|

20-Soomaali Magangelyo ahaa Oo Maxkamad Talyaaniga Ku Taallaa Xukunno Ku Ridday

Sicilly:April,28,2015(SDN/QJ)-Wararka laga Helayo Jasiiradda Sicilly ee Dalka Talyaaniga, ayaa sheegaya in Maxkamad Halkaasi ku taalla Xukunno Xadhig ah ku ridday 20-Qof oo kamid ahaa Soomaalida Dalkaasi tahriib ahaan usoo gashay.

kuerDadkan, ayaa lagu eedeeyey inay  kamid yihiin kuwa Dadka ku dhiirrgeliya inay Galaan khatarta Badda, isla-markaana Kumannaan Dhallinyaro ahi sababtooda badaha ugu dhinteen.

Xeer ilaalinta Catania ayaa sheegtay in eedeysanayaasha ay xubno ka ahaayeen koox isku xidhan oo dhaqaalo badan ka qaadan jiray dadka tahriibka ee ka tagi jiray Kenya iyo Soomaaliya si ay u kala baraan Talyaaniga.

Sidoo kale waxay tahriibayaasha ka caawin jireen iney sii wataan safarkooda iyaga oo u tilmaami jiray halka ay ka gali karaan Sweden iyo waqooyiga qaarada Yurub.

Dhamaan tirada dadka maxkamada ay xukuntay ayaa gaadhaya 42 ruux kuwaasi oo kooxda ka mid ahaa, kuwaasi oo la shaaciyay iney ka howlgali jireen gudaha dalka talyaaniga si dadka ay uga sii tahriibaan Talyaaniga.

Talyaaniga ayaa tan iyo sanadkii 2014 xeebaha dalkiisa ka badbaadiyay inka badan 200,000 oo tahriibayaal ah, waxaana badankood ay magan galyo ay ka heleen dowlada Talyaaniga.

Xoghayaha guud ee QM Ban Ki-moon, ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi iyo madaxa siyaasada arimaha dibada Yurub ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay dadka African ah ee ku dhamaanaya xeebaha u dhaxeeya Libya iyo Talyaaniga.

Laakiin ra’iisul wasaaraha Talyaaniga ayaa sheegay in taasi ay dhibaayo ku keeni karto dunida oo kaliya aanay saameyn doonin wadan gaar ah oo uu kala jeeday dalkiisa Talyaaniga.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed