|

LABADA LACAGAYOOW MIDUUN ARDAYDA HALAGA DAAYO

Siyaasadda Qaran ee waxbarashada asaasiga ahi waa lacag la’aan.
Waxaa jirta waxyaabo nolosha Aadamaha u ah aasasi oo ay tahay daruuri fulintoodu sida waxbarashada.

Waxbarashadu waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu mudan waxa uu aadamuhu ku taamo inta uu noolyahay ee ay diinteenuna dhiiri galisay sidaas oo ay tahay ayaa dalka somaliland uu markii labaadkii ku guuldaraystay sii jirista ama hirgalinta rasmiga ah ee Lacag la’aanta waxbarashada aasasiga ah oo marka laga yimaado xiligii marxuum cigaal oo mar ah marlabaadkii uu xusbiga kulmiye ku galay ololaha doorashadii madaxtooyada 2010 Inuu Samaynaayo Mashruuuca waxbarashoda Aasasiga ah oo Lacag la’aan ah taas oo sanadkii labaad ee mudo xileedka xusbiga lagaga dhawaaqay somaliland inay tahay waxbarashada aasasiga ah ee dugsiyada hoose dhexe tahay Bilaash Lacag la’aan Hasayeeshe Taasi oo fashilantay kadib markii ay weyday qorshe Barayaasha Lagaga Maarnsiin karo Feega Yaree Laga qaado ardayda Taas oo keentay inaanay Sii Shaqaynin Mudo dheer ee ay noqotay wax aan hanaqaadin oo maantaba Dugsiyadii Dawladu yahay Lacag.

Waxaa Iyana Ardayda Dulsaar ku ah Qaadhaaanka dhismaha Wadada ceerigaabo oo laga uruurinayo dhamaa dugsiyada dalka,
Hadaba waxaan u soo jeedinayaa wasaaradda waxbarashadda Somaliland iyo Madaxweynaha In Ay Ka Daayan ardayda Labada Lacagood miduun Oo Waliba ay Suurto Galiso Xukuumadda Haatan Xilka Haysaa Gudashada Waajibaadka Ku Xusan Qodobka 15AAD EE DASTUURKA QARANKA Iyo Baaqa Xuquuda Aadamaha.

DASTUURKA SOMALILAND

QODOBKA 15aad

1. Dawladdu waxay mudnaan gaar ah siinaysaa horumarinta, ballaadhinta iyo faafinta cilmiga iyo tacliinta, iyadoo u aragta inay waxbarashadu tahay maal¬gelinta ugu habboon ee kaalinta ugu weyn ka qaadan karta horumarinta siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho.

2. Waxbarashadu waa mid u danaynaysa dadweynaha, kuna habaysan waayaha iyo deegaanka gaar ahaaneed ee bulshada Somaliland.

3. Barashada iyo tarbiyadda Diinta lslaamku waa dariiqad asaasi ah; dhammaan heerarka waxbarashadana waa ku khasab, isla markaana horumarinta dugsiyada Qur’aanku waa waajib saaran Dawladda.

4 .Muwaadiniinta iyo shisheeyaha dalka deggeni waxay furan karaan dugsiyo iyo barnaamijyo waxbarasho iyo tababaro oo heer kasta ah oo waafaqsan xeerka warbarashada.

5.Dawladdu waxay mudnaanta koowaad siinaysaa waxbarashada asaasiga ah; waxaanay u hawl galaysaa in gobollada iyo degmooyinka lagu baahiyo waxbarashada asaasiga ah.

6. Cidhib tirka akhris-qoris la’aanta iyo waxbarashada dadka waaweyni waa waajib ummadeed waana in shacab iyo Dawladba awood Ia isugu geeyo fulinta waajibkaas.

7. Siyaasadda Qaran ee waxbarashada asaasiga ahi waa lacag la’aan.

8. Si dhallinyarada loogu xaqiijiyo koritaanka jidhka iyo maskaxda oo caafimaad qaba, korna loogu qaado barbaarintooda iyo dareenkooda Dawladdu waxay ahmiyad gaara siinaysaa horumarinta iyo dhiiri-gellinta ciyaaraha jidhka iyo isboortiga, kuwaas oo loo aqoonsan doono maadooyinka asaasiga ah oo ka mid ah manhajka waxbarashada dugsiyada dawladda iyo kuwa kale.

WABILLAAHI TAWFIIQ
Qalinkii Garyaqaan Muuse Yuusuf

Comments are closed