1st July 1960 – Wixii Mar Kaa Qaldamay oo ad Sixi Waydaa, Mar Labaadna uu Kaa Qaldami Karaa
Hargaysa 04. July 2017 (SDN/QJ):- 1da July waa maalintii koonfurta Soomaliya ee Talyaanigu isticmaarsanayey ay gobanimada qaadatay.
Waana munaasabad labaad oo ah, maalintii ay isku darsadeen koonfurta Soomaaliya iyo Soomaaliland oo ay sameysteen dawlad midow ah oo la yidhaa Jamhuuriyadda Soomaaliya. Marka wakhtigeedii la joogo, waa taariikh aad u weyn oo kulmisay laba munaasabadood oo waaweyn.
30 kii sanadood ee ina soo dhaafay, Soomaaliya waxa ay soo martay xanuun ka baday kii uu gumeysigu u geystey. Waxa dhintay dad boqol jeer ka badan intii gumeysigu dilay, waxaana dilay dad kale oo soomaali ah oo ahaa kuwii uugu xigay.
Baraha warbaahinta waxa ad ka arkeysaa in Soomaaliland aaney qayb ka aheyn dabbaaldegaa manta loo sameynayo 1da July, maadaama ay dawlad u gaar ah iyo maamul u gaar ah sameysatey, kana baxdey midowgii la sameeyay 1dii July 1960gii.
Sababaha ay Soomaaliland ay midowga uuga baxday maaha wax sharaxaad u baahan, balse waa wax ay dadka Soomaalidu wada ogsoonyihiin, dhan kasta oo ay ku noolyihiinba. Dabcan, Soomaaliya inteeda kale raali kama aha gooni isu taaga Soomaaliland, taasina waa arin la fahmi karo oo sharaxaad uma baahana.
Balse, waxa jira arin aan sax ahayn oo taariikhda jiilka manta jooga laga dhaadhicyey oo u baahan in la saxo. Wax kaa qaldamey oo ad sixi weyday, waxa uu u badanyahay inu mar labaad kaa qaldamo. Dadka Soomaaliland u dhashay, ha u badnaadeen jiilka da’da dhexe iyo dhalinyaradu, waxa ay heysataan taariikh sheegeysa in markii ay Soomaaliya iyo Soomaaliland isku darsadeen, in koonfurta Soomaaliya ay khiyaameysay woqooyigii oo markii danbena ay dagaal ku qaaday. Taariikhda sidaa sheegeysaa wax badan ayaan run ahayn.
Dawladdii hore ee Soomaaliya dagaal ayay la gashay shacbiga Soomaaliland, dad bandanna way kaga dishay, magaalooyinkiina wey burburisey. Taasi waa taariikh cad oo qoran oo ay tahay inay xisaab ku jirto, oo aaney cidlo ku lumin. Hasayeeshee, tariikhda ah in markii la isku darsadey 1 dii July 1960gii ay koonfurtu khiyaameysay Soomaaliland, taasi waa arin aan wax badan ka jirin oo runta ka fog. Koonfurtu marna may khiyaameyn Soomaaliland. Balse Siyaasiyiintii Soomaaliland hoggaaminayay iyaga oo khiyaameysan oo iyaga laftoodu aan talo hayn ayay ku biireen koonfurta. Waxa u caddaa oo keli ah kursigooda.
Soomaaliya intay Hargeisa timid cidna may khasbin. Siyaasiyiintii Hargeisa ka tegay ee xamar tegay cidi kumay khasbin ljasbin isku darka labada dal. Iyaga oo raali ah ayay ogolaadeen inay ka mid noqdaan, dawladna wada dhistaan. Iyaga oo ku faraxsan ayay sacabka u tumeen oo ay dawladdii muqdisho laga dhisay ku ayideen.
