|

19-Sanno Oo Uu Ku Maqnaa Qaaradda Yurub, Ka Dib Waxa Uu Taksiile Ka Yahay Magaalada Hargeysa.

Hargeysa,26sep,2015(QJ/SDN)-Iyadoo aynu wada ogsoonahay kumanaanka kun ee dhalinyarada soomaaliyeed ah ee sanad walba u tahriiba qaaradda yurub, ayaa haddana taasi baddalkeeda waxa jira dhalinyaro faro badan oo markii dhibaatooyin fara badani ka qabsadeen wadamada midowga Yurub ee ay magan galeen iyaga iyo qoysaskoodu, dabadeedna dib ugu soo laabta deegaanadii ay markii hore ka dhoofeen. Haddaba Jamaal Axmed Maxamed Oo ah nin dhalinyaro  ayaa waxa uu ka dhoofay magaalada Hargeysa sanadkii 1996kii isagoo sagaal jir ah, dhibaatooyin aad u faro bandanna waa la soo darseen muddadii uu ku sugnaa qaaradda Yurub.

Jamaal Waxa uu muddo dheer ku noolaa dalka Sweden, waxaana uu dalkaasi u dhoofay sanadkii 1996kii isagoo sagaal jir ah, Mudadii uu dalkaasi ku sugnaa waxa uu kala kulmay dhibaatooyin fara badan oo ay ka mid tahay xabsiyo dhaadheer oo uu wakhtigaasi galay,

jamaal

Jamaal waxbarashadiisii dugsiga hoose waxa uu ka bilaabay dalkaasi Sweden magaalo la yidhaadhdo ‘Uumiyo’, Jamaal Axmed muddo markii uu waxbarashadii dhiganaayay ayuu ka hadhay ka dib markii uu raacay dhalinyaro kooxo-kooxo ah oo budhcad ah sida uu sheegay.

Jamaal Axmed ayaa sheegay muddo markii uu jiray kooxahaasi in ay dowladda dalka Sweden la wareegtay maamulkiisa ka dib markii uu falal danbiyo ah sameeyay, halkaasna looga kaxeystay reerkii ama qoyskii uu la noolaa,iyadoo la geeyay xero dowladdu leedahay.

Jamaal ayaa sidoo kale sheegay in meesha wakhtigaas la geeyay uu ku bartay dad aad u xun xun oo dhaqamo xun uu ka bartay.  Ka dib Jamaal waxa uu ku biiray kooxo dabley ah oo dadka dhaca isla mar ahaantaana laaya dadka, Jamaal waxa kale oo uu sheegay haddii aanu koox ka mid ahaan lahayn in isagana lasoo weerari lahaa wakhtigaasi markaa taasina ay gabaad u noqonaysay. Jamaal ayaa sidoo kale sheegay in Xeradii dowladdu ay gaysay uu kusii qal-qaaliyoobay .

Jamaal ayaa sidoo kale ka warramay dagaal dhex maray isaga iyo saddex nin oo ay saaxiibo ahaayeen, ka dibna uu saddexdii ninba bireeyay ama uu tooray galiyay.

Jamaal ayaa markii ugu horreysay yimid magaalada Hargeysa sanadkii 2007dii isagoo muddo bil ah joogay magaalada Hargeysa.

Jamaal ayaa sheegay in muddadii uu dalka Sweden joogay uu soo maray sagaal Xabsi.

Ugu danbeyntii Jamaal waxa uu usoo guuray magaalada Hargeysa sanadkii 2014kii, isagoo sheegay in qoyskiisii uu waagii hore necbaa ama uu ka carari jiray, balse uu hadda jeclaaday ka dib markii uu ka dhex baxay kooxihii dableyda ahaa ee uu ku dhex jiray muddadii uu joogay Sweden. Jamaal waxa kale oo uu sheegay markii uu yimid magaalada Hargeysa in uu la qabsan waayay xaaladda nololeed ee magaalada Hargeysa balse uu u samray ugu danbeyntii uu si fiican ula qabsaday hab nololeedka magaalada.

Jamaal Oo Booqday Miyiga magaalada Hargeysa 19-sanno ka dib

Jamaal Oo Booqday Miyiga magaalada Hargeysa 19-sanno ka dib

Sidoo kale Jamaal ayaa sheegay markii uu yimid magaalada Hargeysa in uu xadhiga ilaahay qabsaday oo uu galay nolol aad u macaan ka dib markuu uu bibaabay tukashada salaadda iyo in uu qalbigiisa ku xidho masaajidka, sidoo kale Jamaal dabayaaqadii sanadkii 2014kii ayuu xajjka tagay isaga iyo hooyadii.

Jamaal iyo Hooyadii Oo Xajjka Ku Sugan 2014kii

Jamaal iyo Hooyadii Oo Xajjka Ku Sugan 2014kii

Jamaal Oo Ku Sugan Xajjka

Jamaal Oo Ku Sugan Xajjka

Jamaal hadda waa Taksiile degan maagalada Hargeysa isaga iyo xaas uu guursaday muddadii uu joogay Hargeysa, waxaana uu aad ugu faraxsanyahay nolosha taalla dalka hooyo.

darawal

Halkan Hoose Ka Daawo Wareysi Dheer Oo Lala Yeeshay Jamaal:

QJ/SDN: Hargeysa

Comments are closed