13 Xildhibaan oo lagala laaban doono kuraastooda, beelaha ay kasoo jeedaan DHAGAYSO
Muqdisho 09. October 2016 (SDN/QJ):-Gudigga Doorashooyinka ee Heer Federaal oo cadaadis caalami ah kala kulmaya Qaramada Midoobay iyo dowladaha caalamka ayaa wada qorshe uu ku doonayo in uu liiska Xildhibaanada uga saaro xubno tuhun uu ku jiro qaabka ay doorashadooda ay ku dhacday.
Xubnaha la tuhunsan yahay ayaa ka soo baxay intooda badan Magaalooyinka Cadaado iyo Jowhar iyadoo macquul ay tahay in intooda badan loo diido shahaadada aqoonsiga xildhibaanimada.
Ilo ka tirsan Gudiga Doorashooyinka ayaa Sheegay in intabadan dadka la tuhun san yahay ay u badan yihiin koox Diimeedka Damjadiid ee uu ka tirsan yahay Madaxweynaha talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud.
Gudiggu waxa uu ka gaabsaday tirada rasmiga ah ee Xildhibaanada la doortay ee lagala laaban doono kalsoonida hase ahaatee warar hoose ayaa tilmaamaya in ku dhawaad 30 kursi ay ku lug lahaayeen musuq maasuq daran.
Waxaa kale oo jira xubno kasoo jeeda gobolada Koofur galbeed Soomaaliya kuwaas oo shaki uu ku jiro qaabkii ay doorashadooda udhacday, lamana hayo magacyadooda.
Liiska qaar kamid ah xubnaha lagu laaban doono Doorashadooda iyo qabiilada ay ka soo jeedaan
1- Mahad Maxamed Salaad Habargidir-Ceyr
2-c Cabdiraxmaan Odowaa Habargidir-Saleebaan
3- Mustafa Sh Cali Dhuxulow Murusade- Habar Ceyn
4- Saabir Nuur Shuuriye Habargidir-Saleebaan
5- Cabdulahi Sanbaloolshe Xawaadle-Cali Madaxweyne
6- Cabdirisaaq Cumar Maxamed Xawaawle-Cabdi Yuusuf
7- Cabdulaahi Macalin Nuur Abgaal – Harti – Agoon yar
8- Cabduqadir Gaafow Maxamud Mursade – Habar Ceyn
9- Abdixakiim Macalin Axmed Habargidir- Ceyr
10- Maxamed Axmed Abtidoon Habargidir – Saleebaan
11- Cali Axmed Shariif Cali Yare Shiikhaal – Loobage
12- Cali Maxamed Cali Balcad Hilibi Dalandole
13- Saadaq C/kariin Abgaal – Waceysle- Caligaaf