Marka caruurtu kubad ciyaareyso, waxa uu midi yidhaahdaa “ii cug” ka kale ayaa yidhaa “Cirka” markaasuu kii hore inta uu inamada meesha jooga isha mariyo ayuu yidhaa hebel ayaan doortay. Kii labaad oo laga hor doortey xariifkii ayaa isna meesha isha mariya oo inta hadhay ka u xariifsan doorta. Sidaasa midba kol si talantaali ah wax u doortaa, halkaasaaney laba kooxood ku noqdaan. Ka warran haddii ad tahay mid ka mida labada qof ee cugtamayaa, oo uu inanka kale ku yidhaa ii cug, oo ad tidhaa circa, oo uu ku yidhaa hebel ayaan doortay, oo marka ad is tidhaa adiguna kaagii dooro, oo ku yidha maya ee sug, marka hore anaa wada dooranaya 11 ka inanee xarfaanta ah, adiguna 5 inan ee soo hadha ayaad qaadaneysaa. Hada waxa meesha joogaaba waa 16 inan, waxaanu ku yidhi 11 uugu xariifsan ayaan ka naqeysanayaa, ka bacdi shanta kuu soo hadha igula ciyaar. Maaha oo keliya inu xarfaantii kaa naqeystey, balse isna waa 11 xariif ayuu qaatey, adna 5 khashiin ayuu kuu reebey. Ciyaartaa imisa gool ayaa lagu kala badinayaa ayaad u maleyneysaa? Siyaasiyiintii Soomaaliland waxa ay aqbaleen 1960gii iney ogolaadaan ciyaar noocaas ah iyaga oo ku faraxsan.
Markii 1dii july 1960 la isku darsadey, koonfur iyo woqooyi la iskuma darsan. Balse, woqooyiga ayaa intuu Hargeisa ka tegey oo uu muqdisho tegey ku darsadey koonfurta. Cidi ismey weydiin waa halkee caasimaddu, xata laguma heshiin in Hrageysi noqoto caasimda labaad ee berigii danbe uunbaa warbaahintu sheekadaa sameysey. Waa laga yaba in dadka qaarkii igu diidaan oo ay waraaqo keenaan ama taariikh ka sheekeeyaan. Balse anigu waxa an ka hadlayaa sidii ay wax u dhaceen. Baarlamaanka Soomaaliya oo dhisan oo jira ayay siyaasiyiintii woqooyi ka tagtey ku biireen oo kuraas loo sii qoondeeyey la siiyey. Waa nin ad gurigiisii uugu tagtey adiga oo xiiqsan oo markaa gurgii meel kaa fadhiisiyey. Taasi maaha inad guriga la leedahay. Lagama wada hadal labada dal ee isku darsanayaa waa maxay tirade labada mujtamac.
Xiligii gobanimada la doonayey, koonfurta waxa u weynaa oo ka dhisnaa xisbigii la odhan jirey “SYL” halka ay Soomaaliland ka dhisnaayen dhowr xisbi oo kale sida SNL, NUF iyo USP. Markii 1dii July la isku darsadey laba dhinac ilaa maanta oo la joogo waxa Soomaaliya lagu dhaqmaa in xisbigii gobanimada Soomaaliya dhaliyey uu ahaa SYL, iyada oo aan marna la sheegeyn xisbiyadii dhinaca Soomaaliland ka jirey ee gobanimada dhaliyey. Maaha oo keliya intii siyaad Barre qabsadey uun, ee xataa markii ay jirtey dawladii hore ee Mohamed Ibrahim Cigaal Ra’iisal wasaaraha ka ahaa iyo wixii ka horeeyey iyo wixii ka danbeeyeyba, waxa meel kasta oo Soomaaliya ah sudhnaa sawir 13 nin ay ku sawiranyihiin oo la yidhaa waa 13 nin ee SYL asaasey ee gobanimada keeney
Waxa uugu darneyd markii dawladnimada la qeybsanayayy. Koonfurtii madaxweynihii iyda ayaa qaadatay, Raaiisal wasaarihiina iyaga ayaa qaatay. Wasiirkii daakhiliga iyagaa qaatay. Wasiirkii maaliyaddana iyaga ayaa qaatey. Taliyaha ciidamadana iyaga ayaa qaatay, taliya bileyskana iyaga ayaa qaatay, xeer ilaaliyaha guudna iyaga ayaa qaatay, guddoomiyaha baankana iyagaa qaatay. Soco uun!!!!!! Wixiiba iyaga ayaa qaatay. Dhowr wasiir oo aan macno lahayn ayaa la siiyey qoladii Soomaaliland la siiyay. Intooda kale waxa ay sacabka u tumayeen dadkan kale ee wax qeybsanayaa. Markii raggii rag ahaa meesha wax ku qeybsaday, Soomaaliyay Toosoo uunbaa La Isu Qaadey. Sidaasaanay u dhacdey. Raggii Hargeisa laga direy dawladnimo la sheego kamay qeyb gelin, ee waxa la siiyey uun intan iminkaba Muqsisho laga siiyo beelaha laga tirada badanyahay.
