Home » 7:54 am Entries posted on “May, 2015”

Mac’adka Faafinta Islaamka oo kulan-diimeed u qabtay Dugsiga sare ee Ilays fariciisa Xaafada Maxamed mooge.

Hargeysa, 27,May, 2015 ()-Mac’adka Faafinta Islaamka ayaa kulan-diimeed wacyi gelin ah u qabtay dugsiga sare ee Ilays faraciisa xaafada Maxamed Mooge ee Magaalada Hargeysa. Kulankaas wacyigelinta ah oo ay ka soo qayb galee madaxda Mac’adka Faafinta Islaamka, culimo, Maamulka, Macaliminta iyo ardyada dugsiga wax ka barata. Ugu horayn waxaa halkaas hadal kooban ka jeediyay Maamulaha […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Hujuunkii Burco ee 1988kii iyo Kii Hargaysa Mataano Xidhiidh lahaa {DHAGAYSO}

Hargaysa 27.May 2015 (SDN/QJ)- Waa Maalmihii Is maqiiqa iyo Is Hujuunka Laba cudud oo aan la is barbar dhigi Karin,Waa Maalmihii ay Xarakadii dhaqdhaqaaqa Waddaniga Somaliyeed ee SNM Hal bacaad lagu lisay ka dhigtay Riyo ay isku maaweelinayeen talisyadii Muqdisho iyo Addis ababa oo ku shirsanaa Soodare isla markaana gaadhay Heshiis dhigayay inay kala Joojiyaan […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Nuxurka Jawaab Adag Oo Hay’adda Qaxootiga Ee UNHCR Usoo Dirtay Somaliland, Kadib Joojintii Qaxootiga Yemen

Hargeysa:May,27,2015(SDN/QJ)-Somaliland, ayaa  heshay jawaab ay Hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ka Bixisay tallaabadii dhawaan Qaxootiga yemen kasoo yaacaya lagaga mamnuucay inay soo galaan Gudaha Somaliland. Sida lagu faafiyey wakaaladda wararka dalka Turkiga ee Anadolu Agency, hay’adda UNHCR ayaa nasiib-darro iyo wax laga xumaado ku tilmaantay go’aanka Somaliland ku joojiyey inay qaabisho qaxooti […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Magaca Sarkaal Sare Oo Shabaab Katirsanaa Oo Gacanta Ciidamada Kenya Galay Iyo Aqalkiisa Oo Waxyaabo Qarxa Laga Helay

Mombassa:May,27,2015(SDN/QJ)-Ciidamada Booliska waddanka Kenya, ayaa shaaciyey inay gacanta ku dhigeen Xubin sare oo Ururka Al-shabaab katirsan, kaas oo magaciisa lagu sheegay Khalid Mohammed, ahna Muwaadin Kenyan ah. Ciidanka Booliska oo gacan ka helaaya xoogaga la dagaalanka argagaxisada Kenya, ayaa u daatay hoyga ninkaasi oo ku yaala xaafada Bondeni ee Magaalada Mombasa. Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Xogo Dheeri ah Oo Ku Saabsan Muddada Saddexda Xisbi Ku Heshiiyeen In Doorasho La Qabto Iyo Talo Saylici Soo Jeediyey Oo Waddani Ka Cadhooday

Hargeysa:May,27,2015(SDN/QJ)-Kadib markii  lagu kala kaxay shirkii muddada Toddobaadka ku dhaw usoo socday Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaridka ah, ayaa waxa soo baxaya Sababaha keenay Burburkaas iyo Soo  jeedin Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland keenay oo sababtay in Xisbiga waddani ay shirka ka baxaan. Xogo uu helay Qurbejoog.com, ayaa sheegaya in xaraaradda shirka shalay uu kii hore kasii adkaa,  isla-markaana […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Ciidamada Masar Oo Jeelasha Kasii Daayey 30-Soomaali ah Oo Hore Loo Xidhay Xilli ay Tahriib Dhuumasho ah Ku Jireen

Cairo:May,27,2015(SDN/QJ)-Ugu yaraan soddon qof oo somali ah , ayaa laga sii daayey Jeelasha waddanka masar, kuwaas oo doonayey inay tahriib kaga baxaan waddankaas. Dadka la sii daayey ayaa isugu jira Gabdho iyo Wiilal, waxana sii dayntooda ka qaybqaatay Hay’adaha Qaxootiga ee UNHCR iyo safaaradda soomaalida ee Dalkaasi ku taalla. Dadkan haatan lasii daayey ayaa hore […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo si diiran loogu soo dhaweeyey magaalda Muqdisho

Muqdisho May 26, 20159SDN/QJ)-Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha si diiran ugu soo dhaweeyey Raysal Wasaare Cumar Cabdi Rashiid, Raysal Wasaarihii hore Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, Imaamka beesha Hiraab, Ugaasyo, Salaadiin, Cuqaal, Wasiiro, iyo Xildhibaano. Boqor Burhaan ayaa ka soo kicitimay dalka South Africa oo uu ku joogay […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxweynaha: “Waan u mahadcelinayaa walaalaheen Afrika sida ay inoo garab qabteen”

Muqdisho May 20159SDN/QJ)- Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qeybgaley munaasabad lagu xusayey maalinta Qaaradda Afrika oo lagu qabtey magaalada Muqdisho. Munaasabadda oo ay ka soo qeybgaleen madax, danjireyaal, taliyeyaasha ciidamadda iyo marti sharaf kale, ayaa Madaxweynaha waxaa uu ka jeediyey khudbad uu kaga haley doorka Ururka Midowga […]

Posted in Uncategorized | Read More »

RW ku xigeenka oo kulan la qaatay gudigga kormeerka ee Maareynta Maaliyadda Dowladda

Muqdisho, 26, May, 2015…Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka mudane Maxamed Cumar Carte ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay gudiga kormeerka Maareynta Maaliyada Dowladda oo ka kooban Wasiirka Maaliyadda, Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Xafiiska RW, Gudoomiyaha Bangiga Dhexe, La Taliyeyaasha Maaliyadda, Xiriiriyaha Maamulka Maaliyadda, Hanti Dhowrka Guud, iyo Xeer Ilaalinta Qaranka. Gudigaan ayaa  shaqadiisu tahay inuu kormeero habsami […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Wejigii Sadexaad ee Wada hadalka Mucaaridka Iyo Muxaafidka oo Natiijo la’aan Mar kale ku dhamaaday iyo Mawqifyada Sadexda Xisbi,Aragtida la isla qaatay DAAWO

Hargaysa 26.May 2015 (SDN/QJ)- Wejigii saddexaad ee u socday Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyada mucaaridka, ayaaCaawa  natiijo la’aan ku dhamaaday, waxaanay mucaaradka ayaa saxaafadda u sheegay in wada xaajoodku burburay, iyagoo baaq u diray beesha Caalamka, kana dalbaday in la soo kala dhex galo Xukumadda. Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo […]

Posted in Uncategorized | Read More »