18 ka mid ah Askarta Ciidamada Dawlada Yemen oo ku dhintay Dagaal ka dhacay mid ka mid ah Gobolada dalka Yemen
Sanca 29. August 2017 (SDN/QJ):-Sideed iyo Toban askari oo ka tirsan Ciidanka xukuumadda la aqoonsan yahay ee dalka Yeman ayaa waxna ku dhinteen waxna u dhaawaceen dagaal Gobolka Ma’rib ee Woqooyiga dalkaasi ku yaala ku dhexmaray Maleeshiyada lagu magacaabo Ansaarulaah.
Wararka dhinaca Ciidamada laga helayaana waxay sheegeen,in Ciidanka Xukuumadda dalka Yeman ay weerar ku qaadeen fadhiisimo ay degan yihiin ciidamada xuutiyiintu degmada Sarwaax halkaasina ay labada dhinac ku kala gaadhay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Waxaanay wararku intaa raaciyeen in Dayuuradaha dagaalka ee Xulafada Sucuudigu hogaamiyo ee taagera xukuumada Dalkaasi ee la aqoonsan yahay ay Garaaceen Jiido ka mid ah degmada Sarwaax ee dagaaladu ay ka dhaceen.