20 qof oo lagu dilay dagaal ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya
Guriceel 29.May 2015 (SDN/QJ)- Dagaalka oo mas’uuliyiinta ku tilmaameen in uu u dhexeeyo ciidamo daacad u ah maamulka Deegaanka Soomaalida iyo dad reer miyi ah ayaa ka dhacay tuulooyinka Qeydo iyo Isma-Dhaqdo oo xadka ku yaalla.
Guddoomiyaha maamulka gobolka Galgaduud, Xuseen Cali Weheliye (Cirfo) ayaa sheegay in ciidamadu ku soo duuleen deegaannadaas, dagaalkuna uu socday ilaa Talaadadii.
Cirfo ayaa sheegay in ay isku dayayaan, iyagoo kaashanayo dowladda federaalka ee Soomaaliya sidii dagaalka loo joojin lahaa, isagoo ugu baaqay dhinacyada ku lugta leh in ay is-xakameeyaan.
Dad ku dhaawacmay dagaalka ayaa la geeyey isbitaalka Istarliin ee Guriceel.
Ma jiraan warar madaxa bannaan oo xaqiijinayo cidda uu u dhexeeyo dagaalka iyo sababaha dhaliyey.
Guriceel SDN/QJ