2015 BUDGET: QABYAALADA KA MUUQATA MIISAANIYADA QARANKA: RAADADKA WASIIR SAMAALE IYO WASIIR K/X CADAANI EE W.WAXBRASHADDA
Laga bilaabo dhagax-dhigii qabyaalada ee shirkii GAR-ADAG, gobolaysiga & beelaysigu waxay astaan muuqda u noqodeen Xisbigga Kulmiye. Ergooyinkii shirwaynaha iyo Golaha dhexe waxa lagu soo xulay qaab–beeleed. Musharaxiinta u tartamaysa kursiga Madaxwaynaha Qaranka, waxay ka dhex loolamyaan beeelahooda. Qabyaaladu waa mabda’ “ideology” hagaaya siyaasada iyo hab-dhaqanka Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo. Waa laga gudbay dimuqraadiyaddi ka hanaqaaday geyiga Somaliland.Waxa dib loogu noqday casragii madooba “ DARK AGES “ . Abwaan Qaasin, alla ha u naxariisti, wuxuu yidhi”
Ma doraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay,
Sida aan dayaysnahay miyaan dawgii ka habaabay.
Hadaba waxa la yaableh in Miisaaniyadii Qaranka ay ka dhex muuqato raad qabyaladeed. Budgetka waxa lagu jaangooya baahiyaha Wasaaradaha kala duwani usoo gudbiyaan W.Maaliyada. Way dhacdaa in wasiir waliba sad buursiimo ugu soo daro Gobolka uu ka kasoo jeedo, laakinse waxa mucjiso ah in Wasiirka & W.K Maaliyadu ay wasaarad walba wax uga garoocaan degmooyinka ay kasoo jeedaan. Halkan kuma soo wada bandhigi karo 65 Wasaaradood & Hay’aadood ee Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ka koobantahay.Waxaan tusaale kooban usoo qaadanyaa W. Waxbarashada iyo raadka ay ku leeyaheen labada maso’ol ee soo diyaariyay Miisaaniyadda- Wasiir Samaale & W/K Cadaani.
W.Waxbarashada waxa loo qoondeeyay U$ 12.1 million sanadka 2015. Waxay ku xigtaa Ciidanka Qaranka $ 30 Million iyo Sanduuqa Madow ee Madaxtooyada $ 39.3 Million. Waxa haboonyad in loo kordhiyo oo waxa looga jaro “BLACK BOX “. 85% oo u dhiganta $10.2 Million, miisaaniyadda Wasaaradu waxay ku baxda mushahaarooyinka macalimiinta , oo qaarkood ku shaqeeyaan bilaash ( volunteers) , sugaaya inta laga dhigaayo shaqaale rasmiya. Markaad u fiirsato Miisaniyadda W.Waxabrashada, waxa markiiba indhahaaga ku dhacaaya laba DUGSI oo keligood loo qoondeeyay lacag u gaar ah “ Special fund” : Dugsiga Cali Ciise iyo Dugisga Gabiilay. Kuma jiraan dhamaan dugsiyadda kale ee Somaliland sida : Berbera, Badhan, Baligubadle, Borama, Caynabo , Ceerigavo,Cadaadlay; Oodwayne, Las-Anod, Zeila etc.
Dugsiga | 2014 | 2015 | |
1 | Cali Ciise Boarding School | SHL 120 Million | SHL 120 Million |
2 | Gabiilay Secondary Boarding | SHL 60 Million | SHL 60 Million. |
XIGASHO- BUDGET 2015 – SUB HEAD 22208// W.WAXBARASHADA |
Degmadda Cali Ciise ,Togdheer, waxa kasoo jeeda W/K Maaliyadda Mudane Cadaani. Gabiilayna waa gobolka Wasiir Samaale. Waa labada maso’ol ee u xilsaaran soo diyaarinta Miisaaniyada Qaranka. Waxa laga filaayay xaqsoor iyo cadaalad , laakinse waxay shaxda u dhigeen“ Qaatay ee Qaado “. Waa hab-dhaqanka iyo siyaasadda hagta Xisbul-xaakimka KULMIYE ee ku qotonta :
“QABYAALAD- QARAABO KIIL-QAWDA MAQASHII –WAXNA HAW QABAN”
Wuxuu yidhi:
Denbi ku hadlimaaye ma arag dawladdaan rabay’e
Isma doorin “Daahirkaan” diriyo daarta kii galay’e
Meshaan dad aan urursho iyo darar ka eegaayey;
Iyaba waa darxumo ii hadhaye dacar miyaan leefay.
Hoodo Yusuf, London.