16 Qof oo ku Geeriyooday Qarax ay Alshabaab ka Fulisay Beledweyn
Beled Weyn 19.October 2013 (SDN)- Lix iyo toban qof oo u badan dad rayid ahaa ayaa inta la ogyahay ku dhimatay, 26 kalena way ku dhaawacantay qarax maanta barqadii ka dhacay bartamaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Taliyaha qeybta booliska ee gobolka Hiiraan, Col. Isaaq Cali Cabdulle ayaa warbaahinta u sheegay in lix qof oo ka tirsan dadka dhaawaca ah ay xaaladdoodu liidato, isla markaana la qorsheynayo in loo gudbiyo magaalada Muqdisho, si halkaas loogu soo daweeyo.
Wararka aan helayno ayaa sheegaya in qaraxa uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa oo isku qarxiyay maqaayado (biibitooyin) ku yaalla afaafka hore ee xarunta gobolka Hiiraan oo ay ku sugnaayeen dad rayid ah, waxaana meesha ka dhowaa askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwo Ethiopian ah.
Dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa la dhigay isbitaalka guud ee Beledweyne, waxaana laga cabsi qabaa inay tirada dhimashada intaas ka badan karto.
Ciidamo ka kooban AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa howlgallo ka sameeyay goobta uu ka dhacay qaraxa, waxaana la maqlayaa rasaas teel-teel ah.
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.
Beledweyn SDN.
Qurbejoog.com