|

13-Ka Haween ee u Dhaxay Boqorka Swaziland Iyo 100-Ehelakooda Ah Oo Malaayiin Doollar Ku Dalxiisaya Dunida

ooo Lobamba: 9-Aug-2013 (SDN)Xaasaska boqorka Swaziland King Mswati III, ayaa socdaal dalxiiseed malaayiin doollar ku kacaya ku maraya, waddamo badan oo ka tirsan qaarada Eeshiya, gaar ahaan dalalka Australia iyo Japan.

Socdaalka Boqorka waxaa ka wada qayb qaadanaya saddex iyo tobanka xaas ee boqorkaasi qabo, oo ay weheliyaan ugu yaraan boqol qof oo eheladooda iyo shaqaalahooda gaarka ah.

 

Dalxiisayaashan ka kooban xaasaska Boqorka Swaziland iyo boqolka qof ee weheliya, ayaa dhamaantood raacay diyaarada boqorka u gaarka ah, waxaanay socdaalkooda ka bilaabeen, Jasiirada Baali ee dalka Indonesia, ka dibna waxa ay uga gudbeen jasiirado ka tirsan dalka Australia.

 

Xaasaska boqorka Swaziland King Mswati waxa ay ku soo gaba gabayn doonaan, Dalalka Maldives iyo Ethiopia oo noqonaya lugta ugu danbaysa ee dalxiiskaas malaayiinta dollar ku kacaya.

 

Safarkan dalxiiska ah ee boqortooyada dalkaas ayaa ah mid si sir ah loo diyaariyay oo laga qariyay gabi ahaanba saxaafada dalkaas iyo tan caalamka labadaba waxaana warka ku saabsan dalxiiskaas kaliya dunida u soo gudbiyay shabakad wareed oo laga leeyahay dalkaas, taas oo iyaduna ku guulaysatay inay qof ka mid ah dadkii xaasaska raacayay nasiib u hesho.

 

Xaasaska Boqorka Swaziland ayaa iyagu sanadkiiba mar dalxiis ugu baxa dunida, waxaanay hore u soo mareen, Maraykanka, Yurub iyo Dubai, waxaana u hadhsanaa qaarada iyo dalalka ay iminka ku soo tamashlaynayaan.

 

Mar laga hadlayay qiyaasta lacageed ee ku baxaysa dalxiiska sadex iyo tobanka xaas ee boqorka Swaziland iyo boqolka qof ee la socda, ayaa dhan ilaa laba boqol oo milyan oo dollar, waxaanay lacagtaasi marka si kale loo eego, dabooli kartaa dhibaatada carruurta dalkaas saaran, taas oo la qiyaasay in boqolkiiba afartan ka mid ah carruurta dalkaasi ay la il daran yihiin, nafaqo daro, koriinkooda danbe naafaysa.

 

Somalidiasporanews.com

 

 

 

Comments are closed