Siyaasigii hoggaaminayay Soomaaliland, Mohamed Ibrahim Cigaal (AHUN), waxa markii danbe laga dhigey Wasiirka Waxbarashada. Hadda waa madaxweynihii Hargeisa laga diray ee la is lahaa 5ta Soomaaliyeed ha Xukumo, waxa uu markii danbe noqdey wasiirka waxbarashada, waa wasaaradda qofka wax loo waayo loo dhiibi jirey.
Wixii isku darkii ka danbeeyey, ilaa maanta noloshu waxa ay inoogu dhamaatay cabasho iyo calaacal iyo gabayo iyo dhiig isku karin. Balse waxa an karti u weynay in aan isweydiino waxa inaga qaldamay. Siyaasigii iyo hoggaamiyihii bulshada ee ay ahayd inu dadka u sharxo waxa qaldamey si loo saxo, farta meel kale ayuu ku fiiqay oo wuxu yidhi Soomaaliya ayaa ina khisaameysey. Soomaaliya kumay khiyaamayn ee waad sixranayd. Inan yar oo 6 jir ah ayaan ogolaadeen waxa ad ogolaatey oo haddii wax laba caruur la wada siiyay uu midi in yar badsado, ka kale uu ka daba ooyayaa. Sidee dawlad dhan oo gacanta kuugu jirta ad cidlo uuga taagan tahay asbuuc gudihii.
Caadifadda iyo Sixirku Waa isku Mid. Labaduba wax aan jirinna wax jira ayay kaaga dhigaan, wax jirana wax aan jirin ayay kaaga dhigaan. Caadifadda iyo sixirku runta oo dhan maskaxdaada way ka masaxaan, khayaal ayaanay run kaaga dhigaan. Inagoo iminkadan taagan ayaynaan diyaar u aheyn inaynu nidhaa inagaa qaldanay ee yaan walaalaheena Soomaaliya colaad aan meel jirin umadda loo geli. Inaga ayaan diyaar u ahayn inan nidhaa, farsamo yaqaano iyo karaaniyo ayaynu u diranay siyaasad oo aynu ka filnay inay wax wayn inoo soo gooyaan.
Shicibka laftiisa ayaa meel xun taagan. Kuwaa gobanimada la anbaday 1960 gii sacabka ayuunbaa loo tumayay, iminkadan lafteedana inkastoo la dhaamo, hadana weli caadifad ayaa taladeenu ku socotaa, ee kuma socot xisaab sax ah. Miyirka runta ihi wuxu inagu soo degaa uun marka jarka la iskala dhaco. Koonfur nacayb iyo Soomaaliland jacayl waxa u dhexeeyaa la isma weydiiyo. Soomaaliland ta lafteeda ayaa meelo badan in wax la iska weydiiyo u baahan. Adoo og inaan dawladda ingiriiska ama mareykanka ama faransiisku inta ay aroor uun soo toosaan in aanay odhaneyn saaka ayaan Soomaaliland ictiraafnay, ayaa halkii wax la isweydiin lahaa ee la odhan sidee wax la yeelaa, ayaan si yar oo inaga uun ina kafeysey aynu iskugu sheekeynaa. Taladeenu ma dhaafto inyar oo PANADOL ah oo ad xanuunka uun ku dhaafayso habeen, balse beri arinkii meeshiisii ayuu taagan yahay.
Guusheena iyo guuldaradeenu midna kuma xidhna Soomaaliya iyo Soomaaliland oo isku darsada ama kala go’a. Taasi waa meel soke, marka loo eego mustaqbalka fog ee la rabo in jiilka maanta joogaa ay uuga tagaan jiilasha soo kacaya. Waxa loo baahanyahay in laga soo bilaabo 1950gii illaa maanta la isweydiiyo maxaynu sax ahayn, maxaa inaga qaldamey sidayna, inooga qaldameen. Waxa inaga qaldamey oo keliya oo la isweydiiyo oo la cadeeyo ayaa wax badan sixi kara.
Maxamed Cali Bile
Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha