Home » 3:01 am Entries posted on “July, 2015”

Waddamo Somaliland ku Jirto oo Markii u horaysay laga Fulinayo Mashruuc Biyaha Bada looga faa’iidaysanayo Wax soo saarka dalaga beeraha Iyo Dhaqaalaha ku Baxaya.

Birmingham, 16 July, 2015 (SDN/QJ)- Mashruuc lagu kobcinayo dalagyada Beeraleydka ku nool dhulka lama-degaan-u-ekaha ah ee Geeska Qaaradda Afrika isla markaana ay ku baxayso malaayiin Dollar, ayaa lagu wadaa in laga fuliyo deegaanno ka tirsan Somaliland, iyadoo khubaro ka socota jaamacad ku taala dalka Ingiriisku dhowaan dalka u iman doonaan daraasaynta mashruucan. Mashruucan oo ujeeddadiisu […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Wikileaks waa Website caalami ah,waxaas uu soo saaray dee horta lama beenin karo” La Taliyaha Madaxweyne Siilaanyo Dr Dixood

Hargaysa 16.July 2015 (SDN/QJ)-Dr. Cumar Cilmi Dixood, lataliyaha madaxweynaha Somaliland ee dhinaca siyaasadda, ayaa sheegay inaan la dafiri karrin xogta shabakadda siraha dunida faafisa ee Wikileaks soo bandhigtay kuna sheegtay in 18-02-2012 xukumadda Siilaanyo heshiis lagu samaynayo Federal la saxeexatay Somalia. Dr. Dixood oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in Wasiirkii arrimaha dibadda ee […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Midowga Yurub wuxuu doonayaa inuu 20% ka jaro dhaqaalaha uu siiyo AMISOM.” Iyo Halista soo wajahaysa Madaxweyne Xasan Sheekh.

Nairobi 16.July 2015 (SDN/QJ)- Midowga Yurub oo ah maalgeliyaha ugu weyn ee ciidamada AMISOM ee Somaliya ku sugan ayaa la sheegayaa inuu qorshaynayo sidii uu 20% uga jari lahaa dhaqaalaha uu siiyo ciidamada AMISOM. Wargeyska Sunday Nation ee ka soo baxa wadanka Kenya ayaa dhawaan qoraywarbixin uu  ilo diblomaasiyadeed ka soo xigtay oo u sheegaysay […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Maxaa ka Jira in Xukuumadda Masar Maalinta Ciidul Fidri ay Dal-dalayso Madaxweynihii hore ee dalkaasi Maxamed Mursi?

Qaahira 16.July 2015 (SDN/QJ)- Dawlada Masar ayaa la sheegaya inay dil dal-dalaad ah ku fulin doonto Madaxweynihii hore ee dalkaas Maxamed Mursil kadib markii dil lagu xukumay. Wararkan sheegaya in dilkan dal-dalaalad ah lagu fulin doono Maxamed Mursi, ayaa waxa lagu baahiyey Shabakadaha Bulshadu ku xidhiidho, waxaana sidoo kale baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Gudoomiye Ku Xigeenka Kulmiye oo Su’aalo Taariikheed oo Somaliland ku Saabsan Garan Waayay DAAWO

Hargaysa 16.July 2015 (SDN/QJ)- Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin ayaa ka Waramay Waxyaabaha uu Xisbigoodu kaga duwan yahay Axsaabta kale .

Posted in Uncategorized | Read More »

Wefti Sare oo Xukuumadda Somaliland ka socda oo Ceerigaabo gaadhay, Saluug laga Muujiyay isu dheeli tirkooda DAAWO

Ceerigaabo 16 July, 2015 (SDN/QJ)- Xilli muddooyinkii ugu danbeeyey ay jiraan khilaafaadyo beeleed oo sababay dilal iyo arrimo kale oo ka dhex aloosan qaar ka mid ah beelaha ku dhaqan magaalada Ceerigaabo,ayaa waxa Shalay galab magaalada Ceerigaabo Soo gaadhey Wefti uu hor kacayey Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed X. Cali (Cadami) oo ay weheliyeen Wasiirka Khayraadka […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Wada Xaajoodyadii Puntland iyo Dawlada Federaalka oo Guul daro ku dhamaaday iyo arimaha la isku mari waayay

Garowe 16.July 2015 (SDN/QJ)- Wadahadalkii magaalada Garowe uga socdey dowlada federaalka, Puntland iyo Jubaland ayaa guuldaro kusoo dhamaadey kadib markii qodobadii Ra’isal wasaare Cumar Cabdirashiid la diidey. Kulankii shalay oo dib la isugu soo noqdey ayaa guddiyadii ka socdey maamulka Puntland, Jubaland iyo Federaalka waxaa mid walba ku adkeysay qodobada ay soo bandhigeen. Waftiga Ra’isal […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil oo Sheegay in aanu Aqbalayn In Gudoomiyaha Awdal uu ku soo Farogeliyo Shaqadiisa DAAWO

Berbera 16 July, 2015 (SDN/QJ)- Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar ayaa sheegay inaanu Gudoomiye Maxamud Cali Saleebaan Ramaax oo ka Mas’uul ah Gobolka Awdal aanu ka Yeelayn inuu Farogeliyo hawsha uu Gobolka Mas’uulka uga Yahay, Waxaanu Intaas ku daray in Gudoomiye Ramaax marka uu Yimaado Gobolka Saaxil uu si sharaf leh.

Posted in Uncategorized | Read More »

Janaraal Ciidan oo ka Caasiyoobay Maamulka Madaxweyne Gaas oo Ladqabe loogu Celiyay Garowe Iyo Shakiga Taagan

Garowe 16.July 2015 (SDN/QJ)- Taliye Ku-xigeenkii hore ee booliska Puntland Gen. Muxiyaddiin Axmed Muuse iyo Taliyihii Hore ee Ciidamada Sirdoonka Puntland (PIA) Cabdi-yare ayaa shalay galab dib ugu laabtay magaalada Garowe oo ay Cadho kaga Maqnaayeen. Boqollaal dadweyne ah ayaa saraakiishan kusoo dhoweeyey tuulada 22aad, waxaana intaas kadib loo soo gudbiyey labada guri ee ay […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Mudug mise Nus-Mudug? Qormo faaleed Yuusuf Garaad Cumar

London 16.July 2015 (SDN/QJ)- Siyaasiga Yuusuf Garaad Cumar ayaa Qoraal uu ku faafiyay Shabakad uu ku leeyahay baraha xidhiidhka bulshada waxa uu ku iftiimiyay Ismaandhaafka ka dhex jira Pun land, Gal Mudug iyo Dawlada federaaka Somalia,Waxaanay Faaladiisu u dhignayd Sidan:- Alif wax ma leh iyo wax buu leeyahay sax ma wada noqon karaan. GalMudug waxay […]

Posted in Uncategorized | Read More »