Home » 9:18 am
Entries posted on “July, 2015”
Nairobi:Jully,15,2015(SDN/QJ)-iyadoo wax toban cisho ka yari ka hadhsan yihiin safarka la wada sugayo ee Madaxweyne Obama la filayo inuu Kenya ku yimaaddo, ayaa Dowladda Kenya inay joojin doonto dhammaanba dhaqdhaqaayada dhinacda diyaaradaha ee dalkaasi la leeyahaye dhiggiisa Somalia inta booqashadaasi scooto. Afhayeenka Madaxtooyadda Kenya Manoah Esipisu, ayaa ku dhawaaqday in Garoomada Wilson Airport iyo Jomo […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Garowe:Jully,15,2015(SDN/QJ)-Shirkii Saddex geesoodka ahaa ee Magaalada Garowe uga socday Ra’isal wasaaraha Somalia iyo Madaxweyneyaasha Maamullada Jubba iyo Puntland, ayaa fashil ku dhammaaday, waxana dhinacyadu isla garan waayeen hannaanka xal looga gaadhi karo khilaafka taagan. Sida ay sheegayaan wararka aanu ka heleyno madaxtooyada Puntland ee magaalada Garowe qodobada la isku mari waayay waxaa ka mid ah: […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Diinsoor:Jully,15,2015(SDN/QJ)-Xarakada Al-shabaab, gaar ahaan Maamulka u qaabilsan Gobollada Bay iyo Bakool, ayaa xorriyadoodii u celisay boqolaa maxaabiis ah, iyadoo lagu sharfayo Munaasibadda Ciidul-fidriga oo foodda inagu soo haysa. Sheekh Macalim Geedow waaliga Bay iyo Bakool oo lahadlay Idaacadda Andalus ayaa sheegay in xabsiyada ay kasii daayeen maxaabiista si ay uga qeyb qaataan maalmaha farxadda ciidda […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Hargeysa:Jully,15,2015(SDN/QJ)-Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf(cali-gurey) oo ah Guddoomiye Ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa caddeeyey inay xukuumaddu burburisay rajadii laga qabay in doorasho xor iyo xalaal ahi waddanka ka qabsoonto. Waxa uu walaac ka muujiyey sida aanay xukuumaddu wax xal ah u oggolayn, isla-markaana u tahay hor iyo dabo-diid aan diyaar u ahayn […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Hargaysa:Jully,15,2015(SDN/QJ)-Xubno miisaan ku dhex lahaa Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa goor dhaweyd shaaciyey inay iska casileen xilalkii ay xisbigaas ka hayeen, iyadoo saluug ka muujiyey hannaanka hoggaamineed ee Xisbigooda. Xubnahani waxay hoggaankooda ku eedeeyeen inuu xukuumadda la dhinac noqday, isla-markaana aanu awood u lahayn inuu cadaadis ku saaro fulinta awaamiirta xoqaya Mililka xukuumadda. Masuuliyiintan […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Washington:Jully,15,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda wadanka maraykanka, ayaa muujisay walaaca ay ka qabto in booqashada madaxweynahooda ee dalka Kenya ay sababto in muwaadiniinteeda Ku Sugan Kenya ay badhtilmaameedsadaan Kooxaha Islaamiyiinta ah ee Dagaalka wadaa, waxana ay uga digtay inay feejignaan galaan. War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Mareykanka ayaa lagu sheegay in khatar ay soo wajahi karto […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Gabiley:Jully,15,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Saaxadda Siyaasadda ku cusub ee Gobolka Gabiley madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Md Mustafe Cabdi Ciise(shiine), ayaa Cimri-dherer ka dhigtay inuu Marwada qaranka horteeda ka sheego warar aan jirin oo uu ku sheegayo in mucaaraddii laga tirtiray Gobolkaas. Mustafe Cabdi Ciise Shiine oo abid xilkii ugu sarreeyey oo geer Guddoomiye Gobol gaadhsiisan dhawaan madaxweyne Siilaanyo […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Hargeysa:Jully,14,2015(SDN/QJ)-Iyadoo Bulshada Somaliland la tiicayso cudurro iyo dhibaatooyin badan oo ka dhashay Tayo xumada Raashinka iyo dawooyinka dalka soo geliya, ayuu haddana Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Md Cali Maxamed Biikalo faahfaahin ka Bixiyey Habcsanaanta xafiiskiisa taalla oo dalka khatar ku ah. Cali Maxamed Biikalo oo qaranka ugu magacaabin shaqo shacabku baahi weyn uqabo ka midho-dhalinteeda, […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Istanbul July 15,2015(SDN/QJ)-Waxa dalka Turkiga ku geeriyooday allaha u naxariistee Lataliyihii Arrimaha Bariga ee madaxweynaha Somaliland Md Fuaad Aadan Cade. Marxuumka ayaa dalka Turkiga dhawaan loogu arrimo dhanka caafimaadka ah. Marxuul Fuaad Aadan Cade oo ka mid ahaa siyaasiyiinta Somaliland ee mudada dheer ka midka ahaa saaxada siyaasada dalka. Wixii war ah ah ee arinkan […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Warbaahinta ku hadasha afka xarakada alshabaab ayaa soo bandhigtay sawiro dheeraad ah oo muujinaya khasaarihii ciidamada AMISOM ka soo gaadhay dagaalkii leego ee lagu hoobtay. # HALKAN KA DAAWO SAWIRADA:
Posted in Uncategorized | Read More »