Home » 12:09 am Entries posted on “June, 2015”

Dawlada Imaaraadka Carabta iyo Xarakada Alshabaab oo Fariimo Mawqifyo kala fog xanbaarsan hawada isu mariyay

Dubai 26.June 2015 (SDN/QJ)- Dawladda Imaaraadka Carabta iyo Ururka Al-shabaab, ayaa siyaabo kala fog uga hadlay weerarkii isqarxinta ahaa ee lagu qaaday kolonyo uu la socday safiirka Imaaraadka u fadhiya Muqdisho maalintii Arbacada ee toddobaadkan. Afhayeenka ururka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo saxaafadda taageersan la hadlay, ayaa sheegay in dawladda Imaaraadku ka […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Dood Xasaasi ah oo Sadexda Gudoomiye ee Xisbiyada Qaranku Gondaha isku dareen,Iyo Dareemada ka soo dhex baxay DAAWO

Hargaysa 25.June 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyayaasha saddexda xisbi qaran ee Somaliland ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI – Faysal Cali-waraabe, Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) – ayaa markii ugu horreysay isku waajahay dooddii ugu adkayd oo ku salaysan khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay muddo-kordhinta Guurtidu u sameeyey xukuumadda iyo Golaha Wakiillada iyo dhammaadka muddo-xileedka […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Taariikhda Islaamka: Boqorkii Labaad Ee boqoradii Umawiyiinta.

Waxa uu ahaa Yaziid binu Mucaawiya waxa uu ku dhashay meel tuulo ah, waxaana haysan jirtay hooyadii ka dib markii aabihiis isfureen yaraantiisii, wuxuu la noolaa reer abtigii. Yaziid xilligii uu dhashay waxay taariikhdu ahayd 23bishii ramadaan sanadkii 23 ee hijriyada isla khilaafada ama xukunka waxa uu qabsaday sanadkii 60 ee hijriyada dadkoo dhami way […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxweyne Siilaanyo oo ka Hadlay Xuska 26 June,Afkana ka Xidhay Khilaafka Siyaasadeed ee dalka oogan DAAWO

Hargaysa 25.June 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Shacabka Somaliland ku hambalyeeyay Xuska 55 Guurada ka soo Wareegtay Markii Somaliland Xoriyadeeda ka hanatay Boqortooyadii Ingiriiska 26 Bishii June 1960kii. Madaxweyne Siilaanyo oo Warbaahinta dawlada kula hadlay qasriga Madaxtooyada ayaa sheegay sidan. Hargaysa SDN/QJ contact@qurbejoog.com

Posted in Uncategorized | Read More »

“Waxanu Jecelahay sharciyadda Madaxweynaha oo 27-ka bisha jully ah inaanu soo wada saarno talo qaran oo waddanka lagu badbaadinayo oo doorasho lagu gaadhsiinayo.”Gudd. Cirro

Hargeysa:June,25,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro), ayaa ka Hadlay habacsanaanta ku timi heshiiskii axsaabta qaranka iyo xukuumaddu hore uga wada gaadheen Muddo-kordhinta Madaxweynaha, waxana uu sheegay inay xukuumaddu heshiiskaas si badheedh ah uga baxday. Guddoomiye Cirro oo maanta ka Hadlayey madal ay mucaaridka iyo madasha wada-tashigu iskugu […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Madaxweynuhu Go’aankii aanu soo saarnay ee Madaxweyne-ku-xigeenkiisu saxeexay inuu barkado may ahayne waxay ahayd inuu hirgeliyo, in nin qudha uu dalku u afduubnaadana ma aha.”Faysal Cali-waraabe.

Hargeysa:June,25,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal cali-waraabe, ayaa ka Hadlay xaaladda Guud ee Waddanka, waxana uu warwar ka muujiyey muddo-kordhintii madaxweyne Siilaanyo loo sameeyey oo aan wali wax heshiis ah laga gaadhin. Guddoomiye Faysal oo u warramay idaacadda VOA-da, ayaa warwar ka muujiyey xaaladda siyaasadeed ee waddanku ku jiro, waxana uu hoosta ka […]

Posted in Uncategorized | Read More »

TAXANE: Maxaad ka taqaan Awoodaha Caruurta Marwada madaxweynaha Jabuuti ay u dhashay Raiisul wasaarihii hore ee Jabuuti(Qeybtii 4aad)

Paris June 25, 2015(SDN/QJ)-Caruuta ay Marwada madaxweynaha Jabuuti u dhashay raiisul wasaarihii hore ee Jabuuti Cabdalla Kaamil ayaa waxa ay saameyn weyn ku leeyihiin siyaasada iyo dhaqaalaha dalka Jamhuuriyada Jabuuti. Najiib Cabdalla Kaamil oo ay dhashay Khadra Maxamuud Xeyd ayaa haatan ah xoghayaha gaarka ah ee raiisul wasaaraha haatan ee dalka Jabuuti. Waxaanu leeyahay xidido […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Madaxweynuhu Wuxuu Yidhi Dalku Sharci Buu leeyahay,Waa Run Oo Dalku Dastuur Buu Leeyahay Laakiin Wuxuu Sheegayaa In Madaxweynaha 5 Sannadood La Dhaariyay, 5-tii Sannadood…” Eng Faysal Cali Waraabe

Hargeysa 25.June 2015 (SDN/QJ)-:- Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid, Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inaanay ka fursanayn in la dhiso dawlad wadaag ah, haddii la hirgalin waayo heshiiskii xukumadda iyo xisbiyada. Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Somaliland arrimo badani hor yaalaan “Somaliland waxay maraysaa Is-goys, waxaa ina hor yaala arrimo badan. […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Hargaysa Magaalo uu Ku soo Badanayo Dilalku Iyo Shacabka oo Baafinaya Doorkii Ciidamada

Hargeysa 25.June 2015 (SDN/QJ)-:- Magaalada Hargeysa ayaa Xallay lagu dilay nin ka mid ah Shicibka Magaalada ku nool ninkan ayaa la sheegay in la Dilay afurkii ka dib isla markaana Maydkiisa la geyey  Cisibtaalka Hargeysa. Warar aanu helayno ayaa sheegaya in ninka Marxuumaka ee la dilay  lagu dilay agaagarka Dooxa Hargeysa gaar ahaana Birishka weyn […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Mawqifka Ucid Waxa uu Yahay Hadii aan la Isu Iman 26 June oo aan la Heshiin Aqoonsan Mayno Dawlada” Gudoomiye Cali Guray DAAWO

Hargeysa 25.June 2015 (SDN/QJ)-Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray), ayaa Xukuumadda Somaliland ugu soo jeediyay in xisbi ahaan ay ka dalbanayaan inay hirgeliso heshiiskii ay saddexda xisbi iyo Xukuumaddu ka gaadheen dib u dhaca doorashooyinka.

Posted in Uncategorized | Read More »