“18 May Waa Maalintii Qaranka, waa maalintaydii, waa maalintii Somaliland….Somaliland Waxay Leedahay Taariikh Weyn oo ka horaysay 18 May…” Soo dhawayn Mug leh oo Gudoomiye Cirro Hargaysa kala Kulmay DAAWO
Hargaysa 25.May 2016 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo safar ugu maqnaa waddanka Maraykanka oo uu kaga qayb galay shir caalamiya, ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday, isla markaana boqolaal qof oo ka mid ah shacabka reer Somaliland iyo taageerayaasha xisbiga Waddani oo iskaga kala yimi Gobolada iyo Degmooyinka dalka, ayaa siweyn ugu soo dhaweeyay Madaarka magaalada Hargeysa, kuwaasoo dabaal deg balaadhan iyo ciyaaro kala duwan ku maray jidadka waa weyn ee magaalada Hargeysa.
Guddoomiyaha Waddani oo faahfaahan ka bixiyey shirarkii kala duwana aee uu la yeeshay labada aqal ee Maraykanka iyo madax kala kala socotay beesha caalamka iyo geeska afrika waxa uu yidhi.
Geesta Kale, Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in Somaliland leedahay taariikh balaadhan oo soo taxnayd ilaa daraawiishtii. Halkan hoose ka daawo muuqaalka Warka Guddoomiayaha xisbiga Waddani.