Home » 3:53 am Entries posted on “October, 2013”

Xil. Qabille Oo Ka Hadlay Nin Labaad oo Loo Qabtay Weerarkiisii Iyo Warcelin La Xidhiidha Wasiirradii Uu Ku Eedeeyey Falkaas

Hargeysa:30-Oct-2013(SDN)-Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa shalay gacanta ku dhigay nin kale oo ka mid ah shan Nin oo ku eedeysan Weerar 21-kii bishan lagu qaaday Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo markii hore sarkaal Ciidanka ka tirsan oo qudha loo haystay, balse hada la sheegay inay qayb ka ahaayeen tiro afar nin oo kale oo uu ku […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Gelbis Iyo Gaaddo-ka-ciyaar Ku Soo Dhaweysay Xildhibaan Ka Tirsan Dawladdda Somaliya Oo Cadquudheed Muqdisho Ka Soo Qaaday

  Hargeysa:30-Oct-2013(SDN)-Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo maalinba Maalinta ka Dambaysa Hoos u sii Dhigaysa Qaddiyadda Madax-bannaanida Somaliland, ayaa Markanna Ku Tallaabsatay Arrin kale Oo Hoos u dhac iyo Karaamo darro ku ah Qaddiyadda Somaliland. Xukuumadda ayaa Maalinnimadii Isniintii Gegida Diyaaradaha ee Cigaal International Airport Xildhibaan Farxaan Xiddig oo ka mid ah Xildhibaanada Dawladda Federalka ah ee […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Hay’adda UNFPA Oo Hawshan Naga Caawinaysaa waxay ku salaysay 18-kii Gobol Ee Somalia, laakiin Annagu…..” wasiir sacad cali shire

Hargeysa:30-Oct-2013(SDN)-Masuuliyiinta wasaaradda Qorshaynta qaranka iyo Horumarinta somaliland, ayaa markii ugu horraysay si rasmi ah uga Hadashay Tirokoob Muran dhaliyey oo Wasaaraddu ka waddo Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland. Masuuliyiinta oo maalintii shalay qaar ka mid ah warbaahinta kula hadalayey Xaruntooda Magaalada Hargeysa, ayaa tilmaamay in Hawshan wasaaraddan Wasaaraddu waddaa tahay mid in muddo ah soo socotay […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxweynaha Syria oo shaqadii ka eryay Raaisul wasaare ku-xigeenkiisii ka dib kolkii uu la kulmay Saraakiil Mareykan ah

Dimishiq Oct 30,2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Syria Bashaar Al Asad ayaa xilkii ka qaaday raiisul wasaarihii dalkaasi oo kiyoon fasax u heysan la kulmay saraakiil Mareykan ah oo uu kala hadlay wadahadalo dhexmara dawlada iyo mucaaridka dalkaasi. Eriga raiisul wasaare ku-xigeen Qadri Jamil ayaa yimi ka dib kolkii magaalada Geneva uu kulan kula qaatay safiirka Mareykanka Robert […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Xaaladda KULMIYE: Xiiso-tirka Xisbinnimada. Qalinka Boobe Yuusuf Ducaale

Hargeysa:30-Oct-2013(SDN)-La ye Xisbigii KULMIYE ayaa is-abaabulaya. Oo goorma ayaa inoogu dambeysay? Araggiisa waxa inoogu dambeysay 2010kii berigii ay dadweynaha beenta iyo belaayada ka siisteen codadkoodii. Beryihii Barnaamaj-baaskii. Beryihii ay subagga marada inoo geliyeen ee ay wixiiba fuuqsadeen. Wax ay innaga ina taraan iska daaye, iyagii ayaa kala hororsaday wixii yaraa ee aynu eeganaynay. Intooda badani […]

Posted in Uncategorized | Read More »

DAAWO:Baahintii wararka Guddaha iyo Caalamka ee TV-ga Qaranka Somaliland

Hargeysa Oct 30,2013(SDN)-Baahintii TV-ga Qaranka Somaliland ee wararka Gudaha iyo caalamka ayaa qodobada uu ka kooban yahay waxa ka mid ah Madaxaweyne Siilaanyo oo ka qeybgalay shir lagu qiimeynayo hawlaha waxqabad ee QM ee sanadka ina haya. Gollaha Guurtida Somaliland oo ansixiyay xeerka Booliska Somaliland Wasiir warancade oo furay hawlgal kor loogu qaadayo caasimada Somaliland […]

Posted in Uncategorized | Read More »

DAAWO:Madaxweynaha Somaliland iyo ku-xigeenkiisa oo kulan la qaatay Guddida qaban qaabada shirweynaha Kulmiye

Hargeysa Oct 30,2013(SDN)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo iyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Seylici ayaa kulan dardaarana oo uu la yeesheen waxa hadalo ay ka jeediyeen waxa ay uga warameen marxaladihii xisbigu soo maray. Barnaamijm gaara oo TV-ga qaranka Somaliland uu kulankan ka diyaariyay ayaanu halkan idiinku soo gudbineynaa. Halka hoose ka DAAWO Barnaamijka

Posted in Uncategorized | Read More »

DAAWO:Musharax Cabdiweli Gaas oo Nairobi lagu soo dhaweeyay

Nairobi Oct 30,2013(SDN)-Musharaxa xilka madaxweyne ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa booqasho uu ku tegay magaalada Nairobi oo uu dhawr maalmood joogi doono si uu ula kulmo Beesha Caalamka iyo jaaliyada Puntland. Md Cabdiweli Gaas ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay gegida duyuuradha ee magaalada Nairobi halkaa oo ay isugu yimaadeen qeybaha bulshada reer Puntland […]

Posted in Uncategorized | Read More »

DAAWO:Denbiileyaal Rag iyo Dumar isugu jira oo lagu soo oogay dhac hore loogu geystay Suuqa Dahabka iyo Xawaalada Kaah ee Boosaaso

Bosaaso Oct 30,2013(SDN)-Maxkamada ciidamada Puntaland ayaa eedeysaneyaal dhawr ah oo geysatay laba dhac oo ay u kala geysteen suuqa Dahabka iyo Xawaalada Kaah oo dad ku dhinteen. Weerarada oo ay kala geysteen burcad rag iyo dumar isugu jira ayay maxkamada ciidamada Puntland ku kala xukuntay dil iyo xabsi. Danbiileyaashan oo ay ku jirtay haweeney uur […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Ra’iisul Wasaaraha oo dawladda iyo shacabka Turkiga ugu hambalyeeyey maalinta xorriyadda dalkooda

Muqdisho, October 30, 2013—–Iyadoo maanta ay ku beegantahay maalinta xorrnimada dalka Turkiga, ayaa waxaa hambalyo ku aadan maalintan u diray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”. Isaga oo ugu hambalyeeyey munaasabadda 90 sano guurada ka soo wareegtay xornima dalkooda. “Waxaan hambalyo kal iyo laab ah halkan uga dirayaa dawladda, shacabka […]

Posted in Uncategorized | Read More »