Home » 2:36 pm Entries posted on “July, 2015”

Wadahadaladii Nukliyeerka Iran oo heshiis rasmiya laga gaadhay

 Viena,14july,2015(QJ/SDN)-Wada hadalkii Nukliyeerka Iiraan oo heshiis rasmi ah laga gaadhay salaasadan maanta ah sida uu sheegay diblomaasi sare . Wada hadalkii inta mudadda ah u socda shanta quwadood oo lagu daray dalka Jarmalka iyo Iiraan oo dhinac isla markaana lagaga hadlayay sidii heshiis waara looga gaadhi lahaa hubka halista ah ee Iiraan samaysanayso oo maalmihii […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ka Cabanaya Wargayska Xukuumadda Afkeeda Ku Hadla,

Hargaysa14july,2015(QJ/SDN)-Xoghayaha guud ee golaha wakiilada Somaliland iyo xubno ka mid ah shaqaalaha aqalka wakiillada oo shir jaraa’id ku qabtay xaruntooda ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin war ku saabsan in Guddoomiye Cirro iyo xoghayaha Wakiilladu leexsadeen Lacag xaqal ciid ah oo shaqaalaha wakiillada loogu talo galay. “Waxaanu halkan u fadhinaa inaanu ka jawaabno war ay […]

Posted in Uncategorized | Read More »

C/kariin Xuseen Guuleed oo loo diiday in uu gudaha u soo galo Magaalada Caabudwaaq

Caabud-waaq,14july,2015(QJ/SDN)-Odayaasha Dhaqanka Magaalada Caabudwaaq, ayaa waxay diideen Madaxweynaha Maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed inuu soo galo Magaaladaasi. Dadka reer Caabudwaaq, ayaa waxay si guud kaga wada horyimaaden in Madaxweynuhu uu booqasho ku yimaado Magaalada Caabudwaaq Ee Gobolka Galgaduud.   C/kariin Xuseen Guuleed oo ku sugan Magaalada Cadaado, iskuna diyaarinaayay inuu booqasho ku taggo Caabudwaaq, ayaa […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Ardayda Jaamacada Nairobi oo ku hanjabay inay isdili doonaan hadii aanu Obama soo booqan Jaamacadaas

Nairobi,14july,2015(QJ/SDN)-Qaar ka mid ah Ardayda dhigata Jaamacada Nairobi ee ku taallo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa ay ku hanjabeen inay isdili doonaan, hadii Madaxweynaha dalka Mareykanka aanu booqasho ku tagin Jaamacadaasi. Dhamaadka Bishan aan iminka ku guda jirno ayaa la filayaa in Madaxweynaha dalka Mareykanka Booqasho saddex maalin qaadanayso uu ku tago dalka […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Saraakiil Kenyan ah oo ku dhintay Qarax ka dhacay deegaanka Lamu iyo Al Shabaab oo sheegtay

Lamu,14july,2015(QJ/SDN)-Qarax miino ayaa lala eegtay gaadhi ay saarnaayeen Saraakiil ka tirsan Dowladda Kenya iyo dad shacab ah, kaasi oo maraayay deegaanka Lamu ee gudaha dalka Kenya. Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhimatay qaraxaasi oo saddex ka mid ah ay yihiin ciidanka Booliska dalka Kenya halka labada ruux ee kalena ay yihiin dad shacab ah […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxweynaha Somalia oo Khudbad ka jeediyay shirka ka soconaayo Magaalada Addis Ababa: AKHRI+SAWIRO

Addis-ababa,14july,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Shirweynaha 3aad ee Caalamiga ee Maalgashiga Horumarinta oo shalay ka furmey magaalada Addis Ababa, ee caasimadda dalka Ethiopia. Shirkan oo ay soo qabanqaabisey Qaramada Midoobay, ayaa waxaa si rasmi ah u furey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Mr Ban Ki Moon. Madaxweynaha Soomaaliya […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Hadii Ay Cidi Saaqidey Xisbiga Kulmiye Iyo Xukuumadiisa Saaqid Nimo Ka Weyni Ma Jirto ..Maxamed Sadiiq Afhayeenka Garabka Dhalinyarada Xisbiga Wadani

Hargeysa,14july,2015(QJ/SDN)- xisbiga mucaaridka ah ee waddani ayaa waxa uu ka jawaabay eedo shalahy uga yimid xoghaya guud ee xisbiga talada dalka haya,xassan siciid waxaana warbaahinta la hadlay Maxamed Sadiiq Afhayeenka Garabka Dhalinyarada Xisbiga Wadani Halkan Ka Daawo Muuqaal:

Posted in Uncategorized | Read More »

Nuxurka War-murtiyeed ay Soo Wada Saareen Ra’isal Wasaare Sharma’arke iyo Madaxweyne Gaas-ka Puntland

Garowe:Jully,14,2015(SDN/QJ)-Kadib markii  magaalada Garowe ee ay shir ku wada yeesheen Ra’isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Sharma’arke iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli maxamed Cali Gaas, ayey si wada jir ah usoo wada saareen Mar-murtiyeed ay ku faahfaahiyey nuxurka kulankooda. Labada masuul, ayaa muujiyey dareenkooda la xidhiidha tabashada maamulka Puntland ka tirsanayo maamul usamaynta Mudug, waxana uu […]

Posted in Uncategorized | Read More »

DAAWO: Hooyo Soomaaliyeed Oo Ay Gurigeedii Xoog Kaga Haystaan Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya.

Daawo: Muwaadinad Somaliyeed Oo Sheegtay Inay Gurri Ay Leedahay Ay Si Xoog Ah Kaga Haystaan Ilaaladda Madaxtooyadda Somaliya Halkan Ka Daawo:

Posted in Uncategorized | Read More »

Loollan adag Oo Ka Dhex Bilaabmay Xisbiga Kulmiye Iyo Shirkii Golaha Dhexe Oo Bisha September Bilaabmi Doona

Hargeysa:Jully,14,2015(SDN/QJ)-Warar cusub oo soo baxaya, ayaa sheegaya in Shirka Golaha dhexe ee xisbiga talada haya ee KULMIYE uu qabsoomi doono bisha September ee sanadkan 2015-ka, iyadoo indhaha bulshadu si weyn shirkaas si weyn ugu jeedaan. Shirkan golaha dhexe ee xisbigan oo ah mid xaasaasi ah, waxa si rasmi ah loogu dooran doonaa murashixiinta Madaxweynaha iyo […]

Posted in Uncategorized | Read More »