Home » 5:10 am
Entries posted on “July, 2015”
London July 30,2015(SDN/QJ)-Waxaan akhristayaasheena sharafta leh halkan idinku soo gudineyaa muuqalka wareysigii inbadan lawadasugaayay ee aanu horay idinku soo gudbinay hordhaciisa ee Prof Axmed Ismaaciil Samatar uu ka qaaday wariye Cabdixafiid Maxamud Jmaca ee ku saabsanan arimo badan oo quseeya sida isbadalka siyaasadeed ee ku yimid. Hadabo hoos ka daawo wareysigani o dhameystiran.
Posted in Uncategorized | Read More »
1- Waxaa shacabka reer Somaliland wada arkaan hakadka galay wada shaqeyntii Hayadaha Dastuuriga ah ee Somaliland waqtigan xaadirka ah. Waxaa ummadu wada daalacatay in aanay Hayadaha Dastuuriga ah ee Somaliland aaney waqtigan ku dhisneyn wada-shaqeyn, wada tashi, is-ixtiraam, oo aaney kala soocneyn awooda sharci dejinta, fulinta iyo garsoorkii oo aan madaxbanaaneyn kuwaas oo aan hadana […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Hargeysa:Jully,30,2015(SDN/QJ)Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng.Faysal Cali-waraabe, ayaa Khudbad dhinacyo badan taabanaysa kusoo gunaanaday Shirweyne Axsaabta Mucaaridka u socday oo muddooyinkii ugu dambeeyey lagu lafo gurayey Xaaladda Guud ee Dalka. Eng. Faysal waxa uu ka dayriyey xaaladda Guud ee Dalka, waxana uu si toos ah u shaaciyey in Dunida dib ula noqotay dhaqaale tiro […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Hargeysa:Jully,30,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa jawaab adag u diray Musharraxa Jagada Madaxweyne-ku-xigeen ee Xisbiga Ucid Md Cabdirashiid Xasan Mataan, waxana uu ku eedeeyey inuu xasaradeeyey socdaalka Madaxweynaha. Wasiir Cukuse oo ka hadlayey Safarka Madaxweynaha, gaar ahaan socdaalkii uu Toddobaadkan ku tegay Magaalada laascaanood, ayaa si maldahan u […]
Posted in Uncategorized | Read More »
New York:Jully,30,2015(SDN/QJ)-Waddamada xubnaha Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, ayaa cod ku meelmariyey in muddo-kordhin loo sameeyo Hawlgalka Qaramada midoobay ee Taageerada Somalia(UNSOM) iyo Hawlgalka kale ee Ciiddanka Nabad-ilaalinta Afrikaanka ee ku sugan Somalia (AMISOM). Qaraar ka soo baxay Kulan ay Xalay ka yeesheen Arrimaha dalka Somalia ayey isku raaaceen in Hawlgalka Taageeradda QM ee Somalia (UNSOM) […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Hargeysa:Jully,30,2015(SDN/QJ)-Garoonka caalamiga ah ee Cigaal International Airport, ayaa waxaa ka bilaabmay mashruuc si hoos hoos ah dadka loogu tahriibinayo, iyadoo dadkaasina isticmaalayaan baasaboorro tuugonimo ah oo aanay lahayn, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Shabakadda Haatuf.net. Mashruucan ganacsi ayaa waxa gadh-wadeen ka ah sida la sheegay maareeyaha madaarka Hargeysa Maxamed Yuusuf Ismaaciil, isagoo […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Washington:Jully,30,2015(SDN/QJ)-Nin u dhashay dalka Maraykanka, ayaa si weyn loo raacdanaynayaa, kadib markii lagu eedeeyey inuu dil u geystay libaax kamid ah kuwii adduunka ugu caansanaa oo meelo badan looga soo daawasho tegi jirey. Dilka libaaxan Cecil ayaa waxaa uu ku bixiyay Walter Palmer lacago laaluush ah oo uu siiyay ilaalada xerada uu ku jirey libaaxa […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Muqdisho,30july,2015(QJ/SDN)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa khudbad ka jeediyey shirka heer wasiir ee Madasha Waddamada iyo Hay’adaha Iskaashiga la leh Soomaaliya oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxuna ka hadlay Ra’iisul Wasaaruhu qorshaha mudnaanta u leh dowladda ee la doonayo in dalka lagu gaarsiiyo sanadka 2016. Mudane Cumar C/rashiid ayaa […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Jigjiga,July-30-2015(QJ/SDN)-Laga soo bilaabo tan iyo intii ay Dalka ka curatay dimoqraadiyada cadaalada,sinaanta iyo wadanoolaanshaha shucuubta iyo qowmiyadaha itoobiya ee ka dhashay halgankii ay dhiigooda u hureen Geesiyadii EPRDF xukunkana kaga tureen kaligii taliskii Mingistu,waxaa sanadba sanadka ka sii danbeeya DDSI oo ka aradnaan jiray dhamaanba adeegyada aasaasiga ah ku soo badanaya ardayda ka kala qalinjabinaysa […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Burco.30july,2015(QJ/SDN)- Madaxwenaha jamhuuriyadda somaliland ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay tvga ku hadla afka xukuumadda kaga hadlay safarkii uu ku tagay gobolka sool Halkan ka daawo:
Posted in Uncategorized | Read More »