasiirrada Ethiopia Oo Si Kedis ah u Geeriyootay

Addis Ababa, Jully,13,2015(SDN/QJ)-Cali Siraaj oo ahaa Wasiir-dawlihii wasaarada ganacsiga ee Itoobiya, ayaa maalin-nimadii Sabtidii toddobaadkan si lama filaan ah ugu geeriyoodey magaalada Adama ee Ismaamulka Oromiya. Cali ayaa si kadis ah loogu soo booday isagoo geeriyoodey intii isbitaalka loo sii waday. Masuulka ayaa ku gudajiray shir uu lahaa ururka OPDO oo ka mid ah EPRDF […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Shan Booyadood Oo Wasiir Waran-cadde Leeyahay Oo Turusyo Waaweyn Hargeysa ku Dhex Mushaaxaya Iyo Kuwii Shacabka Oo Dariiqyada Laga Ugaadhsanayo

Hargeysa:Jully,13,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa diiday inuu Booyado uu Leeyahay oo Hargeysa Biyaha ka dhaamiya ka jaro turuska hore hore oo si khasab ah lagaga jaray inta badan Booyadaha kale ee waliba Gaadiiska kale ee Iska-rogooyinka ah ee Caasimadda ku sugan. Sida ay noo xaqiijiyeen Qaar kamid ah Wadayaasha Gaadiidka […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Britain Oo Markale Muwaadiniinteeda Uga Digtay Inay U Safraan Dalalka Somalia iyo Somaliland iyo Magaalooyinka Hargeysa Iyo Berbera Oo Laga Soo Reebay

London:Jully,13,2015(SDN/QJ)-Dawlada Britain ayaa uga digtay markale muwaadiniinteeda inay u safraan wadamo ay ka mid  yihiin Somaliland iyo Somalia, amaba ay u aadaan arrimo la xidhiidha Dalxiis, iyadoo warwar laga muujinayo xagga ammaanka, waxase laga soo reebay magaalooyin kooban oo somaliland gudaheeda ah. Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo iyo Barwaaqo-sooranka ee dalka Britain ee (FCO) ayaa waxay […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Caddeeyey Inay Meesha Ka Baxday Aaminaaddii Shacabku ku Qabay Maxkamadaha Dalka Iyo Kiis Arrintaas Ka Marag Furay Oo Shalay Lagu Kala Hagaagay

Hargeysa:Jullly,13,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee Somaliland Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa muujiyey sida bulshada somaliland uga aamin ka-baxday Maxkamaddaha iyo Caddaaladda Dalka, isla-markaana u aaminsan tahay inay arrimahooda dhamayn karaan Goobo madax bannaan oo maxkamadaha ka baxsani. Aadan Xaaji Cali Axmed oo Saxaafadda Kula Hadlay Xafiiskiisa, ayaa sidoo kale ku dheeraaday sida Bulshadu saska uga […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Novak Djokovic oo 3-tay Wimbeldon Markii uu Khaarijiyey Roger Federer(DAAWO) By Jaahuur.

London-July-12-2015-(SDN/QJ)Asxaabtay qormadeena ciyaaraha waxaynu ula qaxaynaa xagaa iyo cariga Ingiriiska oo lagu kala huleeley (Wimbeldon Grand Slam 2015. Haddaba koobkan oo soo jiitamayey 2-dii weeg ee aynu soo dhaafney aalaaba waxaa sannad walba ka soo qeybgala xiddigaha kubadda Tennista. Ciyaartii final-ka ahayd waxaa foodda isla galey Novak Djokovic iyo Roger Federer waxaana 7-6-67-64-63 ku badiyey […]

Posted in Sports | Read More »

Maxkamadda Sare oo Shaacisay inay Ka Faro-xalatay Dacwadihii ugu Mudada dheeraa ee ay Ka Garnaqdo iyo Qabyada taagan DAAWO

Hargaysa 13.July 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Aadan X. Cali Axmed, ayaa sheegay inay dhammeeyeen dacwado muddo dheer soo jiitamayay oo Maxakamadda sare horyaalay. Dacwadahan ayaa qaarkood lagu dhammeeyay dhaar. Guddoomiyaha oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa, waxa uu sheegay in bulshada Somaliland khalad ka fahansan tahay maxakamaddaha oo u taagan caddaaladda iyo difaacidda […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ee UCID oo Sheegtay inay Soo Bandhigi doonto Khaladdaad Maamul oo uu Galay Maareeyaha Dekeda Berbera DAAWO

Berbera 13.July 2015 (SDN/QJ)- Marwo Rooda Axmed Yaasiin oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid u qaabilsan Gobolka Saaxil ayaa Luuqad adag kula hadashay Maareeyaha Dekeda Berbera iyadoo cadaysay inay soo bandhigi doonto siro Kashifi doona Hab maamulkiisa.

Posted in Uncategorized | Read More »

Ooto Biixi Caalin oo Ciidamadda Boolisku Xalay Mar kale Xabsiga u taxaabeen

Hargaysa 13.July 2015 (SDN/QJ)- Ciidamada Booliska, ayaa xalay xabsiga u taxaabay Maxamed Biixi Caalin (Ooto) oo ka mid ah siyaasiyiinta dhaliila hoggaaminta Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo. Warku waxa uu intaas ku darayaa in Ooto Biixi ay ciidamada amaanku ka qabteen isaga oo ku sugan magaalada Hargeysa, lama oga ilaa hadda cida amartay xadhigiisa, waxaanu ku […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Hawadeena inaga ayaa xukuna, Somaliyana ma xukunto, Waddan kalena ma xukumo” Wasiirka Qorsheynta Qaranka

Hargaysa 13.July 2015 (SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo xidhiidhka hay’adaha caalamiga ah Md. Sacad Cali Shire, ayaa  ka hadlay Hawada Somaliland ee la sheegay in Somaliya lagu wareejiyey, waxaanu tilmaamay inaanay Somaliland hawadeeda cidna u dabo fadhiisanayn. Wasiirka Qorsheynta Somaliland Sacad Maxamed Shire oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa mar uu wasiirku weydiiyay […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Ilaa iyo maanta Madaxwaynaha Somaliland kama hadlin mudada doorashada la qabanayo, taasina waa nasiib daro dul hoganaysa” Gudoomiye Xigeenka Waddani DAAWO

Hargaysa 13.July 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Axmed Muumin Seed ayaa madaxwayne Siilaanyo ku eedeeyay inuu afka ka xidhay mudada la qabanayo doorashada madaxtooyada iyo wakiilada oo aan ilaa imika la cayimin. Axmed Muumin Seed waxaa uu ayaan daro ku tilmaamay sida madaxwayne Siilaanyo aanu uga hadal arimaha doorashooyin oo […]

Posted in Uncategorized | Read More »