Home » 5:53 am Entries posted on “November, 2014”

Waxgaradka Beelaha Hawiye Oo Ku Dhawaaqay Inay Gacmaha La Geliyaan Khilaafka Madaxda Dawladda Somalia

Muqdisho:Nov,27,2014(SDN/QJ)-Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka ee Beelaha Hawiye, ayaa si toos ah uga Hadlay khilaafka ragaadiyey dawladda somalia, kaas oo u dhexeeya madaxweynaha iyo Ra’isal wasaarihiisa. Odayaasha Beelahaas oo warbaahinta Muqdisho la Hadlay, ayaa shaaciyey inay usoo diyaar garoobeen sidii ay khilaafkaas u damin lahaayeen, isla-markaana ay meesha uga saari lahaayeen muranka raagaaiyey Habsami-u-socodkii Hawlaha qaranka […]

Posted in Uncategorized | Read More »

War Farxad Leh Oo Kasoo Baxay Tallaalka Loo Samaynayo Cudurka Ebola Oo Tijaabo ahaan Usoo Baxay

New york:Nov,27,2014(SDN/QJ)-Dhakhaatiirta iyo dadka aqoonta Durugsan u leh Cudurka Ebola, ayaa muujiyey farxaddooda ku aaddan tallaalka cudurkaas lagula tacaalayo oo Haatan si tijaabo ah loosoo saaray. Waxay ay Khubaradani sheegeen in tallaalkani yahay mid suurtagelin kara in Jidhka Ban’aadamku aqoonsado, isla-markaana ka hortagi karo markasta oo uu xanuunku soo weeraro. Labaatan qof oo mutadawiciin ah […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Kenya Oo Kasoo Horjeesatay Qorshaha Shaqaalaha Mandhera ku Dalbadeen Daad-guraynta

Nairobi:Nov,27,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda dhexe ee dalka kenya, ayaa si weyn uga soo horjeesatay dalabka shaqaalaha dawadda ee Deegaanka Mandhera ku dalbanayaan ina halkaas laga daad gureeyo, sababo la xidhiidha dhinaca ammaankooda. Maalmihii lasoo dhaafay ayaa xerada ciidamada Milatariga ee magaalada Mandheera waxaa soo buux dhaafiyay dad doonaya in halkaas lagoo qaado maadaama sida ay sheegeen uu halis […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Haweenay Reer Afghanistan ah Oo Wiilkeedii Ugu Aargudday 25-Ka Mid ah Dagaalyahannada Daalibaan

Kabul:Nov,27,2014(SDN/QJ)-Hooyo u dhalatay Dalka Afghanistaan oo lagu magacaabo Reza Gul, ayaa ka muraara dillaacday dil kooxda Daalibaan hore ugu geysteen wiil ay dhashay, waxana ay ka qaybqaadatay dagaal lagu laayey ugu yaraan 25-ka mid ahaa ururka Daalibaan. Dagaalyahanadan ayaa waxaa ay dileen hooyadan magaceeda lagu sheegay Reza Gul wiilkeeda oo ka mid ahaa ciidamo boolis […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Saska Madaxtooyadu Ka Qaadday Cududda Siyaasiyiinta Maanta Ku Biiraya Waddani Oo Sababay Inay Soo Abaabusho Dhallinyaro Waji-ku-macaash ah

Hargeysa:Nov,27,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sas iyo baqdin xad-dhaaf ah ka qaadday Xawaaraha uu Xisbiga Waddani ku sii socdo, kaas oo Muddooyinkan dambe isku xaabsaday Quluubta Bulshada iyo Aragtida Taageerayaasha Diyaarka u ah inay Codkooda dhiibtaan. Baqaha Xukuumaddu waxay haatan ku wareegaysaa Siyaasiyiin Cudud leh, kuwaas oo xilal kala duwan kasoo qabtay  Rajiimka Siilaanyo, waxana la […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Shirkadii Samaysay Waraaqaha Codbixinta Somaliland iyo Sadex dal oo Kale oo Dacwadi uga Furantay Maxkamad Ingiriiska ku taala

London 27.Nov 2014 (SDN/QJ)- Xafiiska la dagaalanka Musuqmaasuqa ee Dawladda Ingiriiska, ayaa Dacwad ku Oogay Shirkad lagu magacaabo Smith and Ouzman Limited oo ah Shirkaddii Daabacday Waraaqihii Doorashooyinka Madaxtooyada sanadkii 2010 iyo Degaanka 2012 ee Somaliland. Shirkaddan ayaa loo haystaa inay Afar dal oo Africa ah Somaliland na ka mid tahay hab musuqmaasuq ah ku […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Dhoola Tus uu Xisbiga Waddani Maanta Ku Qaabilayo Cudud Siyaasadeed oo Kulmiye ka Tirsanaa

Magaalo Madaxda Somaliland ee Hargaysa, ayaa waxa si weyn looga dareemayaa labadii caano maal ee u dambeeyay, u diyaar garowga xaflada uu xisbiga Mucaradka ah ee WADDANI ku soo dhaweynayo masuuliin miisan culus ku leh siyaasada Somaliland iyo mawjado taageerayashooda ah oo ay horkacayaan,kuwaasi oo Maanta oo Khamiis ah  si rasmiya ugu biiri doona xisbiga […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Golaha Wakiilada ee Somaliland oo Sabtida u Balansan inay Ansixiyaan Komiishanka Cusub ee Doorashooyinka

Hargaysa 27.Nov 2014 (SDN/QJ)- Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa shalay cod gacan taag ah ku meel mariyay Ajandaha Kalfadhiga 26-tanaad ee Golaha Wakiilada. Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ayaa lagu wadda in Sabtida Todobaadkan an Ansixiyaan Xubnaha cusub ee Guddida Doorashooyinka oo uu dhawaan Madaxweyne Siilaanyo magacaabay, waxaanay hore ansixintooda saamayn ugu yeeshay Khilaafkii u dhexeeyay Golaha […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Qoraalo Sir ah oo Xildhibaanada Mooshin diidka raacsan Raysal Wasaaraha Somalia u Gudbiyeen Beesha Caalamka

Muqdisho 27.Nov 2014 (SDN/QJ)- Qoraallo sir ah oo ay qoreen Xildhibaannada ka soo-horjeeda Mooshinka, isla markaana ah kuwa taabacsan Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sh. Axmed ayaa Beesha Caalamka u diray Qoraal ay kaga codsanayaan ina farro-gelin lagu sameeyo Khilaafka u dhexeeya Madaxda Somaliya, kuwaas oo sheegay in uu khatar ku yahay jiritaanka Somaliya Qoraalladan oo laba […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Wershadii Sibidhka ee Berbera oo Iskaraab ahaan loo adeegsanayo iyo Buuq ka dhashay Cida bixisay

Berbera 27.Nov 2014 (SDN/QJ)- Buuq ayaa la sheegay inuu ka taagan yahay Wershada Sibidhka ee Magaalada Berbera, kaddib markii todobaadkan si rasmiya loogu wareejiyay Rag Ganacsadeyaal ah oo Iskaraab ahaan looga Iibiyay. Ma jiro go’aan rasmiya oo ay Xukuumaddu ka soo saartay talaabada lagu Iibiyay Qalabka Wershada yaalla, Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Wershadaha Abiin Timacad […]

Posted in Uncategorized | Read More »