|

15 Xaqiiqo Oo Layaab Leh Oo Aanay Dunidu Waxba Kala Socon Oo Ku Saabsan Woqooyiga Kuuriya, Qaarkoodna Aanad Rumaysan Karin

Hargaysa 02. October  2016 (SDN/QJ):- Waddanka Woqooyiga Kuuriga oo mabda’ ahaan haysta nidaamka shuuciga taladiisana uu hayo xisbi macangag ah oo uu maamulo wiilka aabihii xilka uga dambeeyey ee Kim Un ayaa waxa aan ka soo qaadan doonaa 16 Arrimood oo xaqiiqooyin aanay cidina la socon ah kuwaasi oo layaab leh oo aanay dadku waxba kala socon.

18esbsiQormadan waxa aan ka soo xiganay wargeyska dhacdooyinka layaabka leh wax ka qora ee secret waxaanay kala yihiin:

  1. Ma Og tahay Akhristow in waddanka Woqooyiga Kuuriya sharci ahaan daroogada Marijuana ay ka ka tahay mid bannaan oo dadku isticmaali karo oo aanay kuba jirin liiska daroogooyinka waddankaasi u yaalla.
  2. Woqooyiga Kuuriga waxa laga helaa garoonka coiyaareed ee adduunka ugu xajmi weyn oo qaadi kara in ka badan 150-kun oo daawade.
  3. muddo 20 sanadood ah huteelka ku jira dhismaha adduunka ugu dheer oo ka kooban 150 dabaq waxa uu ku yaallay Pyongyang oo ah caasimadda Woqooyiga Kuuriga balse wakhtigan waxa soo baxay dhismayaal huteelo ah oo la dhaadheer.
  4. Woqooyiga Kuuriga dadku waxa ay u qaybsan yihiin in ka badan 51 qaybood oo dhinaca nolosha ah oo ah sida ay ugu kala dhaw yihiin maamulka dalkaasi ka jira.
  5. Woqooyiga Kuuriga Timo-jarayaashu (Rayiislayaashu) waxa ay ku kaal doorran siin karaan in ka badan 28 qaab oo timaha loo xiirto oo nooca aad jeceshahay laguugu jari karo.
  6. Kim kii labaad oo ah aasaasaha Kuuriyada Woqooyi waxa uu dhashay isla maalintii uu qarraqmay ama degay markabkii caanka ahaa ee Titanic.
  7. 60-kii sano ee ugu dambeeyey in ka badan 23-kun oo qof oo Woqooyiga Kuuriya u dhashay ayaa u baxsaday Koonfurta Kuuriya halka taa baddalkeeda mudada intaasi le’eg 2 qof oo kali ah oo Koonfurta Kuuriya ahi u soo baxsadeen Woqooyiga Kuuriya.
  8. 1974-kii Madaxweynihii waddanka Woqooyiga Kuuriga ee wakhtigaa xukunka yahay waxa uu waddanka Sweden ka soo amaahday in ka badan 1000 gaadhi oo noocoodu yahay Volvo kuwaasi oo aanay xukuumadda dalkaasi illaa maanta iska bixin lacagtoodii.
  9. Sannadkii 2013 Madaxweynaha wakhtigan dalkaasi Xukumaa waxa uu dilay adeerkii rumaad kaasi oo intii aan xabbad lagu dhufan isaga oo qaawan lagu dhex xidhay qol yar oo shabag ah ama qafas ah oo ay ku dhex jiraan in ka badan 120 Ey oo dad cun ahi.
  10. Haddii qofka lagu qabto Kitaabka Injiil ee Kiristaanka, ama uu daawado Aflaamta Koonfurta Kuuriya ama telefishanka Koofurta Kuuriya iyo wlaiba filimada galmada ah waxa uu qofku mutaysan karaa ciqaab wakhtiyada qaar gaadhsiisa illaa heer dhimasho.
  11. Saraakiisha Ciidamada qalabka sida ee Kuuriyada Woqooyi iyo masuuliyiinta dawladda oo kali ah ayaa dalkaasi loo ogol yahay in ay gawaadhi kaxaysan karaan inta badan dadku waxa ay kaxaystaan baaskiilado iyo mootooyin.
  12. Telefishanka dalkaasi Woqooyiga Kuuriya waxa lagu magacaabaa Nada oo luuqadda Afka Isbaanishka ku noqonaysa waxba kama jiraan balse luuqadda Woqooyiga Kuuriya ku noqonaysa xiddigaha.
  13. Xidhashada Dharka Jiiniska ah ee ragga iyo dumarka ee saraawiisha, shaadhadhka ama koodhadhka jiiniska ahi dhammaan dadka dalkaasi waa ka mamnuuc oo lagama ogola in laga xidho.
  14. Tan iyo sannadkii 1990-kii waddanka Woqooyiga Kuuriya waxa ka haajiray oo isaga baxsaday in ka badan 12,700 oo muwaadin oo Kuuriyada Woqooyi u dhashay.
  15. Diridda Waraaqaha iyo xidhiidhka caalamiga ah inta badan dawladda Woqooyiga Kuuriya waxa ay isticmaashaa aaladda FAX iyaga oo haddii ay wax kale isticmaalaan ka cabsi qaba in ay macluumaadka ku qoran si sir ah u helaan dawladda ay cadaawadda weyni ka dhaxayso ee Koonfurta Kuuriya.

Comments are closed