|

Badhasaabka Selel Oo Ka Hadlay Niman Laba Gabdhood Ku Kufsaday Lawyo-cado Oo La Xidhay

Saylac 12.Dec 2015 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha  gobolka Selel  C/rasaaq Waaberi Rooble ayaa sheegaya in shalay magaalada Saylac lagu xidhay shan nin oo lagu eedeeyay  inay laba gabdhood ku kufsadeen meel u dhow magaaladda Lawyo-cade ee ku taalla xadka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti.

 

Guddoomiyaha gobolka Selel, C/rasaaq Waaberi Rooble, oo  xalay telefoonka ugu waramay DAWAN  waxa uu   sheegay  in  labadda gabdhood ee la kufsaday ay ka mid ahaayeen dad safar ahaa oo nimanka wax Tahriibiya ee loo yaqaano Aboolaha ay  kexeeyeen magaaladda Lawyo-cade. Kuwaasi oo lacag ka qaaday     una  sheegay    in ay u gudbinayaan dhinaca dalka Jabuuti.

 

Waxaanu tilmaamay in la xidhay shan nin oo loo tuhunsan yahay in ay arrintaasi xidhiidh la lahaayeen. Isagoo arrintaais ka hadlayayna waxa uu  yidhi “Arrintaasi way jirtaa oo waxay ka dhacday meel u dhaw Lawyo-cade oo ku taallo xadka u dhexeya Somaliland iyo Jabuuti, meel kayn ah oo la yidhaahdo qalaanqalay ayay ku kufsadeen. Labada gabdhood waxay ka mid ahaayeen   dad safar ah oo doonnayay inay u gudbaan dhinaca Jabuuti, 8-qof ayaanay ahaayeen.  Niman  tuug ah ayaa inta ay  lacag ka qaateen isaga dhigay nimanka wax Tahriibiya ee loo yaqaano Aboolaha. Kadibna marka ay marayaan dhexda meesha la yidhaahdo Qalaan-qalay ayay  laba gabdhood  kufsadeen.    gabdhaha caafimaadkoodu wuu fiican yahay, waxaana lagu daawaynayaa cusbitaalka Saylac.”

C/rasaaq Waaberi Rooble, waxa kale oo uu sheegay in falkaasi loo soo xidhay   shan nin oo ka tirsan kuwa dadka tahriibiya, isla markaana  baadhista kiiskaasi ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada boolisku.

“Booliska ayaa hawsha gacanta ku haya, oo  baadhaya kiiska, shan qof ayaa loo soo xidhay, nin ayaa loo malaynayaa inuu ku jiray kuwa gabdhaha kufsaday iyo niman kale oo kuwa wax tahriibiya ah. Dib ayaanu ka soo sheegi doona, marka ay baadhistu dhamaato, wixii faahfaahin ah ee la xidhiidha sida wax u dhaceen”ayuu yidhi guddoomiye Waaber.

 

Ma aha markii u horaysay oo sidan oo kale gabdho safar loogu kufsado xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti, waxaana dhawr jeer ooh ore jirtay in sidan oo kale dumar safar oo doonaya in ay u gudbaan dhinaca dalka Jabuuti xadka loogu kufsado.

Comments are closed