Home » 3:02 am
Entries posted on “April, 2012”
Tehran April22,2012(SDN)-Dawlada dalka Iran ayaa ku eedeysay dalka Sucuudiga in ay hubeyneyso isla markaana ay tababro ciidan siineyso Soomaalida Qoxooti ahaanta u joogta dalka Yemen,sida ay daabacday Jariirada Fars la yidhaa ee dalkaas ka soo baxda. Iran ayaa sheegtay in sababata ay dawlada Sucuudigu tilaabada u qaadey ay tahay sidii loola dagaalami lahaa kooxda Xuutiyiinta […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Hargeysa April 21,2012(SDN)-Guddoomiyayaasha Ururada Horyaal iyo Badbaado oo ka mid ahaa ururaddii ku hadhay kala shaandheyntii ururadda siyaasadda, ayaa maanta ku gacan saydhay mudaharaad ay maanta soo jeediyeen Todobada urur ee kale ee Gudida diiwan gelintu ay sheegeen inay ku hadheen marxaladii labaad ee qiimaynta ahaa. Waxaa Sidaasi waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray […]
Posted in Uncategorized | Read More »
BEIRUT 21, April 2012 (Qurbejoog.com/LATimes)- Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa Sabtidii maanta isku raacay qaraar ku saabsan in saddex boqol oo kormeerayaal ah loo diro dalka Siiriya. Sida uu faafiyay wargeyska Los Angeles Times, 300-kaa kormeerayaasha ahi waxay eegi doonaan sida ugu wanaagsan ee xabad-joojin aan jabin loo dhex dhigi lahaa dawladda Madaxweyne Bashar […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Hargeysa 21, April 2012 (Qurbejoog.com)- Maayarka Caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa maanta xadhiga ka jaray dhismaha saldhig Boolis laga hirgelisay jidka suuqa Jajabka iyo xaafaddaha Guryosamo. Saldhigan oo ay hirgelintiisa iska kaashadeen dawladda Hoose, Taliska Booliska iyo dadweynaha xaafaddaas, waxa laga hirgeliyay goob xudun u ah tuugta Hargeysa, kuwaasoo waxyeelayn iyo baadhashoba ku […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Muqdisho April 21,2012(SDN)-Taliska ciidamada AMISOM ee Muqdisho ka hawl gala ayaa sheegay in ay xalay ciidamadoodu ku duuleen isla markaana qabsadeen Garoonka Duyuuradaha ee Daayniile. Taliye xigeenka AMISOM Major Jen. Audance Nduwumunsi ayaa qoraal uu soo saray ku sheegay in ciidamada Burundi ee AMISOM ay haatan gacanta ku hayaan degmeda Dayniile iyo Garoonkeedaba. Garoonkan ayaa […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Dimishiq April 21,2012(SDN)-Wararka ka imanaya dalka Suuriya ayaa cadaynaya in maanta sabti ah ay dhinteen ugu yaraan Todoba iyo Konton Ruux ka dib markii ay Ciidamada Xukuumaddu duqayn la beegsadeen meelo ay degan yihiin Mucaaradka sida magaalooyinka Idlib iyo Xumis. Wararku waxay intaas ku darayaan inaanu lugo adag ku taagnayn heshiiskii uu gadhwadeenka ka ahaa […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Washington April 21,2012(SDN)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Brack Xuseen Obama ayaa ugu baaqay wadamada Waqooyiga iyo Koonfurta Suudaan inay xabad joojin sameeyaan oo ay miiska wadahadalada isugu yimaadaan. Mr Obama waxa uu kula dardaarmay xukuumadda Khartuum inay joojiso duqaynta dhanka cirka ee ay la beegsanayso meelo ka mid ah koonfurta maadaaba buu yidhi Madaxweynahu ay Ciidamadii K/Suudaan […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Muqdisho, April 21, 2012(SDN)–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta booqday Saldhigga dhexe ee Magaalada Muqdisho, kaa oo ay ku jiraan maxaabiis aad u badan, kuwaa oo dambiyo kala duwan xabsiga ugu jira. Ra’iisul Wasaaraha waxaa booqashadda xabisgga ku wehlinayay Wasiirka Gaashaandhigga ee dowladda KMG Soomaaliya, […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Muqdisho, April 21, 2012(SDN)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagay jiida hore ee dhufeesyada degmada Dayniile ee duleedka Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM. Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kormeerkiisan ku wehlinayay Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Mudane Xuseen Carab Ciise, Taliyaha […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Hargeysa, 21, April 2012 (SDN)- Masuuliyiinta Ururradii la shaaciyay inay ayaa si wadajir ah fariin ugu taageerayaashooda, iyagoo ugu baaqay in isugu yimaadaan banaan-bax, waxaanay Xukuumadda ku eedeeyeen inay iyadu yeedhaysay go’aanka Guddidu soo saartay. [mp3player config=fmp_jw_widget_config.xml file=http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/ururada.mp3]
Posted in Uncategorized | Read More »